Maxaa laga baran karaa qaab-dhismeedka golaha wasiirrada?
Dr. Abukar Y. Warsame
Monday August 8, 2022
Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda R/Wasaare Xamse Cabdi Barre
Laga soo bilaabo waqtigii xornimada la qaatay ilaa bishan Agoosto 2022 horraanteeda
oo lagu dhawaaqay golaha wasiirrada cusub ee dawladda federaalka Soomaaliyeed
waxaa mar walba jiray eedeymo sadbursi iyo saluug ku suntan oo hareeya qaabka golaha
wasiirrada loo soo magacaabo. Eedeymuhu waa wajiyo badan yihiin oo waa nala
qadiyey haddaan beel hebel nahay ama waa nala quursaday oo qabiilkayaga
wasaarad u qalanta lama siin ayey badanaaba qayladu u badan tahay. Waxaa xusid mudan in wasaaradaha badanaa
bulshadeennu u taqaan wasaaradaha “A” ay la soo bilowdeen golihii wasiirada u
horreeyey ee ku meel-gaarka ahaa ee 22 July 1960 oo ka koobnaa 12 xubnood.
Afarta wasaaradood ee kala ah; Difaaca, Maaliyadda (oo lacagta loo aqoon
jiray), Arrimaha Dibedda, iyo Arrimaha Gudaha waxa ay ahaayeen kuwa ay
qeybsadaan afarta beelood ee maanta min halka buuxa ku suntan halka beesha
shanaad waqtigaasna wasaarad noocey ahaatayba laga soomiyey. Isqab-qabsiga iyo qaylada qabiil ee maanta
taagan mid la mid ah ayaa qasabtay in
golihii wasiirrada labaad ee 27ka July 1961 ee beddelay kii ku-meel-gaarka ahaa la beddelo afar
bilood ka dib oo isku shaandheyn iyo wax ka beddelidba lagu sameeyo. Intaas
waxaa dheer in qayladu aysan ku koobneyn qaybsiga wasaaradaha ee qabiilka guud ee
beel walba ay kooban tahay beelo badan oo aan wax isu oggoleyn ama heshiis ku aheyn qoondada
kaga soo aadda wax qaybsiga guud. Waxaa kaloo intaas sii dheer damaca siyaasiga
beel kasta baarqabka u ah ama kii weel-wadaag la ah qolada awoodda qeybineysa
inuu isna wax ka beddeli karo miisaanka sida wasaaradaha loo qaybsanayo.
Ogsoonow in qaylada iyo buuqa ay hore u jireen iyadoo tirada golaha
wasiirradu ay ahaayen tiro kooban oo wasiirro iyo ku xigeenno isugu jira
kuwaasoo furihii ansixntooda uu qoorta ugu jiray 121 xildhibaan oo keliya. Bal
qiyaas inta uu le’eg yahay culeyska ka imaanaya qaylada iyo is-qab-qabsiga
qabiileysan ee gole wasiirro oo 70 kor u dhaafaya oo qunbe caddaha
lig-liggiisana ay gondaha heystaan 275 xildhibaan iyo gorgortanka dheeriga ah
ee ka imaanaya aqalka sare, madaxda maamul-goboleedyada, iyo maal-qabeenno
jeebkooda dugsanaya?
Akhristow mar haddii dudmadii iyo diidmadii awood-qaybsiga golaha
wasiirradu ilaa xornimadii (marka xataa lagu daro xilligii kacaanka) uusan ka
soo rayneyn inuu ka sii daro ma ahane saw in la is weydiiyo ma mudna dhowrkan
su’aalood ee soo socda:
-
Maxey ku saleysan tahay qiimeynta
wasaarad iney noqoto A, B, ama C?
- Maxey tahay sababta dhowr wasaaradood ilaa
1960 ay weli dadkeennu ugu aqoonsan yihiin in ay yihiin wasaaradaha muhiimka ah
ee “A” ku suntan iyadoo qaarkoodna labo wasaaradood loo kala jaray ama
wasaaradihii kale ka manfac ama maqaam fiican yihiin?
- Caqli-gal ma tahay in wasaarad 7 ama 10
jeer ka miisaaniyad badan wasaarad kale haddana wasaaraddaas ay “B” bulshada
ugu suntan tahay ama beeshii wasiirkoodu qoondada u helay lagu dhaliilo inuu
qaatay soor-quureed?
- Macquul ma tahay in baahida iyo abaaraha
bulshadeenna aafeeyey xal waara loo heli lahaa haddii 4ta wasaaradood ee aan haldoorka
“A” u naqaanno ama kuwa aan muhiimka aheyn sida Warfaafinta miisaaniyaddooda la
dhimo oo loo wareejiyo miisaaniyaddaas wasaaradaha wax-soo saarka sida Beeraha,
Xoolah, iyo kuwa la midka ah?
Su’aalahan iyo qaar
kaloo badan oo la xiriira arrinkaasi waxey igu dhaliyeen inaan dib u eego
qoondadii miisaaniyadda wasaaradaha ee 2022 bal si aan u helo jawaabo dadku ku qanci
karaan. Runtii waxaan is tusay inaysan jirin faham lagu mideysan yahay oo
wasaaradaha qaar ka dhigaya A ama B ama C balse dadka qaarkiis magaca
wasaaradda ee heybad iyo awood muujinaya ay u yaqaannaan iney "A"
tahay iyaga oo aan miisaaniyadda ka eegeyn. Halka qola kale ay ka eegto
miisaaniyadda wasaaradaha loo kala qoondeeyey iyo sida sadbursiga dhaqaale ama
midda maamulka hoose ee wasaaraddaas.
