Raashin dhacay oo inta kiishashkii laga beddelay dib loo iibinayey, oo ay Booliiska Somaliland qabteen 26-kii Febraayo 2025. Xuquuqda sawirka: Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland.Axad, Maarso 9, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday soo dejinta weelka madhan, sida bacaha, karaatoonta iyo caagadaha wax lagu shubo, ee iyaga oo madhan dibadda laga soo iibiyo.
Tallaabadan oo ay qaaday Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, ayaa timid kadib markii dhawaan la qabtay raashin dhacay oo inta kiishashkii hore laga beddelay lagu shubay kiishash cusub, isla markaana loo sameeyay taariikh cusub.
“Waxay cabasho kasoo noqnoqotay weelka madhan ee lala soo dago mararka qaarna si qaldan loo isticmaalo,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay hay’adda. "Waxa la joojiyay in waddanka lasoo galiyo weel madhan, sida jowaanada, bacaha, karaantoonta iyo caagagga."
Hay’addu waxa ay sheegtay in xaddiga weelka madhan ee lasoo dajin karo uu yahay uun 2% oo keliya, kaasi oo ay ganacsatadu soo raacin karaan alaabada ay soo dajinayaan, si haddii dhibaato soo gaadho alaabada lagaga beddelo galka ama kiishka.
Amarka kasoo baxay Hay’adda Dhawrista Tayada ayaa intaa ku daray in ganacsatada ama shirkaduhu aanay dib u moorin karin alaab ama raashin ilaa ay oggolaansho ka helaan hay’adda.
Dhawaanahan waxa soo noqnoqday in qaybo kamid ah ganacsatada raashinka keena ay galka ka beddelaan isla markaana dib ugu shubaan kiishash cusub marka uu raashinku dhaco, taasi oo khatar ku ah caafimaadka bulshada.