Eebbe u naxariistee Abwaankii weynaa, Maxamad Ibraahim Warsame (Hadraawi), xaqii baa ku yimid waxaana la geeyay gurigiisii dhabta ahaa. Xaqiiqdii waxaa ummadda Soomaaliyeed ka bannaanaaday boos aanay jirin cid buuxinkarta. Laakin, nasiibwanaag, hibadiisii inta badan waa diiwaan dhigan oo dhaxal ah. Maqal, muuqaal iyo qoraalba waa la hayaa. Internetka waxaa ku jira cajalado maqal iyo aragba leh oo dhaxal iyo xasuus reeb ahaan looga sii qabtay intii uu noolaa abwaanku.
Sidookale waxaa jira buugaag iyo maansooyin uu abwaanku qoray oo laga helikaro maktabadaha iyo dukaamada buugaagta ku yaalla guud ahaan dhulka Somaaliyeed iyo adduunkaba. Waxaan ka xusi karnaa buugga caanka ah ee "Hawaale Warran" iyo maansada miisaanka culus ee "Daba-Huwan." Maansaada Daba-Huwan waxa uu abwaanku kaga warramay dhinacyo badan ee nolosha ah waana mid kamida maansooyin ugu dheer sugaanta Somaalida taas oo gaareysaa ilaa siddeed boqol (800) oo beyd. Suugaanta Hadraawi waxaa lagu tarjumay afaf qalaad sida afka Ingiriisiga. Heesta “Hooyoy La’aantaa” ee uu ku luuqeeyo AUN Maxamad Saleeman Tubeec ayaa kamida suugaanta Hadraawi ee la tarjumay ee ka yaabisay bulshada caalamka markay akhristeen.
Abwaan Hadraawi wuxuu ahaa afmaal Eebbe ku mannaystay xikmad iyo faham ballaaran oo dhanka nolosha adduun iyo mid aakhiraba ah. Sida ay tilmaameen saaxiibbadiisa iyo dadka ay rafiiqa ahaayeen, abwaanku nolosha adduun wax micno ah uguma fadhin. Hadiyado qaaliya oo la guddonsiiyay wuu sii gubdin jiray oo ma kaydsan jirin taa oo muujineysa sida maal adduun agtiisa wax qiimo ah ugu fadhin. Marwalba wuxuu soo qaadan jiray aayaddan Quraan ee qowlka Eebbe:
(أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَاكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ) oo micnaheeda oo kooban yahay; (ma waxaad u maleysaan in aan ciyaar-ciyaar idiin abuurnay oo aydan noo soo laabaneyn). Halkan waxaad ka garankartaa in abwaanka Alle fahamsiiyay sababta loo abuuray.
SIDA UU JECLAA IN LOO AASO AMA LOO MAAMUUSOAbwaan Hadraawi waxa uu qaab suugaaneed uga dardaarmay in aas qaran loo sameyn islamarkaana waxa uu ka digay in aad loo buunbuuniyo geeridiisa oo loo baroorto waxana uu yiri: “Qabrigeygu deyr ma leh, Derbi iyo astaan ma leh, Dugsashiyo agjoog ma leh, Dunbukh iyo salaan ma leh, Damdam iyo aloos ma leh, Iyo darammal luuq dheer, Dab la rido ka waaweyn;
Ilmo layla daba galo, Naxashkeyga lagu dado, Duxi iima saarnee, Yaan layga sii darin! Yaan la ii debbaal-degin! Lafahayga duuggaa, Billad dahab ah lagu tolin, Ninka ii duceeyoow Ilaahey ku darajee! Ninka iga duceystoow dummadaada weeyaan!”
Waa adduunoo waa meel gashiin lagu wada yahay; qofna nagaadi ku ahaan maayoo waan ka wada tageynaa. Tii Abwaan Hadraawina waxay soo gashay duhurnimo Khamiisa taariikhduna ku beegnayd 18-08-2022, waxaana la aasay galab Jimca ah 19-08-2022 siduu jeclaa ayaana loo bud-dhigay. Eebbe ha u naxariisto, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo intii jeclayd oo dhanna sabar iimaan Alle haka siiyo, annaga gadaashii nama fidneeyo.
