By Adam Abdule, Bare & ilmibaare
Thursday May 19, 2022
Alle weyne ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, kaas oo
Soomaalida u suurtaggeliyey in ay doorashadii u qabsadaan si nabad ah.
Qabashada doorashadu waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa
dimuqraadiyadda dalka, waxa ayna siisaa shacabka awood ay ku abaalmarin karaan
dowladda markaas jirta ama ay ku ciqaabi karaan -waa haddii ay fulin weyso
howlihii loo igmaday, ka soo bixi weyso ballanqaadyadii ay sameysay xilligii ololaha
doorashada ama ku kacdo falal liddi ku ah horay u socodka dowladda sida musuqmaasuqa,
nin jecleysiga, ismaquunin, cabburinta dad weynaha ama hadlayaasha shacabka
(warbaahinta) iwm.
Qormadan kooban waxa aan diiradda ku saari doonaa farqiga u
dhexeeya doorashadii madaxweyne ee dhacday maalintii axadda, taariikhduna ku
beegneyd Maajo 05, 2022 iyo kuwii ka horreeyey.
Ka Qaybqaadashada Siyaasadda
Ka qaybqaadashada siyaasaddu waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska.
Mar walba oo ay kordhaan dadka ka qaybqaadanaya siyaasadda waxaa soo yaraada
masaafada u dhexeysa dowladda iyo shacabkeeda, taasina waxa ay ku caawisaa dowladda
in ay hesho fursad ay iskugu toli karto dadka iyo dowladda, ku mideyn karto ummadda,
kuna abuuri karto dareen wadareed keenna midnimo iyo isku danqasho, taas oo ugu
dambeyn ka fududeysa dowladda in ay ku hagto dadkeeda tubta toosan ee horumarka
iyo barwaaqada.
Marka aad u fiirsato doorashadii dhacday waxaa ololaha
musharrax kasta ka qaybqaatay dhallinyaro, ganacsato, aqoonyahanno, siyaasiyiin
iyo indheergarad si iskood ah isku xilqaamay iyada oo aysan jirin cid dirsatay
balse u arkayey musharraxa ay taageerayeen in uu samatabixin karo dalka iyo
dadka ama uu soo bandhigey qorshe siyaasadeed hortebin siinaya waxyaabaha aas
aaska u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ololaha Doorashada
Dhanka ololaha waxa aad moodaa in iyana xoogaa horumar ah
laga sameeyey. Doorashooyinkii hore waxaa dhici jirtay in musharraxiinta qaar
yimaadaan dalka xilliga doorashadu soo dhowaato iyaga oo ku fikiraya in waxa
ugu weyn oo saameynta ku leh doorashadu ay tahay in uu qanciyo xildhibaanada,
taasina aysan u baahneyn olole waqti badan la geliyay. Haddase, waxaad mooddaa
in arrinkaasi wax iska beddeleen, wacyiga siyaasadeed ee bulshaduna kor u kacay
aawadeed, sidoo kale waxa aad mooddaa in siyaasiyiintu dareensan yihiin kuna
baraarugsan yihiin in doorashada dadban aysan sii socon doonin, loona gudbi
doono hab siyaasadeedka ku dhisan xisbiyadda. Sidaa darteed, waxa ay ololahooda
u qaabeeyeen qaab ka duwan sidii hore; iyada ii u soo bandhigaya qorshahooda
siyaasadeed shacabka aan weli fursadda u helin in ay codeeyaan.
Waxaad ka dareemi kartaa arrinkan in musharraxiinta
badankoodu ololohooda u qeybiyeen laba qeybood;
Midda koowaad, waxa ay xoogga saareen in ay bulshada ka
dhaadhiciyaan qorshahooda siyaasadeed iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada,
idaacadaha, teleefeshinada, boorar farriimo xanbaarsan oo lagu dhejiyay
waddooyinka waaweyn ee caasimadda iyo in ay dadka si toos ah ula hadlayeen. Inkasta
oo aysan dadka caadiga ah am shacabku weli heysan fursadda doorashada kuwa
masiirka ummadda lagu aamini lahaa, haddane waxaa jira xaqiiqada ah in
xildhibaan weliba qabiil/dad ma talo. Kolka, haddii dadku ku qancaan qorshaha
musharraxa waxa ay xildhibaankooda ka codsan karaan in uu codkiisa siiyo
musharraxaas. Mid ka mid ah xildhibaanadda federaalka oo aanan halkaan
magaciisa ku xusi kari maadaama aanan oggolaasho u heysan ayaa ii sheegay “in
teleefoonkiisa gacanta loogu soo diray in ka badan boqol arji, kuwaas oo looga
codsanayay in uu codkiisa siiyo musharrax B.T.J”.
