By Col. Dr. Maxamed Aadam Koofi
Saturday April 23, 2022
Ma
La Beeri Karaa, Badin Karaa, Wareejin Karaa Daruur?
Maalmahaan waxaan arkayey dad si
xun uga falcelinaya qodob cilmi ah oo uu ka hadley aqoonyahan lagu magacaabo
Dr. Qaasim, falcelintaas oo u dhaceysey siyaabo kala duwan, waxaa iiga
muuqanaysa in Soomaali haddaan nahey wax badan ay naga daboolan yihiin, isla
markaana loo baahan yahey in aan hagaajisano manhajka iyo tayada waxbarasho,
sare u qaadno wacyiga dadkeena, dheeragelinno wax aqriska iyo cilmi baarista.
Kimistariga (Chemistry) oo xariir
la leh howlaha sameysanka Daruurta iyo Roobka, Beeridda iyo Wareejinta
Daruurta, kana mid ahaa takhsusyadeyda heer jaamacadeed, ayay ila noqotey inaan
wax ka qoro arimaha la xariira Daruurta iyo Roobka.
Daruurta,
Roobka iyo Qur’aanka Kariimka
Sameysanka Daruurta iyo Roobka,
marka aanu ka eegno dhinaca Qur’aanka Kariimka, Allah ayaa sharxey, wuxuuna ku
sheegey Aayadda 43aad ee Suuradda Al-nuur, oo micnaheedu yahey;
(Miyaadan arkeyn in Allah isku
soo kaxaynayo oo isu keenayo daruuro, kadibna isku geynayo, kadibna ka dhigayo
mid raseysan oo isdul saaran, markaasna aad arkeyso dhibcaha roobka oo ka soo
dhex burqanaya, wuxuuna Allah samada ka soo dajiyaa buuro qabow ku jiro, cidda
uu doono qabowgaas wuu ku asiibaa, ciddii uu doonana wuu ka leexiyaa, hillaaca
iftiinkiisuna wuxuu gaarsiisan yahey heer uu ku sigto in uu indhaha aragga ka
qaado).
Sidoo kale wuxuu Allah sameysanka
daruurta uga hadley Aayadda 12aad Ee Suuradda Al-racdi.
Allaah wuxuu sidoo kale ku
sheegey kaalinta dabeysha ee roobka iyo tuujinta daruuraha Aayadda 14aad ee
Suuradda Al-naba iyo Aayadda 48aad ee Suuradda Al-ruum.
Cilmiga Aadanuhu wuxuu raacey
Quraanka Kariimka ah, wuxuuna xaqiijiyey dhammaan tallaabooyinka sameysanka
daruurta iyo roobka. Tijaabo iyo cilmi baarisyo la sameeyey kadib wuxuu
Aadanuhu ku kordhiyey in daruuruhu ay ka sameysmaan (Alle Ka Sameeyo) uumiga ka
baxa biyaha dhulka yaala (Badaha, wabiyada iyo harooyinka) iyo boorka ama busta
(Dust).
Daruur
ama Roob Ma La Beeri Karaa?
Cilmiga iyo Tijnoolajiyadda ayaa
lagu gaarey in daruurta la beeri karo, isla markaana lagu dari karo waxyaabo
badinaya biyaha iyo fursadda roobka. Allaah wuxuu meelo badan oo Qur’aanka
Kariimka ah kaga hadley cilmiga, wuxuuna Aayadda 4aad ee Suuradda Al-Calaq ku
sheegey in uu Dadka barey wax aysan aqoon.
Cilmiga Allah uu dadka barey ma ahan wax ku kooban waqti, goob, ama
xaalad, mana ahan mid joogsanaya oo wuxuu markasta Bini-aadamku gaarayaa wax
cusub ama cilmi cusub, waxaana soo baxaya farsamooyin aan hore loo aqoon.
Aayadda 13aad ee Suuradda
Al-Jaasiya, wuxuu ku sheegey in uu Aadanaha u sakhirey waxa ku sugan samooyinka
iyo dhulka; “Allah waxa uu idiin sakhiray waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan,
dhammaantood isaga ayey ka ahaadeen, taasna calaamado ayaa ugu sugan dad
fekeraya.”