Haddaba waxaan isku
dayey bal inaan fiiriyo sida ay noqoneyso miisaaniyadda wasaaradaha hoostaga
shanta beelood ee golaha wasiirradu ka kooban yahay. Si ku talagal ah ayaan 5ta
qabiil magacyadoo ugu soo koobay A ilaa E taasoo aan uga dan leeyahay:
1-
1 - Inaan ku muujiyo ineysan jirin wasaarad
qabiil gooni ah leeyahay ama yeelan karo balse qofkii wasaaraddaas madaxda
looga dhigay oo aan isagu dooran qabiilka uu ka dhashay ay dartiis wasaaradaha
qaarkood isku qoondo u noqdeen.
2- 2 - Inaan ku tusaaleeyo in qofka tuhunsan in
qabiilkiisa la gacan bidixeeyey ama loo roonaaday ay dhici karto in wasaaradaha
qabiilkiisa guud ay heleen ay ku sadbursadeen ama laga sadbursday oo
cabbirkiisu qaldan yahay.
Sida ka muuqata
masawirka sare, beel ka mid ah beelaha ayaa nasiib u heshay iney hesho in ka
badan qoondada 50% miisaaniyaddii 2022 ee wasaaradaha dawladda. Beeshaasi waxay
heshay hal wasaarad oo kuwa bulshadu “A” u taqaan balse wasaarad ka darajo
hooseeysa oo miisaaniyad badan leh ayey isku qoondo noqdeen oo is cuskadeen. Waxey
tani ku tusineysaa in wax micno ah aysan sameyneyn sida Wasaaradaha tunka weyn
loo qeybsaday oo aysan jirin wasaarad qabiil ama beel gooni ah u khidmayneysa
ama shaqaalaheedu hal beel yihiin balse ay muhiim tahay in la isu miisaamo
wasaaradaha.
- Tusaale ahaan haddii wasaarad B oo hadda
ka mid ah qoondada Beel C ay ka mid noqon laheyd qoondada Beel E waxaa macquul
ah in boqolleyda Beel E sare u kacdo oo ay la mid noqoto kuwa beelaha kale.
- Talo kale oo meesha ka soo baxeysa ayaa
waxey tahay in wasaaradaha qaarkood siiba laba wasaaradood ay hoos tagaan
mashaariiicdii muhiimka u aheyd wasaaradaha kale oo haddii mashaariicdaas si
toos ah loo hoos geyn lahaa wasaaradaha ay khuseeyaan ay dhici laheyd in saamiga
boqolleyda ee awood qeybsiga wasaaradaha ee shanta beelood noqdo mid isu
dheelli-tiran. Sidoo kalana wasaaradaha wax-soo saarka ay helaan awood toos ah
oo ay ku maamulaan mashaariicdaas muhiimka u ah bulshada.
Si aan wax uga ogaado
magaca guud ee wasaaradaha ka sokow sida duxda iyo dufanku ugu kala badan
yihiin wasaaradaha ayaan miisaaniyaddii wasaaradaha iyo kharashaadkooda hoos
ugu degey. Saddexdan arrimood ee soo socota oo aanan horey wax uga ogeyn ayaa
ii soo baxday oo aan is leeyahay si uun bey u saameeyaan loollanka qabiilyesan
ee wasaaradaha iyo horumar la'aanta xagga wax-soo saarka ee waddankeenna
heysata.
1- 1 - Qoondada
afarta wasaaradood ee wax-soo-saarka (Beeraha, Xannaanada Xoolaha,
Kalluumeysiga, Ganacsiga iyo Warshadaha) marka la isku daro waa 13 milyan oo
doollar.
2- 2 - Qoondada
Kharashka Socdaalka iyo Shirarka (code 221) ee hey'adaha dawladda oo ay ku
jiraan saddexda qaybood (Fulinta, Sharci-dejinta, iyo Garsoorka) waa 24 milyan
oo wax yar dhimman.
3-
3 - Wax
loogu magac daray qoondada Khidmadaha Hawl Fududeynta (code 2243) marka la isku
daro hey'adaha dawladda oo ay ku jiraan saddexda qaybood (Fulinta,
Sharci-dejinta, iyo Garsoorka) waxey noqotay 9.7 milyan.
Bal
aan is weydiinnee sidee baan abaar iyo baahi uga bixi karnaa haddii
miiisaniyadda inta badan wasaaradaha ka midka ah kuwii wax-soo-saarka ay ka yar
tahay qoondada loogu talagalay kharashka ku baxaya Socdaalka iyo shirarka ama
Khidmada Hawl Fududeynta ee hay'adaha dawliga midkood? Aqool xumo abaar
ka daran!
Beeshii
la rabo ha la siiyo wasaaradda ay quuddareynayso ama mudan tahay balse waxaan
rajeynayaa in wasiirrada loo magacaabay wasaaradaha ay noqdaan kuwo leh
aqoontii iyo kartidii ay ku gudan lahaayeen masuuliyaddaas loo idmaday oo aysan
fikrikan qabiileysan ee wax loogu qoondeeyey aysan ka dhigan midkii ku hagi
lahaa hawl-maalmeedkooda.
Fiiro gaar:
Miisaaniyadda waa midda sannadka 2022 ee wasaaradaha iyo mashaariicda hoos
yimaada. Wasaaradda cusub ee Cimilada waxaan ka soo qaaday in lagu beddelay
wasaaraddii Gargaarka halka wasaaradaha Caddaaladda iyo Dastuurkana la isku
daray. Xisaabta guud waxaa ka maqan miisaaniyaadda guddiyada gaarka ah, iwm.
Wixii qaladaad ka muuqda ama farriinta qoraalkan xambaarsan yahay anaa ka
masuul ah ee qof kale ama qabiil kuma metalo!
Dr. Abukar Y. Warsame
Email: [email protected]