by Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur
Sabti, August 15, 2020
ARAAR:
Qoramooyinkaan
taxanaha ah waxay falanqeynayaan hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee ay
dooddiisu haatan ka socoto Golaha Shacabka BFS.
Waxay
aragti guud ka bixinayaan aasaaska sharci, qaab-dhismeedka qoraaleed, nuxurka
iyo macnaha qaanuuneed ee uu xambaar san-yahay hindise-sharciyeedku.
Waxay
daraasad iyo raadraac ku sameeynayaan mabaadi’da iyo halbeegyada xeer-dejineed
ee Caalamiga ah, waxay sidoo kale soo bandhigayaan mabaadi’da guud ee xeerisa
sharciyada dembiyada iyo ciqaabta.
Waxaan
faallo iyo naqdin cilmiyeed ku samaynaynaa cutubyada, qodobada iyo faqrooyinka uu
ka kooban yahay hindise-sharciyeedku, anagoo soo bandhigi doonna khaladaadka
iyo dhaliilaha xagga nuxurka, fahamka iyo, macnaha ee ku jira hindise-sharciyeedka.
Waxaan
sidoo kale diiradda saaraynaa isburinta ku jirta qoraalka hidisaha iyo siduu u
khilaafsan yahay Shareecada Islaamka.
Waxay
qoromooyinkaani ku qotomaan daraasad sharci oo ku dhisan soo-bandhigadda
mabaadi’da ee la xiriira xeer-dejinta, waxay sidoo kale indha-indhayn ku
samaynaysaa aragtiyada sharci ee la xiriiraa xeer-dejinta dembiyada iyo
ciqaabta.
Waxay
soo gudbinayaan dood ku dhisan falanqeyn iyo naqdin, waxay si gaar ah u tixraaceyaan
mabadi’da la xiriirta sharciyadda xeerarka dembiyada iyo ciqaabta ee caalamiga ah
iyo tan Shareecada Islaamka.
GOGOLDHIG:
Waxaa
jira Hindise-sharciyeed ku saabsan dembiyada Galmada oo ay Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka BFS.
Hindise-sharciyeedkaasi
wuxuu abuuray muran badan iyo kala aragti-duwanaashiyo bulshada dhexdeeda, waxaa
sidoo kale walaac ka muujiyay Culimada Soomaaliyeed oo bayaanno kala duwan ka soo
saaray.
Hindisahaan
sharci waxa uu haatan horyaal Golaha
Shacabka BFS oo ka doodaya, weli waxaa socda akhrintiisa iyo ka doodistiisa,
haddii Golaha Shacabka BFS ansixiyo waxa uu u gudbiyaa Aqalka Sare ee BFS si uu
uga doodo una ansixiyo.
Haddii
Labada Gole ee Baarlamaanka BFS ansixiyaan waxaa si rasmi ah degreeto ugu meel
marinaya Madaxweynaha JFS, kadibna waxaa lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah
ee Dowladda sidaas ayuuna ku noqon doonaa xeer dhaqan-gal ka ah Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya.
Xadgudub-yada
iyo tacaddiyada jinsigu waa dhibaata jirta oo aan la inkiri-karin, una baahan
in laga hortago loona helo xeerar ku habboon si gabood-faleyaasha loola
tiigsado caddaaladda.
Doodda
qoromooyinkaani kuma salaysna dhibaatada kufsiga ee waxay ku saabsan yihii
hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee horyaal golaha shacabku xal ma u
noqon karaa, ma yahay xeerkii ku habboonaa, malagu saleeyay aragti sharci oo
aad u fog oo xallin karta dhibaatooyinka la xiriira tacaddiyada jinsiga ee a
jira dalka.
Maqaaladaan
taxanaha ah waxay falanqeynayaa su’aalahaas iyo kuwa kale oo aad u badan oo la
xiriira hindise-sharciyeedkan.
Waxa
uu qoralaakani u qeybsan yahay araar, gogoldhig, dul-mar guud oo aan ku samayn
doonno caqabadaha xeer-dejinta ku gadaaman, mabaadi’da guud ee xeer-dejinta iyo
aragtiyada la xiriira seeska sharci ee dembiyada iyo ciqaabta iyo hannaanka loo
maro xeer-dejintooda.