Midda labaad, musharraxiintu waxa ay diiradda saareen
xildhibaanda labada aqal oo ay gacantooda ku jirtay awoodda wax doorashadu.
Musharraxiintu si ay u helaan codka xildhibaanka waxa ay adeegsadeen qaabab
kala duwan sida in ay si fool ka fool ah ula kulmaan xildhibaanka gacan qaadaan,
u ballan qaadaan mansab, magac, maal, dan-guud, iyo dan-gaar ah waxa uu rabo
misna waydiistaan codkiisa/keeda. Sidoo kale waxa ay adeegsadeen
istiraatigiyadda ah in xildhibaanka loo maro dadka isaga saameynta ku leh ama
uu matalo sida ugaaskiisa, nabaddoonkiisa, ganacsatada beeshiisa, dhalinyarada
beeshiisa, xisbiga uu ka tirsanyahay ama ciddii ku caawisay in uu xildhibaan soo
noqdo (opinion leaders). Musharraxiinta qaatay istiraatijiyooyinka aan kor ku
xusay badankoodu waxa ay u soo gudbeen wareegga labaad ee doorasha.
Maadaama ay Soomaaliya ka mid tahay waddamada ugu musuqa
badan dunida, waxaa iyana jirtay in musharraxiinta qaarkood siinayeen
xildhibaanadda lacago si ay codkooda u helaan. Hase ahaatee, waxaa marba marka
ka dambeysa sii xooggeysanaya xaqiiqada ah in uusan musharraxu haleyn codadka
xildhibaanadda uu lacagta siiyo oo dhan, oo badankoodu inta ay lacagta qaataan ayay
haddaba codkooda siiyaan ciddii ay markaa la dhacsanyihiin, dantooda ka dhex
arkaan, ama ay isku heyb yihiin. Arrinkaan waxa ay xildhibaanadu uga gol
leeyihiin in ay hadba aruursadaan wixii lacag ah oo ay heli karaan maadaama
iyagaba ka baxeen qarashaad badan markii la soo dooranayay. Xildhibaanadu waxa
ay aad u fahmeen ka kaluumeysiga musharraxiinta dhexdooda sidaa daraadeed waxaa
la arkaa in xildhibaan aad ku aragtay guriga ololaha musharrax B in aad haddana
ku aragto xarunta ololaha ee musharrax T. Halkaasna waxaa markale ku dhaboowday
oraahdii rugcaddaaga siyaasadeed Salaad Cali Jeelle ee micnaheedu u dhowaa “lacagi
waa qaadasho,codna waa ciddaad doonto sii” ama “ka cun oo ka codee”.
Qabashada Doorashada
Illaa iyo markii Soomaaliyadda cusub dib loo yigleelay
sanadkii 2000 kadib shirkii dib u heshiinsiinta Somaalida ee lagu qabtay
magaaladda Carta ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ma jirin horumar
badan oo laga sameeyay dhanka dowlad-dhiska iyo dowlad-wanaaga. Waa xaqiiqo
biyo kama dhibcaan ah in dowladihii inna soo maray oo dhan mid waliba wax un qabatay,
hase ahaatee, arrimaha amniga, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka
dastuurka ama afti u qaadidiisa, arrimaha federaalka, iyo siyaasadda arrimada
dibadda wax qabad la taaban karo kama jiro. Balse, waxaa jirtay hal arrin oo
muxaafid, mucaarid, iyo shacabba la isku wada waafaqsanaa taasina waxa ay aheyd
in xilli dhammaadka dowlad kasta la qabto doorasho lagu heshiiyay -mid dadban
haba u badnaatee.
Inkasta oo doorashadaan isjiidjiidkeedu ka qaatay Soomaalida
watqi aan ka go’in haddane ugu danbeyn waxaa la isku raacay in doorasho la
qabto -mid dadban weli haba ahaattee. Weliba waxaa jirta, in madaxweynaha xilka
ku wareejiya si nabad ah doorasho dabadeed uu arrinkaasi ku muteeysanyo ammaan
iyo bogaadin uga timaada bulshada.
