Farah Aw-Osman
Thursday November 3, 2022
Waxaad moodaa in shacabka Soomaaliyeed ay soo kartay xasuuqa arxan daro ee suuqyadda Muqdisho iyo magaalooyinka kaleba loogu gaysanayo maatada Soomaaliyeed iyo surgooyada lagula kacayo indhaha bulshada oo culimo, aqoonyahan, saraakiil, haween iyo dhalinba leh.
99% dadka ay Al-Shabaab ama qarax, ama toogasho, ama siyaabe kaleba ku dileen waxaa muuqata inay wada yihiin shacab Soomaaliyeed oo aan wax danbi ah galabsan oo kuligood Muslim ah. Dhaqaalaha ay ku howlgalaan ama u adeegsadaan kooxdani xasuuqa shacabkuna waa mid ay isla shacabkaas si baad iyo xoog (extortion) ah uga qaadaan, qofkii diidana ay gumaadaan. Waxay kaloo dhaqaale ka sameeyaan dabargoynta bay’ada iyo dhirta taas oo iyadoo dhuxul ah loo dhoofsho khaliijka. Sidaa awgeed, waxaa muuqata in cadowga koowaad oo Al-Shabaab la dagaalamayaan uusan ahayn shisheeye, balse yahay shacabka Soomaaliyeed ee ay ku andacoodaan inay badbaadinayaan.
Waxaad moodaa in shacabkii Soomaaliyeed ay soo kartay dhibka iyo xasuuqa ay kala kulmeen kooxdan, ayna diyaar u yihiin inay iska xoreeyaan. Sidoo kale waxaad moodaa in maamulka dowladda Federaalka oo kacdoonkaas bulsho dareensan muhiimada uu leeyahay inay shacabkaas si habqan ah oo aan aad looga fiirsan ku geliyay dagaalkaas ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hadaba, qormadan waxaan ku eegi doonaa dhowr arimood sida; sidee kacdoonkaas bulsho loo jiheeyaa oo looga miro dhaliyaa iyadoo xuquuqaha iyo xeerarka dagaal la dhowrayo? Maxay tahay qaabka ama xeeladaha ugu fudud ee kooxdan looga adkaan karo iyadoo la adeegsanayo awood iyo aalad kasta oo la heli karo? Dowladu imkaaniyaadkii looga baahnaa oo sahli lahaa in dagaalkaani guulaysto gacanta maku haysaa, mase leedahay qorshe cilmi iyo caqli ku qotoma oo midho dhali kara?
Sidee kacdoonkaas bulsho loo jiheeyaa oo looga miro dhaliyaa iyadoo xuquuqaha iyo xeerarka dagaal la dhowrayo?
Si loo xaqiijiyo in kacdoonka bulsho ee ka dhanka ah kooxdani uu taabo-galo waxaa lama huraan ah in laga dheeraado wax kasta oo fashilin kara kacdoonkaas, ama hadafka kacdoonkaan majaraxo xaabin kara, dhibaato hor lehna oo ay adkaan doonto xakaxaynteeduna horseedi kara.
Sida muuqata, kacdoonka bulsho ee Gobolada Dhexe ee Macawisleyda loogu yeero waa mid beelaysan oo qabiilo gaar ahí ay hubka u qaateen inay la dagaalamaan kooxdan ay cadowga u arkeen deegaamadoodan ka xoreeyaan, taas oo aad moodid in dowladu taageero siiyeen kooxahaas kacdoonka wada.
Hadaba si aysan u fashilmin kacdoonka Macawisley waxaa haboon inaynu iftiimino waxyaalaha fashilka soo dedejin kara, si looga hortago in fashil yimaado.
Waxaynu ognahay in gobol kasta ay isla degaan beelo badan oo mararka qaar xiriirkoodu yahay mid ku dhisan tartan, kala sadbursi iyo isfeeryaac. Halka deegaamo kale lagaba yaabo inay beelahaasi ay ka dhaxayso colaado dhuleed ama maamul iwm.
Dhinaca kale waxaynu ognahay in burburkii dowladnimo uu ka bilaabmay beelo wax tabtay oo is hubeeyay kadibna dagaal ku qaaday maamulkii markaa jiray, taasoo dhalisay in awoodii iyo hubkii qarankuba gacanta u galay jabhado beelaysan, kuwaas oo aakhirkii hubkaas u adeegsaday beelo kale oo ay tabashooyin hore ka dhaxaysay.
Sidaa awgeed, waxaa dowladda Federalka iyo kuwa xubnaha ka ahba looga baahan yahay inay la yimaadaan qorshe iyo xeellado aad loo fiirsaday oo looga hortagi karo in dagaalka kooxdan lagula jiro uusan horseedin dhib hor leh oo ama dhexmara beelo isku deegaan ah, kadib markii beelo gaar ahí helaan awood dheeri ka ah mida beelaha kale, ama hubka qaranku uusan gacan qabiil gaar ah gelin kaasoo hadhow ay adkaan doonto soo xerayntiisa iyo xakamaynta waxa hubkaas loo isticmaali doono dagaalkaan ka dib.
Dhinaca kale, Al-Shabaab xeeladaha ay isticmaalaan waxaa ka mid ah inay ka faa’iidaystaan khilaafaadka beelaha, sidaa awgeed, dagaal beelo gaar ah horboodaan wuxuu keeni karaa in beelaha kale oo raba inay dhib iyo dhaawac dheeri ah u gaystaan beelahaas ay kusoo hogaamiyaan amase xataa lasoo saftaan kooxaha xagjirta ah si qolada kale u jabto.