Nabiga CS ayaa arkay beeraaleydii
reer Madiina oo labka iyo dhedigga geedaha timirta isku bacriminaya, markaas
ayuu yiri “Ma u maleynayo in ay wax tareyso”. Saxaabadii ayaa joojiyey
bacrimintii kadib markii ay maqleen hadalka Nabiga CS, taasina waxay sababtey
in wax soo saarkii timirtu hoos u dhaco ama xumaado. Nabiga CS ayaa loo sheegey
arintii, wuxuuna kaga jawaabey in ay aheyd aragti, isla markaana uu yahey
bashar, wuxuuna hadalkiisa ku sii darey “Idinka ayaa iga aqoon badan arrimaha
adduunkiinna.” Waxaa wariyey Muslim.
Daruurta oo la beero kama dhigna
in aad qaadaneyso sifada Alle ee abuurista, waxay la mid tahey dhirta aad ku
beerato beertaada, taas oo aad miraheeda ku nacfiso. Wax kasta oo Bini-aadamku
sameeyo wuxuu leeyahey sababta, awoodda abuurista iyo sameyntana waxaa leh Alle
oo aan cidina ku heysan.
Cilmiga Wax Ka Badalka Cimilada
(Weather Modification Science) wuxuu sanadkii 1940 ka bilaawdey dalka
Mareykanka. Sanadkii 1946 ayaa tijaabadii ugu horreysey ee Daruur Beeridda
(Cloud seeding) laga bilaabay isla Dalka Mareykanka (America), waxaan isla
markiiba ka faa’iideystey gobolo ka caban jirey roob la’aan, waxayna u noqotey
xal kumeel gaar ah oo aan xooganeyn.
Farsamadda Daruur Beeridda (Cloud
Seeding) waxaa lagu sameeyaa Isku-dhisyada Silver Iodide (AgI), Carbon Dioxide
(CO2) adke ah, iyo mararka qaar Potassium Iodide (KI).
Inta badan waxaa la adeegsadaa
isku-dhiska Silver Iodide (AgI), waxaana lagu qaadaa diyaarado, ama waxaa laga
tuuraa ama laga firdhiyaa dhulka, iyada oo u sameysan sida quruuraxa barafka,
waxaana lagu daadiyaa ama lagu sayraa Daruurta ama caadka (Daruurta Khafiifka
ah).
Haddii aysan jirin Daruur ama
Caad muuqda, waxaa hubaal ah in ay hawada ku jiraan biyo Uumi ah, waxaa markaas
Silver Iodide lagu daadiyaa hawada, laakiin tan waxay u badan tahey in aysan
gaarin ujeedada, waxaana suurtagal ah in Silver iodide (AgI) oo sideedii ah ay
ku soo daadato dhulka.
Isku-dhiska Silver Iodide-ka
(AgI) waxay qaboojineysaa hawada, waxaana is qabsanayaa dhibcaha biyaha ah ee
ka yimid Uumiga qaboobey, iyaga oo sameynaya quruurux baraf ah, sidaas ayeyna
ku sameysmeysaa Daruur biyo ah.
Markasta oo dhibcaha biyuhu
isqabsadaan, sameeyaanna quruuraxa barafka ah waxaa kordhaya culeyskooda
waxayna soo daadanayaan iyaga oo dhibco roob isu badaley ama baraf ah.
Marka Daruur culus, gaar ahaan
kuwa madoow, lagu shubo Silver Iodide waxaa badan fursadda biyo badan ama baraf
badan ay ugu soo daadan karaan Daruurta, halka marka Daruur Caad ah lagu daro
Silver Iodide ay fursadda noqon karto 50/50.
Silver Iodide (AgI) waxaa sidoo
kale loo isticmaalaa maroojinta daruurta (Glaciogenic seeding), si dhibcaha
biyaha ah ee ka soo baxaya loo kordhiyo. Silver Iodide waxay qaboojineysaa
hawada, waxayna isku qasbeysaa dhibcaha biyaha si ay isu qabsadaan.
In ka badan 50 dal ayaa adeegsada
farsamadaan, waxaana xusid mudan in dalka UAE uu sanadkii 2016 sameeyey 177
howlgal oo lagu beerayey Daruuro si roob loo helo.
Daruur Beeridda (Cloud Seeding)
iyo Daruur Maroojinta (Glaciogenec Seeding) ma ahan qaar faa’iido badan leh ama
tayo leh, waana qaali, sidoo kale dhibaato ayey u keeni kartaa deegaanka iyo
caafimaadka noolaha dhulka jooga.
