Axad, Maarso 9, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay inuusan mar dambe u dulqaadan doonin dayaca amni ee fursad siin kara kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo uu xusay in laga sifeeyey gobolka Bari.
Madaxweyne Deni, oo la hadlayey nabadoonnada gobolka Bari, ayaa caddeeyey in aysan jirin Shabaab ama Daacish ah oo awood ku leh magaalada Boosaaso. Wuxuu tilmaamay in dhulka laga saaray Daacish ay dowladdu ka dhisi doonto waddooyin fududeyn doona isku socodka ciidamada iyo shacabka.
Isagoo ka hadlayey arrimaha amniga, wuxuu xusay madaxweyne Deni inuu cafis u fidiyey dhammaan cid kasta oo horey dambi u gashay. Hase yeeshee, wuxuu digniin culus u diray qof kasta oo amni-darro ka shaqeynaya ama xiriir la leh kooxaha argagixisada, isagoo ku adkeystay inuusan mar dambe u dulqaadan doonin cidda ku lugta leh falalka amni darrada.
"Qof kasta waan cafiyey anigoo magaca dowladda ku hadlaya," ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa ammaanay odayaasha dhaqanka, isagoo ku bogaadiyey kaalintooda hawlgalka Hillaac, gaar ahaan wejigiisa saddexaad ee haatan ka socda Puntland.