Waxaan
sidoo kale maqaallada xiga ku faalaeynaynaa isla-markaana ku lafa-gureynaa
qodobada hindise-sharciyeedka, anagoo qodob qodob u dul istaagi doonna una
faaqidi doonna –haddii Eebe idmo-.
CAQABADAHA KU XEERAN XEER-DEJINTA SOOMAALIYA
Soomaalidu
waxay lahayd hido-dhaqan soo-jireen ah iyo xeerar ay ku dhaqanto, kuna
sar-go’an duruufaheeda nololeed. Xeerkaasi ma qornayn waxay ahaayeen kuwa ab ka
ab layskaga dhaxlo, jiilba jiil u sii gudbiyo, waxaa saldhig u ahaa hidaha iyo
dhaqanka suuban iyo diinta islamka oo ay Soomaalidu haysatay.
Markii
gummeysteyaashii Reer Yurub qabsadeen dhulkii Soomaalida waxay la yimideen
xeerarkii iyo dhaqamadii dalalkooda. Markii laga xuroobay gumeysigii waxaa
haray oo aan laga xuroobin dhaqankii iyo xeerarkii ay inooga tageen, waxaana
nabaad-guuray xeerkii hore ee soomaalida ee mugga iyo miisaanka weynaa.
Kolkii
la qaatay dowladda nimada casriga waxaa abuuray saddex nidaam xeer oo saldhig u
noqday sharcigii dalka kuwaasoo kala ah Shareecadii Islaamka, Xeer-dhaqankii
Soomaalida iyo labadii nidaam xeer ee ay inooga tageen Ingiriiska iyo
Talyaaniga.
Waxaan
intaa dheer in xeerarka aasaasiga ee dalka ay ku qoran yihiin Afafka qalaad,
sidoo kale aan wax ka beddel iyo casriyayn waqtiga iyo duruufaha dalka la socda
lagu sameyn wixii burburka ka dambeeyay.
Caqabadaha
kale ee ku gadaaman xeer-dejinta waxaa ka mid ahsaamaynta shisheeyaha,
sharci-yaqaannada wax ku soo bartay dalalka shisheeye ee dalka ku soo noqday
misena aan helin machad ama iskuul dowladeed oo ay tababar ku qaataan oo dalka
gudahiisa ku yaal.
Wixii
burburkii ka dambeeyay xeer-dejintu waxay iska noqotay mashruuc lagu raadsado
dhaqaale oo aan ku dhisnayn ujeeddooyin fog-fog iyo raadraac wax faa’iido iyo
waxtar ahna aan u lahayn aayaha dembe ee jiilalka imaanaya.
Caqabadahaas
oo is biirsaday ayaa keenay in aan si xirfadeysan loo diyaarin xeerarka dalka,
sidoo kale aan la tixgelin saamaynta dhaqan-dhaqaale iyo midda deegaan ee
xeerka yeelanayo iyo sida loo waafajin
karo diinta, dastuurka iyo sooyaalka xeer ee dalka.
Hindise-sharciyeedka
Dembiyada Galmadu wuxuu la wadaagaa xeerarka kale caqabadaha aan sare ku
tilmaanay, hase yeeshee wuxuu leeyahay dhaliilo iyo cillado aad u waaweyn oo u
baahan soo bandhigid, falanqeyn iyo naqdin intaba.
MABAADII’DA GUUD EE XEER-DEJINTA
Inta
aan la diyaarin qabyo-qoraal xeer waa in marka hore la diyaariyaa mashruuc xeer
oo ku qotoma daraasad iyo cilmi-baaris qoto dheer oo ku saabsan xeerka la
diyaarinayo iyo ujeedka loo dejinayo.
Daraasadda
iyo cilmibaarista la xiriirta mashruuca sharci waxay saadaal ka bixinaysaa
isla-markaana ka jawaabaysaa su’aalaha la xiriira ujeeddada loo dejinayo
xeerka, muskiladda uu xallinayo, habka iyo hannaanka loo diyaarinayo, natiijada
laga filanayo hanka iyo fal-celinta bulshada ee xeerka.
