Axad, Maarso 9, 2025 (HOL) - Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay u gudo gelayaan shirar laysugu soo dhaweynayo bulshada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.
Madaxweyne Ku-xigeenka, oo ka qayb galay munaasabad lagu qaramaynayay cutubyo ka mid ah ciidamo beeleedka SSB, ayaa sheegay in laga bilaabo hadda ciidamada milaterigu ay masuul ka yihiin amniga gobolka.
“Waxaan idiin sheegayaa in ciidamada Qaranku la wareegeen difaaca dalka. Janankiinna waa kaas ina ag jooga, iyo saraakiishii kale iyagaa la wareegay, gaadiidkiina iyaga ayaa la wareegay, furihiina wanaga u dhiibnay,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.
Waxa uu sheegay in qaramaynta ciidamada madaniga ahi ay ahayd tallaabadii ugu horreysay ee nabadaynta Ceerigaabo, isaga oo sidoo kale ku dhawaaqay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelaha kala duwan ee gobolka Sanaag.
“Qaramaynta ciidanku waxay ahayd furaha nabadgelyada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag. Waxaan leeyahay, gogoshii way taallaa, madaxweynuhuna wuu dhigay, anna waan kala bixiyay,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.
Ugu yaraan 45 kun oo qoys ayaa magaalada ka qaxay, kadib markii iska hor imaad aan badnayn uu magaalada ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Dadka qaxay ayaa ka cabsi qabay in colaaddu sii ballaadhato.
Sidoo kale, ciidamada beeleedka SSB iyo G36 oo hadda qaramayntoodu meel fiican marayso, ayaa buux dhaafiyay magaalada iyo hareeraheeda. Arrintaasi waxay sii laba jibbaartay qaxii dadka, maadaama aysan ahayn ciidan si toos ah uga amar qaata xukuumadda.