Madaxeyne Hore oo Soo Laabtay
Weli taariikhda Soomaliya ma dhicin in madaxweyne hore mar
labaad xilka ku soo laabto, tanina waxa ay meesha ka saareeysaa war suuqeed
(narrative) xoog badan kaas oo tabaaxayay in ay adagtahay in madaxweyne hore
mar kale xilka ku soo laabto.
Isbadelka ku yimid arrinkaan waxaa sababay dhowr arrimood;
shakhsiyadda madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo la lagu sifeeyo
dun-wanaagsanaan, qof nabadeed, misna dad isku wadid iyo dad la dhaqan leh.
Sidoo kale, waxaa caawiyay madaxweynaha in uu xilka mar kale ku guuleysto
waxqabadkiisii hore ee lataaban karay, iyo olole xooggan oo ay sameeyeen
kooxdiisa iyo dad si iskood ah isku xilqaamay si waddanku uu horay ugu socdo
loogana badbaado dib u noqosho laga baaqan karay. Waxaa kale oo caawisay
madaxweynaha soo laabashadiisa in uu ahaa musharrax ka dhex yimid shacabka,
kana soo shaqeeyay waxbarashadda iyo dibu heshiisiinta Soomaalida.
Kaalinta Madaxda Maamul Goboleedyadda
Kaalinta madaxda maamul goboleedyada ee doorashooyinkii hore
waa ay jirtay balse sida doorashaan oo kale uma xoog badneyn. Madaxda maamul
goboleedyadu waxa ay markii horaba ku dadaaleen in ay gacanta ku dhigaan
xildhibaanadda ka soo bixin doona maamul goboleedkaas iyaga oo adeegsanaya awooddooda
iyo midda dowladda dhexeba. Walow meelaha qaar sida Hirshabeelle, Galmudug,
Soomaaliland (xubnaha matalaya Somaaliland), iyo Benaadir aanan arrinkaani xoog
uga jirin, haddane maamulada qaar sida Puntland, Juballand, iyo Koofur Galbeed
madaxda maamul goboleeku waxa ay saameyn xooggan ku lahaayeen soo saaridda
xildhibaanadda, tanina waxa ay tusaale ahaan ku caawisay Saciid Deni oo ahaa
musharrax madaxweyne in uu wareegii koowaad ee doorashada ku soo baxo kaalinta
koowaad (dabcan waa ay jireen codad uu ku helay ololahiisa dartiis ama uga yimi
dhanka Jubaland). Halka madaxeynihii hore codod badan ka helay dhanka Koofur
Galbeed maadaama ay aad isku dhowaayeen madaxweynaha maamulkaas Laftagareen.
Dhanka Hirshabeelle, qabiiladda deegaanadaas oo aad uga horyimid iyo maamulka
oo garwaaqsaday arrinkaa waxaa la dhihi
karaa xoogaa wax doorasha u eg ayaa ka dhacay halkaas.
Kaalinta Beesha Caalamka
Beesha Caalamka oo dowlad-dhiska Soomaaliya ku bixisa laca go
farabadan ayaa kaalin weyn ka qaatay doorashadaan. Inkasta oo ay
doorashooyinkii horaba ay kaalin ku lahaayeen, haddane waxaa jirtay in ay doorashadaan
aad ugu cadaadiyeen siyaasiyiinta in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha
doorasha illaa heer ay gaaraan in ay ku hanjabaan in ay cunaqabateyn saari
doonaan kuwa doorashada hor istaaga ama carqaladeeya.
Waxaa dhan kale aad mooddaa in ay doorashadaan yaraatay
hadal heynta tirade badneyd ee aheed; musharrax hebel waxaa wadata dowlad hebla
-waxaase laga yaabaa in ay musharraxiintu xeeladeysteen maadaama arrinkani
sumcadooda wax u dhimi karo, hoosna u dhigi karo fursaddooda.
***
Intaasi waa intii aan anigu shakhsi ahaan is tusiyay in
doorashadaani uga duwaneyd doorashootinkii hore, basle waxaa jiri kara kuwo
kale oo aanan halkaan ku xusin. Waxaan Eebbe Weyne ka rajeeynayaa in mar aan
dheereyn la helo fursad saamaxda in qof waliba oo Soomaali ah codkiisa dhiibto,
xaqna u yeesho in uu doorto kuwa masiirka jiilka soo socda lagu aamini lahaa in
shaa allah.
W/Q: Adam Abdule, Bare & ilmibaare