Axad, Maarso 9, 2025 (HOL) - Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa burburiyay Buundo macmal aheyd oo ay adeegsan jireen kooxda Al-shabaab oo ku taala gobolka Shabeellaha Dhexe.
Buundadaaan macmalka aheyd ee la burburiyay ayaa kooxda Al-shabaab kasoo gudbin jirtay gaadiidka iyo dagaalamayaasheeda, waxayna ay ku taala deegaanka lagu magacaano Aw-baalle.
Warsaxàfadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay Al-shabaab qorsheyneysay iney bundada kasoo gudbiyaan.
"Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal duqeyn ah oo ay ka fuliyeen tuulada Aw-baalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa ay ku burburiyeen buundo macmal ah oo ay Khawaarijtu dhawaan halkaas ka dhiseen” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay'adda NISA.
Howlgalkaan lagu burburiyay Buundada macmalka iyo gaadiidka dagaal ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya mudooyinkii dambe deegaano ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe ay ka waday Hawlgalada ka dhan ah Al-shabaab.
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka NISA oo dhameystiran:-