(Qaybta Labaad)
Maktabad Dadweyne (Public Library)
“Waxa
kaliya oo ay
tahay inaad gabi ahaanba ogaato, waa goobta ay maktabaddu ku taalo un.”
—Albert EinsteinAdam Abdulle.
Wednesday July 20, 2022
Maktabad waxaa lagu qeexi karaa bakhaar —hooy ama guri lagu keydiyo aqoonta iyo cilmiga. Si kale u
dhig e, maktabaddu, waa goob ama bakhaar lagu aruuriyo buugaag, cilmi barisyo,
wargeysyo, Joornaallo, iyo agabyo kale oo aqoonta aadanaha dhisa ama kobciya.
Maktabadu, waxa ay akhristayaasha iyo cilmi baarayaasha u fududeysaa in ay
helaan macluumaadka, xogaha iyo aqoonta ay u baahan yihiin ama raadinayaan. Ereyga
maktabad waxa uu ka yimid kelmadda laatiinka ah ee “liber” taaso oo loola jeedo
buug. Sidoo kale, marka ereyga maktabad laga eego qaamuuska, waxaa lagu qeexaa,
qol ama dhisme ay ka buuxaan ama lagu keydiyay buugaag.
Waxyaabaha ay maktabaduhu uruuriyaan waaa ay
tiro badan yihiin, waxaase ka mid ah; buugaag, wargeysyo/joornaallo,
qoraal-gacmeedyo, filimaan/canladao, khariirado, fan, cilmi baarisyo/maqaallo
iwm. Maktabaduhu waxa ay xogtaas u keydiyaan qaabab kala duwan, sida; qaab muuqda
(physical) ama qaabka casriga ah ee dhijitaalka (digital).
Maktabaduhu waxa ay dhiirrigeliyaan akhriska iyo qoraalka. Waxa ayna la
dagaallamaan ama cirib tiraan jahliga oo ka mid ah cadawyada ugu weyn ee
aadanaha horumarka iyo barwaaqada u diida.
Qur’aanka Kariimku markii ugu horreysay ee uu ku soo degay Nabigeenna
sharafta badan (SCW) ereygii koowaad ee nabiga ku dhawaaq ama akhri la
yirii waxa uu ahaa kalmadda “Akhri” weliba isaga oo aan aqoon sida wax
loo akhriyo!
Dhanka kale, Qur’aanka Kariimka waxaa ku jira kumanaan amar oo la
siinayo aadanaha, khaasatan Muslimiinta, waxaana ka mid ah: Rumeeya Alle,
adeeca Nabiga Alle (SCW), dukada salaadda, sooma, bixiya sakada, baari u
noqda waalidiintiinna, Alle dartii u jihaada iwm. sidaas oo ay tahayna, kalmaddii
koowaad ee Quraanka Kariimku waxa ay aheyd “Akhri” sababtoo ah waxaan
isleeyahay, haddii aanan wax akhrin karin waxa adkaaneysa in aan waajibaadka
kale ee Alle nagu dul dhigay sida salaadda, sakada, soonka, jihaadka, imw. aan
u gudanno si ay yihiin.
Haddii la rabo in dal la dhiso, waa in marka hore dadkiisa la dhisaa.
Sida ugu fiican ee dadka loo dhisi karana waa in wax la baro oo lagu hubeeyo
aqoon iyo xirfado, noqdaanna kuwo awood u leh in ay dabaqaan oo ay hirgeliyaan
wixii ay barteen, kuna xalliyaan mashaakilka heysta ummaddooda, maktabadaha
ayaana arrinkaan in uu hirgalo kaalin weyn oo mug leh ka geysta.
Waxa aan mar sii
horreysay dhageystay Sh. Mustafa oo ka sheekeynaya sheeko ku qoran mid ka mid
ah bugaagta uu qoray qoraaga reer Baraasiil ee caanka ka ah, Paul Coelho.