Biyaha
Daruurta Ku Jira Ma La Badin Karaa?
Sidaan hore u sheegey, Daruurtu
waxay ka sameysantaa Uumiga biyaha iyo Boorka dhulka ka baxay oo hawo qabow ah
heley, kadibna isku aruurey oo is qabsadey, sameeyeyna dhibco biyo ah ama baraf
ah, kadibna soo daadanaya iyaga oo Roob ah ama baraf ah.
Mar kasta oo Uumiga hawada ku
jira (Humid Air) lagu kordhiyo, waxaa badanaya dhibcaha biyaha roob ahaan uga
soo burqanaya Daruurta.
Hawo qoyan (Humid Air) ayaa lagu
shubaa ama lagu dul fasaxaa daruurta ama caadka, kadibna qabowga awgiis ayey
qabsaneysaa Daruurta, waxaana sidaas ku badanaya dhibcaha biyaha ah ee ku jira
Daruurta.
Daruur
Hawada Saaran Ma La Iska Dul Wareejin Karaa?
Marka waddooyinka diyaaraduhu ku
dagaan ama ku ordaan ee garoomada diyaaradaha ay daboolaan Daruuro, Caad ama
Ceeryaamo, waxaa hawada, Caadka ama Daruurta lagu shubaa Silver Iodide (AgI),
taas oo qaboojineysa hawada, sababeysana isqabsiga dhibcaha biyaha ah, kadibna
Roob ahaan ayey u soo da’aysaa Daruurtii, Caadkii ama Ceeryaamadii.
Dalka Ruurshka ayaa la sheegey in
ay Daruuro cirka dabooley iska wareejiyeen (Removed) maalin Ciid Qaran aheyd,
taas oo ka dhigan in la adeegsadey Silver Iodide (AgI), sidaasna biyihii ku
jirey Daruurta ay iyaga oo Dhibco biyo ah ama baraf ah dhulka ku soo daateen,
waxaana dhaammanaya ama caad khafiif ah noqonaya Daruurtii cirka dabooleysey.
Sidoo kale dalka China ayaa
sanadkii 2008, ciyaaraha Olympics-ka oo ka dhacayey awgeed, iska wareejiyey ama
banneeyey daruuro hawada dabooley, taas oo caqabad ku aheyd habsami u socodka
ciyaaraha.
Waxaa kale oo daruurta wareejin
kara in Hawada la kululeeyo ama Daruurta lagu shubo isku-dhisyo ama walxo kale
oo kululeynaya si baaxadda ama xajmiga Daruurta loo yareeyo ama loo baabi’iyo.
Roobka Ma La Kala Leexsan
Karaa?
B) Dhirta, gaar ahaan teeda
waaweyn ama jooga leh iyo Buuruhu waxay soo jiitaan daruuraha, waxayna
kordhiyaan fursadda roobka.
Haddii deegaankaagu uusan buuro
laheyn, dhirtiina aad gacantaada ku dhameysey, waxaa roobka kaaga fursad badan
deegaanka Buuraha leh iyo kan dhirtiisa ilaashadey.
Buuraha iyo dhirta macmalka ah oo
Aadanuhu sameeyo ayaa sidoo kale soo jiidan kara daruuraha, waxaana roobka
kaaga fursad badan deegaanka farsamadaas awooda oo sameystey.
T) Sida Quraanku noo sheegey, daruuraha waxaa
xukuma oo dhaqaajiya, isla markaana maroojiya Dabaylaha. Adiga ayaa marqaati ka
ah roob xawaare sare ku socda oo mararka qaar aad u maleynayso tuuryo oo xoog
kugu dhaafaya. Taas micnaheedu waxay tahey in waxa daruurta la cararaya ay
tahey Dabaysha.
Danabyo electronic ah oo ay
Dabayshu dhaliso ayaa keenaya in si fudud ay daruurtu u raacdo dhaqaaqa
dabaysha.
Haddii ay jirto cid jihada
Dabaysha leexin karta, way leexasan kartaa daruurta. Haddii la sameeyo Dabayl
macmal ah iyo danabyo electronic ah oo qabsan kara daruurta, waa la kaxeysan
karaa ama la leexsan karaa Daruurta.
Daruurtu waa mida markasta oo aad
hawada ku safarto aad arkeyso diyaaradda oo ka dhex duseysa oo iska leexineysa,
waa midda sida qiiqa culus oo kale u sameysan ee duuliye kasta oo hawada ku
duula uu iska maareeyo.