Waxay
sidoo soo bandhigaysaa su’aalaha soo socda si looga baaraan-dego jawaabaha ku
habboon:
1.
Maxay yihiin xaaladaha sharci, bulsho iyo
dhaqan-dhaqaale ee hadda jira? Raad iyo saamayn ceynkee ah ayaa ka dhalanaya
xeerka la dejinayo? Ma xallinaya mushkiladda jirta ee xeerka loo dejinayo?
2.
Ma jiraa xeer kale ama xal kale oo sharci
oo xallin kara mushkiladda iyo arrinta xeerka loo dejinayo?.
3.
Maxaa qorshe siyaasadeed ah oo loo
diyaariyay xallinta mushkiladda dhalisay xeer dejinta?.
4.
Maxay tahay aragtida bulshada ee dhibaatada
xeerka loo samaynayo? Ma jiraan xuluul ay soo bandhigeen ama soo jeediyeen
bulshadu oo lagula tacaali karo arrinta xeerka loo dejinayo?
5.
Siduu u guulaysan karaa qorshaha ama
mashruuca xeereed ee la diyaarinayo? Ma
guul-darreysan karaa?
6.
Maxaa
ka khladan hannaanka ama qaabka loo wajahayo caqabadda taagan ee xalka xeereed
u baahan?.
Si
looga jawaabo su’aalahaas sare ku xusan waxaa lagama maarmaan ah in ay jiraan
hal-beeg loo raaco diyaarinta mashruuca sharci ee ka horreeeya
hindise-sharciyeed kaasoo ku qotoma tixgelinta arrimaa soo socda:
1.
In la ogaado dhibaatada si loo helo
xalkeeda, waayoo cudurka marka la helo ayaa la daaweyn karaa.
2.
In la tixgeliyo Dastuurka iyo sooyaalka
sharci ee dalka, raadraacna laga dhigto.
3.
In la diyaariyo qorshe siyaasadeed oo
ku jaan-go’an ujeeddada xeer-dejinta.
4.
In la qiimeeyo, la odoraso saameynta iyo
raadadka maaliyadeed, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee ka dhalanaya xeerka.
5. In la
raaco hannaanka isbar-bardhigidda khatarta iyo faa’iidada(risk/benefit
analysis).
6. In la
soo bandhigo xulashooyin ama xuluul kala duwan oo lagu xallin karo dhibaatada
loo samaynayo xeerka.
7.
In la tashiyo lala sameeyo indheer-garad,
xirfadleyda iyo guud ahaan bulshada.
8. In la
diyaariyo warbixin qoto-dheer oo ku saabsan hannaanka loo maray daraasadda,
wadatashiyada lala sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.
9. In la
diyaaryo mashruuc sharci oo si faah-faahsan u sharxaya xeerka la doonayo in la
dejiyo, kadibna loo beddelo hindise-sharci si hay’adaha xeer-dejinta uga
doodaan, talooyinkooda ugu daraan kadibna u ansixiyaan.
Waxaa intaa dheer in la tixgeliyo hannaan
qoraalkeedka hindise-sharciyeed, si wanaagsanna loo siiqeeyo isla-markaana loo
qodobeeyo iyadoo lala kaashanayo khubarada sharci iyo xirfadleyga qalin-maalka
ah.
Haddii
aan raadraac ku sameyno hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee aan
falanqeynayo waxaa muuqanaysa in aan la tixgelin mabaadi’da aan tilmaanay, sidoo
kale aan lagu qorin luqad sharci oo leh macno iyo nuxur qaanuuneed.
MABAADII’DA
XEER-DEJINTA DEMBIYADA IYO CIQAABTA
Waxaa
jira mabadi’i guud oo ay tahay in la xeeriyo marka la qorayo ama la dejinayo xeer
la xiriira dembi iyo ciqaab.
Waa
mabaadi’ iyo qaaciddooyin saldhiggoodu yahay Shareecada Islaamka iyo Shuruucda
Caalamiga, oo ay ka mid ah kuwa soo socda:
1.