Sheekadu waxa ay u yara dhaweed sida tan: Oday ayaa jariirad akhrisanayay,
dabadeedna wiil yar uu dhalay ayaa aad u mashquuliyay, mar weliba su’aal ayuu
weydiiyaa oo waxa uu ka mashquuliyaa howsha uu ku jiray ee jariirad akhrinta ah,
odaygii ayaa markii dambe is yiri bal adiguna inanka yar mashquuli, kaddibna
intuu jariiradii rogay ayuu soo saaray xaanshi ay ku dul sawiran tahay khariiradda
caalamku, dabadeenda inta uu googooyay warqaddii ayuu u dhiibay willkii yaraa, kuna yiri, bal
orod oo halkaa fadhiiso oo isku soo aad-aadi khariiraddaan caalamka ee aan
jeex-jeexay oo ku soo celi sidii ay aheyd. Waxa uu odaygu saadaalinayay in uu inanka
yar howl adag u diray oo uusan dhaqse ku soo laaban doonin (illeyn ma fududa in
leysku aad-aadiyo khariidadda duninda oo gabal gabal yar loo jarjaray e),
dabadeed maxaa dhacay?
Waqti yar oo aan ka
badneyn dhowr iyo toban daqiiqo kaddib, waxaa odaygii u yimid wiilkii yaraa oo
ordaya, kuna yiri aabbihii, waa tanaa oo waan soo sameeyay khariiraddii
adduunka ee aad ii dirtay in aan isku soo aad-aadiyo.
Odaygii wuu yaabay,
waxa uuna wiilkii yaraa su’aalay, war ma hooyadaa ayaa kuu dhigtay juquraafiga,
sidee dhaqsadaa ugu soo sameeysay?
Wiilkii ayaa ku
jawaabay, maya, hooyadeey juquraafi iima dhigin.
Odaygii ayaa mar kale
weydiiyay wiilkii, oo haddaba sidee ayaad u sameeysay?
Wiilkii waxa uu ku
jawaab celiyay, warqadda aad ii dhiibtay, xagga khariiraddu ay ku sawirneyd ma
aha e dhanka kale waxaa kaga sawirnaa qof, aniguna qofkii umbaan isku isku
hagaajiyay (madaxii, wijigii, qoortii, feerihii ...luguhii), kaddibna dunidiiba
waa ay isku hagaagtay!
Hadalkii inankaa yar
ayaa deetana laga dhigay hadal xikmad ah oo oranaya “markii aan dhisay qofka
bi’aadamka ah ayaa dunidiina dhisantay”. Wiilku hadalkaa wuu iska yiri, balse
sida dhabta ah markii bi’aadamka la dhiso ayay duniduna dhisantaa. Dhanka kale,
markii uu qofka bini’aadamka ah dumo ayaa duniduna duntaa.
Dhan kale aan ka istaago e, bulshada jaahilka ah ee aan wax akhrin ama
wax qorin, waa bulsho aan ka qayb qaadan siyaadda (passive), dan badane aanan
ka laheyn siayaasadda, ama waa kuwo daacad u ah (loyal) cid kasta oo timaada
xukunka. Dhanka kale, marka ay bulshadu noqoto bulsho wax akhrisa oo heerka
jaahilnimado hoos u dhacdo, waxaa xorooba fikirkooda, waxa ay noqdaan kuwo
fahansan muhimadda ay siyaaddu u leedahay bulshada, taasina waxa ay ku dhalisaa
in ay ka qayb qaataan siyaadda (active) ama ay la yimaadaan cod (voice) waa
haddii dowladda markaa xukunka joogta ka weecato waddada saxda ah ee bulshada
ku hagta horumarka, barwaaqada iyo guusha e.
Maktabaduhu, waxa ay uruuriyaan ilaha uu aadanuhu ka helo xogaha iyo
macluumaadka uu u baahan yihiin si uu u xalliyaan mushkilad taagan, uga
hortagaan mid imaa laheyd ama u yareeyaan saameynteeda mushkiladdu haddii ay
timaado, iyo in bulshada la gaarsiiyo xaalad ka wanaagsan midda ay hadda ku
jirto horumar ahaan.
Maktabaduhu, waxa ay bulshada siiyaan adeegyo kala duwan, waxaana ka mid
ah; in akhristayaasha, ardayda, iyo cimli baarayaashu ka heli karaan buugaagta,
cilmi baarisyada, iyo jaraa’idyada ay quud-darreynayaan in ay akhristaan ama tixraac ahaan ugu
isticmaalaan. Sidoo kale, adeegyada maktabada waxaa ka mid ah in ay
akhristayaasha amaahiso buugaagta ama cilmi barista ay u baahanyihiin —waa haddii ay adeegyadaa leeyihiin e.