Ogoow Cilmigu wuxuu gaarey in
hirar Danabyo Electronic ah la marsiin karo hawada, biyaha iyo sidoo kale
dhulka, mararka qaarna dhul-gariir macmal ah la sameyn karo.
Dhib (khasaare) Ma Ka Imaan Karaa
Beeridda, Wareejinta Iyo Maroojinta Daruurta?
Silver Iodide (AgI), sida lagu
yaqaan, khatar kuma ahan noolaha, gaar ahaan Aadanaha, waxaanse la ogeyn dhibta
ay leedahey haddii ay qeyb ka noqoto habab kale ama falgalo kale, markastana
wixii aan la ogeyn waxaa loo qaataa 50/50.
Dadku inta badan waxay biyaha iyo
cuntada ka helaan Silver (Ag) heerkeedu hooseeyo, sidoo kale waxay ka helaan
daawooyinka. Sidoo kale Ciid (Caro) oo dhan meel kasta oo ay taalo waxaa ku
jira Silver (Ag). Haddii xaddi badan oo Silver ah muddo dheer ay ku dhacdo
jirka bini-aadamka, waxay keeni kartaa xaaladda maqaarka ee lagu magacaabo
Argyria, waxayna badaleysaa midabka maqaarka si joogto ah oo ay adag tahey
daweynteeda.
Marka adke Carbon dioxide (CO2)
ah hawada lagu daadiyo, kadibna habkii Daruur Beeridda uu guul darreysto, waxaa
hubaal ah in uu dhulka ku soo daadanayo, wuxuuna qeyb ka noqonayaa deegaanka,
taas oo dhalin karta khataro kale.
Marka deegaan gaar ah loo beerayo
ama laga wareejinayo daruur, waxay saameyn ku yeelan kartaa deegaano kale oo ka
fog oo wuxuu habkaan jiidan karaa daruuro kale oo uu heli lahaa deegaan kale.
Tan waxay keeni kartaa in dhibaatadii hal deegaan laga xaliyey ay mid kale u
wareegeyso.
Habka Daruur Beeriddu waa mid
qaali ah, waxaana ka dhalan kara in cimilada loo sinnaan waayo ama la isku
dulmiyo. Farsamadaan waxay keeni kartaa in dalalka iyo dadka qaniga ah ay sida
ay u doonaan u helaan biyaha iyo roobka, halka kuwa faqriga ahna ay ku harayaan
abaaro joogto ah iyo biyo la’aan, Alle ayaase ah caadil soo jeeda.
Gunaanad
Farsamooyinka Beeridda,
Maroojinta, iyo wareejinta Daruuraha waxay qeyb ka yihiin Cilmiga Wax Ka
Badalka Cimilada (Weather Modification Science) ee Aadanuhu gaarey, waana
xaqiiq taala adduunka oo dalal badan oo qaarkoodna Muslimiin yihiin ay
adeegsadaan.
Buuraha iyo Dhirta joogga leh
waxay soo jiitaan Daruuraha, sidaas awgeed, deegaanka leh Buuraha iyo Dhirta badan
waa kaga fursad badan yihiin Roobka kuwa aan laheyn Buuro iyo Dhir.
Daruuraha waxaa dhaqaajiya
danabyo electronic ah oo ay dhaliso Dabayshu, cid kasta oo awoodda in ay
sameyso danabyo electronic ah oo qaban kara daruurta waxay awood u yeelan
kartaa in ay u dhaqaajiso jihada ay doonto.
Dhammaan farsamooyinka ku xusan
qormadaan ee Cilmigu horseedey, marka laga eego dhinaca tirade, tayada,
waxtarka, awoodda, badqabka noolaha iyo deegaanka, ma gaari karaan, umana
dhowaan karaan kuwa dabiiciga ah ee Allaah sameeyey.
Hay’adda Biyaha ee Gobolka Utah
ee dalka Mareykanka ayaa tijaabo ku ogaatey oo is barbar dhig ku sameeysey
natiijada laba xili (Winter) oo kala duwan, oo mid la sameeyey Daruur Beerid
midna aan la sameyn, wuxuuna faraqoodu noqdey 11%, taas oo ka dhigan in habka
Daruur Beeriddu uusan tayo badneyn, wax bandanna soo kordhin.
Col. Dr. Maxamed Aadam Koofi
Email: [email protected]