Mabda’a sharciyadda dembiga(principle of legality) ee
dhigaya in aan dembi iyo ciqaabi sharci la’aan jireyn.
Mabda’a
sharciyadda dembiga iyo ciqaabtu waa mid ka mid ah tiirar xeerka dembiyada iyo
ciqaabta, wuxuu sugayaa in aanay ciqaab iyo dembi midkoodna jirayn sharci
la’aan.
Yoolka
ugu weyn ee mabda’aani waa in aan dembiga iyo ciqaabta lagu dhisin aragtida iyo
rabitaanka hay’adaha dowladda iyo garsooreyaasha.
Wuxuu
reebayaa in dembi iyo ciqaab aan xeerka dalku sheegin lagu eedeyo
isla-mar-ahaantaana lagu ciqaabi karin
muwaadiniinta.
Waa
qaacidda qaanuuni ah oo dhigaysa in aanay dembi iyo ciqaabi jiri -karin sharci
la’aan(nullum crimen, nulla poena sine lege).
Waxaa
sidoo kale mabda’aan gun-dhig u ah Addillada Shareecada oo dhigaysa in aan
qofna lagu eedeyn-karin fal aan
dembi-nimadiisa iyo ciqaabta ka dhalanaysa oo aan cuskanayn Nas iyo Addillo
Sharci, ha ahaado dembigaasi xuduud ama qisaas ama tacsiir.
Waxa
uu mabda’aani ku sugnaaday Aayadaha Qur’aanka ee Suuradda Israa(15) iyo Suuradda Nisaa(165). Waxaa kale oo sugaya
Qawaaciida Asuuliga iyo kuwa Fiqiga (لا حكم لأفعال العقلاء قبل وُرود الشرعِ).
Waa
mabda’a ay sugayaan Dastuurka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed sida ku cad
Qod.35/13aad Dastuurka KMG iyo Qod.1, 161aad XCS.
2. Dib-u-nogosho
la’aanta sharciga ciqaabta(Principle of non-retroactivity).
Mabda’aan wuxuu sugayaa in xeerka aan lagu dabikhi-karin ama lagu
fulin-karin xaalad ama fal ka horeeyay maalinta la soo saaray ee uu
dhaqanka-galay.
Waxaa la raacaa nidaamkan marka la fulinayo xeerka ciqaabta, waxaana
reeban in qof lagu eedeeyo fal markuu ku kacayay ama samaynayay aanu sharcigu
dembi u aqoonsanayn, sidoo kale aan lagu ciqaabo falkaas.
Waxaa jira xaalado gaar ah oo la tixgelinayo hadba xeerka danta iyo
maslaxadda u ah eedeysanaha marka la eego ciqaabta.
Waxaa sugaya mabda’a sare ku xusan Qod.35/13aad ee Dastuurka KMG.
3. Mabda’a
isu-dhigmidda dembiga iyo ciqaabta(Principle
of proportionality)
Mabda’aan wuxuu dhigayaa in ciqaabtu u dhiganto dembiga, si looga
fogaadi ciqaab arxan darro ah ama aan caadi ahayn oo ka culus dembiga qofku
galay.
4. Mabda’a
wargelinta iyo ogaysiinta Bulshada ee Xeerka(Principle of legal
certainty)
Mabda’aan wuxuu tilmaamayaa in
xeerka la faafiyo lana ogayso bulshada inta aan la dhaqan-gelin, sidoo kale in
qof kastaahi heli karo xeerka.
Yoolku wuxuu yahay in bulshada
la siiyo fursad ay kula qabsadaan xeerka cusub, sidoo kale ay ku beddelaan
xaaladdii xeer ee horey u jirtay.
5. Mabda’a
ilaalinta xuquuqda muwaadinka(Principle of vested rights)
Qof kastaa wuxuu leeyahay
xuquuq uu sugay Dastuurka ama shuruucda dalka, sidaasi darteed waxaa reeban in
la soo saaro xeer lagu duudsiinayo xuquuqdaas sharcigu ogolaaday.