U jeedada ugu weyn ee loo uruurinayo buugaagta waa in ay u fududaato
dadka in ay isticmaalaan/akhristaan ama amaahdaan, ee ma aha in maktabadu
noqoto carwo qurux badan oo buugaagta lagu soo bandhigo un.
Waxaa jira dhowr nooc oo maktabado ah waxaana ka mid ah; maktabad
dadweyne, maktabad qaran, maktabad qaas ah, iyo maktabado ay leeyihiin
akadeemiyadaha aqoonta sida; iskuulada iyo jaamacadaha iwm. Balse, waxaan
isleeyahay, maktabadaha ay u baahantahay Caasimadda Muqdisho waa tan
dadweynaha, maadaama aysan ardayda, cilmi baarayaasha iyo dadka caadi ahba suurragal
u aheyn in ay si bilaash ah ama lacag la’aan ah ku helaan adeegyada ay bixiyaan
maktabadaha kale.
UNESCO waxa ay ku xeeqdaa maktabadda dadweynuhu in ay tahay, meel lagu
aas-aasay waajibaad sharci oo cad, qarashaadkeedana laga bixiyo sanduuq
lacageed oo dadweyne, wax lacag ah aan ku dallacin dadka ay u adeegto, dadka oo
dhanna u furan, shaqadeeduna tahay kobcinta nabadda iyo daryeelka ruuxda
bulshada iyada oo loo marayo in la dhiso maanka iyo garaadka dadka.
Dr. S.R. Ranganathan waxa uu yiri “Maktabad dadweyne, waa hay’ad
dadweyne oo loo xil saaray aruurinta, ilaalinta buugaagta, iyo in buugaagtaas
noqdaan kuwo ay heli karaan dadka daneynaya akhrintooda”.
Faa’idooyin fara badan oo aan la soo koobi
karin ayay bulshadu ku qabaan jiritaanka maktabadaha dadweynaha, waxa aanse
qormadaan ku xusi doonaa kuwa soo socda:
§ Maktabadaha dadweynahu, waa joobta lagula
dagaalo ama lagu cirib tiro jahliga, dhanka kalena lagu dhiso maanka, maskaxda
iyo garaadka bulshda.
§ Haddii la rabo in la dhiso dal, waa in marka
hore la dhisaa maanka iyo garaadka dadkiisa, maktabaha dadweynaha ayaana qayb
weyn ka qaata arrinkaas.
§ Isbeddelka togan ee bulshadu waxa uu yimaadaa
marka ay bulshadaasi noqoto mid ku hubeysan aqoon, ilbaxnimo, xirfado, iyo
waayo-aragnimo, maktabadaha dadweynaha ayaana howshaasi fududeeya oo gacan weyn
ka geysta.
§ Maktabadaha dadweynahu, waxa ay door weyn ka
qaataan in dadku helaan xog, macluumaad, aqoon, cilmi, taariikh, iyo ilbaxnimo
isku mid ah, taasina waxa ay ku caawisaa in ay isku si wax arkaan ama ka
mideysmaan arrimo masiiri u ah mustaqbalka dalkooda iyo dadkoodaba.
§ Maktabadaha dadweynaha ee casriga ah waxa ay
bulshada u qabtaan shaqooyin kala duwan, kolka
si loo gaaro ujeedooyinka maktaba loo aas-aasay oo ah ciribtirka jahliga
iyo dhisida maanka iyo garaadka bulshada, waxa ay maktabadu u shaqeysaa sida:
o Xarunta faafinta macluumaadka iyo aqoonta,
o Xarun ay iskugu yimaadaan dadka garaadka iyo
indhaha u ah bulshada,
o Xarun ilaalisa dhaqanka, hiddaha, iyo
taariikhda bulshada,
o Xarunta curinta iyo fikradaha,
o Xarunta bud-dhigga u ah isbeddelka togan ee
ku yimaada bulshada.
