4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2025
Madaxweyne Cirro oo kulan wada-tashi ah la qaatay madaxdii hore ee Somaliland
Madaxweyne Cirro oo barxadda gurigiisa kula sheekaysanaya Madaxweynayaashii hore, Daahir Rayaale Kaahin iyo Muuse Biixi Cabdi. Xuquuqda Sawirka: Madaxtooyada Somaliland.

Axad, Maarso 9, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa galabta kulan isugu yeedhay Madaxweynayaashii 3aad iyo 5aad ee Somaliland, si uu ugala tashado xaaladda guud ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa, sida uu ku sheegay boggiisa Facebook, kulan afur ah la qaatay Madaxweynayaashii hore, Muuse Biixi Cabdi iyo Daahir Rayaale Kaahin, si uu ugala tashado arrimaha muhiimka ah ee haatan taagan.

"Labada Madaxweyne ee hore waxa aanu iska xog-wareysanay guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, nabadda, iyo isbeddelada ay xukuumaddaydu waddo," ayuu Madaxweyne Cirro ku yidhi qoraalka uu ku baahiyay boggiisa Facebook.

Waxa kale oo uu sheegay in madaxdaasi hore ay isla soo qaadeen taariikhdii dib-u-dhiska Somaliland, hayaankii dheeraa ee loo soo maray hannaanka qori-isu-dhiibka ee talada layskugu wareejiyay, iyo nidaamka doorashooyinka.

"Ilaahay idamkii, waxaa noo sii socon doona kulamada wada-tashiga qaran ee dalkan wadajirkiisa lagu sii amba-qaadayo, hannaanka qori-isu-dhiibka talada dalka iyo nidaamka doorashooyinka," ayuu ku daray Madaxweyne Cirro.

Inkasta oo aanu Madaxweynahu si faahfaahsan uga hadlin waxyaabaha rasmiga ah ee wadahadalkoodu khuseeyay, haddana waxaa la filayaa in ay isla soo qaadeen xaaladaha amni ee gobollada bari iyo wax ka qabashadooda.