6. Mabda’a
ka fogaashiyaha xeerka aan qeexnayn(Void for vagueness)
Mabda’aani wuxuu dhigayaa in xeerku noqonayo mid aan la aqbali-karin
haddii uusan si cad u qeexayn, waayoo waxay arrintaasi abuuraysaa shaki iyo
hubaal la’aan, waxaana adkaanaysaa in la dabakho xeerkaan, gaar ahaan xeerka dembiga
ama xeerka ciqaabta.
7. Mabda’a
filashada ama naawilidda sharciga(principle of legitimate wxpectations)
Mabda’aan wuxuu ilaalinayaa filashada iyo hanka bulshada ee la xiriirta
xeerka la dejinayo iyo sida uu u daboolayo baahidooda.
Waa in ujeedda xeer-dejinta laga gaaraa danti laga lahaa, kana soo
baxdaa natiijadiii ay naawilayeen bulshadu ee ahayd in uu xal iyo
dawo u noqdo mushkiladda loo dejinayay xeerka.
DHALIILAHA IYO KHALADAADKA HINDISE-SHARCIYEEDKA
Hindise-sharciyeedka dembiyada galmada la xiriira ma tixgelin isla-markaana
ma dhowrin mabaadi’da saldhiggeedu yahay Shareecada Islaamka, Dastuurka, Xeer
Ciqaabta Dalka iyo Xeerarka Caalamiga ee aan sare ku falanqeynay.
Waxaa nasiib darro ah in uu tilmaamayo dembiyo haddana aanu dhigayn
ciqaabta ka dhalanaysa dembigaas, waxaa kale oo ka sii daran in dhammaan
dembiyada ku xusan hindise-sharciyeed ciqaabtooda loo-celinayo ama la sheegayo
in loo raacayo si waafaqsan Shareecada Islaamka iyo Xeerka Ciqaabta
Soomaaliyeed iyadoon la xusayn ama la sheegayn Daliilka ama Naska Sahreecada ee
ciqaabta iyo dembiga dhigaya, sidoo kale qodobka Xeerka Ciqaabta ee dhigaya
dembiya iyo ciqaabtiisa.
Hidisaha sharci ma tilmaamayo haddii la dabakhayo qodobada xeerka
ciqaabta soomaaliyeed ama la raacayo xeerka dembiyada galmada ee bilaa ciqaabta
ah, haddii qof dembi fal kufsi ah galo kaasoo ka dabeecad duwan kan lagu
sheegay xeerka ciqaabta sida la yeelayo iyo ciqaabta la dabakhayo, maadaama
nuxurka falka kufsiga ee lagu sheegay hindise-sharciyeedkan uu ka duwan macno
ahaan iyo nuxur ahaanba kan lagu sheegay xeerka ciqaabta soomaaliyeed.
Waxaa sidoo ku jira dembiyo ciqaabtooda aan lagu sheegin xeerka
ciqaabta, sidoo kale aan lagu caddeyn ciqaabta shareecada ee ku habboon
dembigaas, misana ku jira hindisaha.
Waxaa muran abuuri kara fulinta iyo dabakhaadda ciqaabta dembiyada
xeerka lagu xusay ee loo tixraacayo Shareecada iyo Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed
labada, taasoo abuuri karta in lagu jaha-wareero kan la qaadanayo iyo kan laga
tagayo marka la dabakhayo ciqaabta, ma shareecada ayaa la qaadanayaa msie
xeerka ciqaabta.
Wuxuu sidoo kale hareer-marsan mabda’a aasaasi u ah xeerka ciqaabta oo
dhigaya in qodobka dembiga iyo ciqabtu ay cad, sidoo kale aysan dhalinayn muran
iyo shaki fasiraaddeed ama faham la’aaneed, taasina waa mid aad ugu badan guud
ahaan qodobada hindise-sharciyeedka.
Dhaliilaha, gefefka iyo khaladaadka hindise-sharciyeedku aad ayay u
badan yihiin, waxana si gaar ugu faalleyn doonaa qoromooyinka soo socda, hase
yeeshee waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah gefefkaas oo aan si
guud ugu soo bandhigayno maqaalkan, waxaana ka mid ah kuwa soo socda:
1. Waxaan hindise-xeeredkan laga soo minguuriyay xeerar dad-yow kale oo
aanan isku-diin, dhaqan iyo nidaam xeereed ahayn.