§ Maktabadaha dadweynuhu, waxa ay muhimad gaar
ah u leeyihiin ardayda iyo dadka faqiirka ah ee aan awoodin in ay iibsadaan
buugaagta ay rabaan. Maktabaha dadweynuhu, waa albaab u furan ardayda aysan
reerahoodu awood dhaqaale laheyn misna la tiicaya bixinta qarashaadka iskuulada
ama jaamacadaha ay dhigtaan caruurtoodu maadaama maktabadaha dadweynuhu loo
adeegayaashaan siiyaan adeegyada la xiriira akhriska iyo cimli barisyada ay
quuddarreynayaan weliba si bilaash ah. Sidoo kale, waxaa jira dad badan oo aad
u jecel akhriska iyo aqoon kororsiga, balse aan awoodin in ay iibsadaan
buugaagta ay quud-darreynayaan, maadaama laga yaabo in qiimaha buugaagtu aad u
sarreeyo marka dakhligooda loo fiiriyo. Kolka, waxaa ay maktabadda dadweynuhu u
suurtagelineyaan dadkaas in ay helaan fursad ay ku akhrisan karaan ama ku
amaaha karaan bugaagtaa ay rabaan. Waa kale oo maktabahada dadweynaha faa’iido
gaar ah ku qaba dadka miyiga degan ee ay heli karin meelo ay ka iibsadaan
buugaagta imw.
§ Maadaama akhristuhu maktabadaha dadweynah ka
helayo dad badan oo iyaguna akhris, aqoon kororsi, iyo dadaal ku jira,
arrintaasi waxa ay siineysaa dhiirrigelin iyo firfircooni dheeri ah akhristaha.
Dhanka kale, maktabaduhu waa meel degan, oo aan buuq, kheylo iyo sawaxan badan
toona laheyn, taas oo ay jecleystaan dadka akhriska jecel, ardayda, ama cilmi
baarayaashu. Arrintaanna waxaa sahlaya maadaama ay maktabaduhu leeyihiin xeerar
iyo mabaadii laga rabo in akhristuhu raaco. Sidoo kale, dadka aalaaba yimaada
maktabaha waa dad dishbiliin iyo aqoon leh taas oo ka dhigta maktabada meel aad
u degan akhristuhuna wax badan ku faa’iideysto waqti yar.
§ Maktabaha dadweynuhu, waxa ay ardayda iyo
dhallinyarada ka dhigtaa kuwo ku mashquulsan akhris iyo aqoon kororsi, iyo
dadaal. Waxa ayna ka mashquulisaa dabeecada ah taban ee dib u dhiga ama
ardaaleeya qofka sida: isticmaalka maan-dooriyayasha, sigaar cabidda, khaaq
cunidda, khamaar ciyaaridda; foodada, dagaalka joogta ah, ciyaal suuqnimada
iwm.
§ Maktabadaha
dadweynuhu, waa goobha lagu ogaado mushkiladaha heysta bulshada, waan isla
goobaha laga raadiyo xalka mushkiladahaas.
§ Qarniyadii la soo
dhaafay dunidu waxa ay u kala xoog badneyd sida ay u kala hub iyo awood badan
tahay ama u kala hub iyo awood weyn tahay, balse maanta xaalku sidaa waa uu ka
geddisan yahay oo macluumaadka ayaa ah hubka iyo awoodda ugu weyn oo ay dowladi
heysato, sidaa daraareed, maktabadaha dadweynuhuna waa ilaha siiyaa bulshada
macluumaadkaas.
Bulshadu sida ay ugu baahan tahay isbitaal furan 24/7 ayay si kasii mug
iyo micno weyn ugu baahantahay maktabado dadweyne oo furan 24/7. Waayo,
dhakhaatiirta ka shaqeysa isbitaalada, injineerada guryaha dhisa, taariikh
yahanada taariikhda bulshada uruuriya oo weeleeya, halgamayaasha u halgama
xorriyada dalka iyo dadka, macallimiinta jaamacadaha iyo iskuulada, cilmi
baarayaasha iyo saynis yahanada, qoraayaasha iyo ardayda, siyaasiyiinta iyo
hoggaamiyaasha dalka majaraha u haya; iyo aabbaha iyo hooyada raba in ay
caruutooda si wanaagsan u barbaariyaan, dhammaantood waxa ay ka faa’iideystaa
adeegyada ay maktabadaha dadweynuhu u hayaan bulshada. Kolka, haddii la waayo
adeegyadaas waxa gaabis ama habac ku yimaadaa ama sidii la rabay aan u
qabsoomin shaqooyinka ay dadka aan kor ku soo xusnay oo dhammi u qabtaan dadka
ay u adeegaan (bulshadooda, qoyskooda iwm). Tusaale, haddii aanan la helin
adeegyada ay bixiyaan maktabaha dadweynuhu, waxaa laga yaabaa iska daa in la
helo aqoon yahanno fara badan e, ay adkaa laheyd in la helo kuwa wax akhriya
ama wax qora ama bulshada inteeda jaahilka ahi badato.