Haddaba iyadoon la xadgudbeyn lana jabineyn dardaarankii abwaanka, waxaa jira siyaabo badan loo maamuusi karo magacii abwaanka. Si loo xuso magaca abwaanka islamarkaana jiilasha soo koraya iyo kuwa dhalandoona uga faa'iideystaan dhaxalkii uu inooga tagay waxaa habboon in dib loo uruuriyo meelna laysugu geeyo suugaantii abwaan Hadraawi. Qormadan kooban waxan ku soo jeedinayaa aragtideyda ku aaddan sida reer Beledweyne u maamuusi karaan magaca abwaankii magaaladooda huwiyay hees isugu jirta duco iyo ammaan miisaankeeda Soomaali oo dhami marqaati ka tahay. Heesta “Beledweyn” waxaan shaki ku jirin in ay tahay foolaad ka suugaanta Hadraawi. Mugga iyo miisaanka ay heestani leedahay waxaad ka fahmi kartaa, waxaa lagu daray manhajkii dugsiga sare xilligii kacaanka si loogu dhigo ubadka Soomaaliyeed gobol kasta ha joogaane walow laga saaray manhajyadii dambe.
Ka sheekeynmaayo taariikhda heesta iyo micnaha ereyada ku jira oo meela badan ayaad laga heli karaa iyadoo maqal iyo qoraalba leh, laakin aan xuso magacyada halyeeyadii ku kaalmeeyay Abwaan Hadraawi in heestu heerka ay maanta joogto soogaarto. Waxaa laxanka cajiibkaa ee dhowrka nooc isu bed-beddelaya ku laray AUN mullaxankii weynaa Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) waxaana si quruxbadan ugu luuqeeya fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar.
SIDA REER BELEDWEYNE U MAAMUUSI KARAAN HADRAAWIDadka reer Beledweyne waxaa la gudboon in ay iyagu billaabaan maamuuska Abwaan Hadraawi. Dhowrkaan hab ee soo socda ayaa lagu xusi karaa magaca abwaanka:
1. In xaafad, jid, suuq, garoon ciyaareed, buundo ama isbitaal loogu magacdaro.
2. In la dhiso madxaf, maktabad, tiyaatar ama xarun dhaqanka iyo hiddaha lagu uruuriyo, islamarkaana loogu magac daro Hadraawi.
Dhammaan siyaabaha kor ku xusan waa maangal kamana soo horjeedaan dardaarankii abwaanka. Waxaa kale la sameynkari lahaa in taallo loo dhiso laakin taa abwaanku waa diiday. Waxaan halkaan, haddaba, ka soo jeedinayaa in la dhiso
madxaf iyo
xarun hiddo iyo dhaqan is wata oo lagu uruuriyo taariikhda iyo farshaxanka magaalada iyo guud ahaan gobolka Hiiraan. Matxafkan iyo xaruntan oo loogu magacdarayo Abwaan Hadraawi. Magaca loo bixinayana uu noqdo sidaan: XARUNTA TAARIIKHDA, DHAQANKA IYO HIDDAHA EE HADRAAWI (Hadraawi museum and cultural & heritage center). Magacani waa soo jeedin uun (magacii la isku raaco ayaa loo bixindoonaa).
Sababta aan u doortay qodobkan ayaa ah in ay faa’iidooyin u leedahay magaalada iyo dadka reer Beledweyneba. Faa’iidooyinkaas waxaa kamida:
b) Madxafka wuxuu noqon doonaa meel taariikhda magaalada lagu uruuriyo laguna kaydiyo taas oo aan hadda jirin; waxa ugu horreeya ee lagu xardhi doona waxay noqoneysaa heestii “Beledweyn Allahayow ka dhig beerta raaxada” iyo sawirrada Abwaan Hadraawi.
t) Xarunta hiddaha iyo farshaxanka waxay noqon doontaa meel ay hibadooda ku soo bandhigaan jiilasha soo koraya; waxaa jira da’yar ku dayata (role model) Abwaan Hadraawi, kuwaas waxay heli doonaan goob ay ku soo bandhigaan wuxuu Ilaahay baray.
j) Dakhli ayaa ka soo gelaya magaalada maxaayeelay waxay noqoneysaa goob
dalxiisayaashu ku hirtaan, magaca iyo sharafka dadka reer Beledweyne-na sare u qaadda.
Waa fududahay in hawshan la qabto kharashna loo helo bacdamaa abwaanka tacsidiisa ay tahay asbuucan. Waxan aaminsanahay in qorshahan miradhali karo haddii loo helo dad dhaqaajiya. Duqa magaalada waa in ay saxaafadda kaga dhawaaqdaa qorshahan. Arrintani sharaf iyo karaamo ayay u noqoneysaa reer Hiiraan gaar ahaan reer Beledweyne.
By Kassim Abdullahi Jimale
PhD Student, Bari, Italy
Email:
[email protected]Phone (WhatsApp): 00393517563717