2. Hortabinta 1aad iyo qabyo-qoraalka asalka ee hindisaha waxaa lagu
diyaariyay Afka Ingiriisiga.
3. Turjumidda hindise-sharciyeedka ee Afka Soomaliga waa mid si toos ah looga
soo tujumay Gogol, wax tifaftir xirfadaysan ahna aan lagu samayn.
4. Cinwaanka hindis-sharciyeedka ama magaca xeerka oo aan raacsanayn
nuxurka qoraalka ka kooban 39-ka qodob.
5. Eray-bixinta sharci ee qoraalka hindise-sharciyeedka oo aad u hooseysa,
kana hor imaanaysa macnaha saxda ah ee erayadu ku qotomaan ee xagga luqadda
caadiga iyo luqadda qaanuunka intaba(Qod.2, 5,aad).
6. Qoraallada hindise-sharciyeedka oo aan mararka qaar wada socon, lagana
yaabo in faqradaha ku jira hal qodob ay kala xambaarsan yihiin macno iyo nuxur
qaanuuneed oo kala duwan.
7. Erayga galmo oo ah fal ka mid ah falalka jinsiga, sidoo kale aan
tilmaamayn tacaddiyada kale ee aan ahayn galmada ee ku saabsan jinsiga(Qod.3aad).
8. Hindise-sharciyeedka oo sheegaya dembiyo isla-markaana aan dhigayn
ciqaabta loo dejiyay dembiyada la tilmaamay, haddii aan si kale u dhigno dembi bilaa
ciqaab ah(guud ahaan 39-ka qodob).
9. Erayada Jinsi iyo galmo oo macno iyo nuxur ahaan aad u kala duwan, hase
yeeshee isku sidkan mararka qaar.
10. Ciqaabta dembiyada xeerka lagu sheegay oo loo-celinayo ama loo
tixraacayo jiraan shareecada iyo xeerka ciqaabta, iyadoon la sheegayn adillada
shareecada ama qodobka xeerka ciqaabta ee dhigaya ciqaabta falka dembiga ee
xeerka lagu sheegay.
11. Dembiyada qaar ee ku jira hindise-sharciyeedka oo ciqaabtooda loo
celinayo xeer aan ahayn shareecada iyo xeerka ciqaabta, iyadoo mara-mar la
arkayo in loo celinayo arrimaha qaar Xeerka Madaniga, ama xeer anshaxa oo aan
la aqoon waxa uu yahay.
12. Dembiga Kufsiga ee lagu sheegay Hindise-sharciyeedkan oo macno iyo
nuxur ahaan ka duwan yahay kan lagu sheegay Qod.398 XC taasoo abuuray muran la xiriira ciqaabta la
dabakhayo iyo xeerka la qaadanayo ama laga tagayo (Qos.12aad).
13. Ma qeexna nuxurka iyo ujeedka dembiyada ku xusan guud ahaan
hindise-sharciyeedkan(39-ka qodob).
14. Waxaa ku jira hindise-sharciyeedka mugdi iyo faham la’aan ku saabsan nuxurka
iyo macnaha xeereed ee dembiyada qaar.
15. Waxaa ku jira isburrin aad u weyn oo ay adagtahay in qodobada qaar ay
yeeshaan fulin ama murti qaanuun.
16. Waxaa ku jira qodobo aan ka hadlayn dembiyo oo ka hadlaya siyaasad iyo
talo ku wajahan hay’adaha dowladda(Qod.38aad).
17. Qodobada qaar oo si cad uga hor imaanaya Shareecada Islaamka(Qod.3,4,
7, 8, 9, 18, 25).
WABILLAAHI-TOWFIIQ
W/D: Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur
Zakariya I. Nuur waa qareen, bare Jaamacadeed iyo
cilmi-baare ka howl-gala Magaalada Mugdisho, wuxuu xubin ka yahay Ururka
Qareennadda Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale La-taliye sharci u yahay hay’ada kala
duwan.
Waxaad kala xiriiri kartaa Ciwaankan: [email protected]