Gunnaanadkii, maktabadaha dadweynuhu, waxa ay
la dagaallamaan ama cirib tiraan jahliga, waxa ayna kobciyaan aqoonta iyo
garaadka bulshada. Soomaalideenna waxaa la qiyaasaa in 70% yihiin dad aan wax
akhrin karin, waxna qori karin (illiterate). Haddane, waa dad 100% Muslimiin ah
sida la sheego. Kolka, dad Qur’aankii lagu soo dejiyay Nabigooda sharafta badan
ay bud-dhig u aheyd kalmadda ama ereyga “akhri” 70%’na aan wax akhri karin ama
qori karin, daawo ka fiican maktabaha dadweynaha oo cudurkaas la tacaali karahi
ma hubo in ay jirto. Sidoo kale, waxa aan ku tali laaha:
§ Si loo helo faa’idooyinka maktabaha dadweynuhu
ay u leedahay bulshada ee aan kor ku soo xusay iyo kuwo ka badanba, waa in
caasimaaddu yeellato maktabado dadweyne oo degmo kasta laga heli karo, ama ugu
yaraan hal maktabad dadweyne oo aad u weyn bixina karta adeegyada ay qabtaan
maktabaha dadweynahu.
§ In Dowladda Hoose Ee
Xamar ku baraarugto muhimadda ay maktabaha dadweynuhu u leeyihiin bulshada malaayiinta
ah ee ku nool Xamar, misa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya.
§ In Dowladda Hoose Ee
Xamar arrinkaan (furitaanka ama tayaynta iyo xoojinta maktabadaha dadweynaha)
kala shaqeyso wasaaradaha ay khuseyso, sida; wasaarada hiddaha iyo tacliinta
sare iwm.
§ In bulshada lagu
wacyigeliyo dhaqanka wax akhriska iyo wax qoridda si loola tacaalo ama loo
cirib tiro jahliga oo ka mid ah khataraha ugu weyn ee heysta bulshadeenna
Soomaaliyeed.
§ In misaaniyadda Dowladda
Hoose Ee Xamar lagu daro lacago loo qorsheeyay in lagu furo maktabad/o dadweyne.
§ In Dowladda Hoose Ee
Xamar ku baraarugto in adeegyada asaasiga ah ee ay u hayaan bulshada ay ka mid
tahay in helo maktabado dadweyne oo ay dadku si bilaash ah uga faa’ideysan
karaan adeegyadooda.
§ In qofka loo
magacaabayo maayarka ama duqa magaalada Muqdisho (mayor), iyo madaxda kale ee dowladda
hoose noqdaan kuwo lagu soo xushay aqoon, xirfad, khbirad, aragti, iyo in ay
yihiin dad faham qoto dheer ah u leh adeegyada laga ay tahay in dowladda hoose
dadkeeda u qabato.
§ Waxaa jirtay dhowr mar
oo hore in ay Dowladda Hoose Ee Xamar sheegtay in caasimadda Muqdisho iyo
caasimado ama magaalooyin kale oo caalami ah la mataaneynayo, marka haddii ay
jiraan heshiiyo wax ku ool ah oo lala galay dhinacyo kale (caasimado ama
magaalooyin kale) waxaan ku tali lahaa in la fuliyo, si oo uusan arrinku noqon
shir jaraa’id oo la qabtay oo lagu kala saxiisday heshiisyo aan la fulineyn ama
aan suurtagal fulintoodu hadda.
W/Q: Adam Abdulle. Bare & Cilmi Baare