Sidaa awgeed, waa in Dowladda xilka haysa ay aad uga fiirsataa arintaan, lana timaadaa qorshe waaqici ah oo duruufaha jira iyo dhaqanka iyo taariikhda beelaha isku deegaanka ah la falgeli kara.
Dhibaca kale durba waxaa soo baxaya qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dagaalkaan oo leh qoorta Al-Shabaab ninkii keena lacag ayaa la siinayaa, iyo dumarka kooxda dhiigoodu wuu banaan yahay, tani waxay horseedi kartaa in dad maato ah inta surkooda la soo gooyo la yiraahdo waa Al-Shabaab si lacagtaas loo qaato, ama in xuquuqda haween aan waxba galabsan lagu xadgudbo talaabooyinkaas oo masuuliyadeeda ay qaadi doonaan masuuliyiinyta dowladda Federaal iyo mid Dowlad-Goboleedba maadaama ay iyagu kacdoonkaan taageereen dhiiri geliyeena. Sidaa awgeed, waa in xumaha la suulinayo mid la mid ah oo xasuuq iyo xadgudub ah laga dheeraadaa.
Maxay tahay qaabka ama xeeladaha ugu fudud ee kooxdan looga adkaan karo iyadoo la adeegsanayo awood iyo aalad kasta oo loo isticmaali karo?
Si looga adkaado kooxdan waxaa mudan in la daraasadeeyo dhowr arimood oo muhiim ah:
1. Qaab dhismeedka kooxdan
2. Dhaqaalaha meesha uu ka soo galo
3. Kooxaha la mid ah ee ka jira caalamka kale sida looga adkaaday
Kooxdani waa huwan isku dhex jirta, oo u baahan in la fahmo siday u qaybsamaan, si waax kasta loo helo xeelad iyo barnaamij lagula falgeli karo.
Kooxdani waxay u kala baxaan sadex qaybood:
1. Koox maafiyo arxan laawayaal ah oo sidii gangs ka u dhaqma, kuwaas oo diin, dad iyo dal aan kala jeclayn ogna danbiyada ay galeen iyo hadii la qabto ama laga adkaado ciqaabta ay mutaysan doonaan.
2. Caruur iyo dhalinyaro la marin habaabiyay oo u badan arday ama dugsiyada quraanka iyo dariiqyada laga soo afduubtay kuwaas oo aan rabitaankooda ugu biirin, kuna qanacsanayn ka mid ahaanshaha kooxdan, kuwaas oo si aysan u fikan badanaa la geeyo deegaamo ka fog dhulkooda.
3. Koox u badan dad waaweyn oo diinta wax ka yaqaan, laakiin ku tegay ama diintii kusoo koobay Jihaad qudha, kuwaas oo soo gelitaankii ciidamada Itoobiya awgeed ugu biiran kooxdan, laakiin maanta markay arkeen jariimooyinka kooxda koowaad samaynayaan, si cabsi iyo caga jugleyn ah ula jooga kooxdan, haday hadlaana naftooda u baqaya.
Hadba dowladu haday rabto inay soo afjari karo kooxdan waa inay si qoto dheer u daraasadaystaa sadexdaa kooxood, lana timaadaa qorshe, xeelladdo iyo barnaamij koox kasta si toos ah ula falgeli karto, oo aysan isku degin iskana dhaadhicin inay dagaal habqan ah oo keli ah kooxdan kaga guulaysan karto.
Ma rabo inaan sii faahfaahiyo qaababka lagula falgeli karo, maqaalkaa ayaa sii dheereenaya hadii kale, laakiin waxaan ku soo koobayaa sidan:
1. Dagaal: waa in lala dagaalamaa oo la dabargooyaa kooxda koowaad.
2. Daryeel: waa in dhaqan celis iyo dib ugu noqosho bulsho loo sameeyaa kooxda labaad (rehabilitation and reintegration).
3. Dood: Waa in lala mujaadiloodaa nabad iyo cafis loogu yabooyaa kooxda sadexaad.
Dowladu imkaaniyaadkii looga baahnaa oo sahli lahaa in dagaalkaani guulaysto gacanta maku haysaa, mase leedahay qorshe cilmi iyo caqli ku qotoma oo midho dhali kara?
Waxa ugu qaalisan aduunka waa dagaal, sidaa awgeed, dowladda Federaalku iyadoo cusub oo aan weli salka dhulka dhigin, si fiicana u daraasadayn awoodeeda ciidan, dhaqaale, xirfadeed iyo xeeladaad ayaad moodaa inay dagaal laab la kac ah geliyeen shacabkii qaybo ka mid ah. Iyagoo aad moodid inaysan xeerin cuna-qabatayn hub, abaaro ba’an iyo dhaqaale xumo iyo sicir-bararka dalka ka jira.
Intaas oo dhib oo jirta ayaa hadana lagu khasban yahay in gacana lagu dagaalamo, gacana dalka lagu dhiso. Hase ahaatee dagaal xeelad kama soo haro, dowladdu waa inay howshaan ka talo gelisaa ama kaashataa dadka khibradaha u leh la dagaalanka xagjirka, waa inay dhistaa guddi isku dhafan oo khubaro ciidan, cilmi-baariseed, diimeed, dhaqan iyo dhaqaaleba ka kooban si talooyin wax ku ool ah oo taabageli kara loo helo.
Gabagabo:
Kooxaha kaxjirka ah diintay ama hadafkay doonaanba haka duuleene ee caalamka ka dhismay, dhowr arrimood ayaa soo dedejiyay burburkooda, arimahaas oo qaarkood isku xidhan yihiin ama isa saamayn karaan.
1. Culays dibada uga yimaada: oo ah dagaal lagu qaado oo looga awood roonaado.
2. Kacdoon shacab: kaas oo sababa in shacabka iyo dowladu isku xidhmaan, sidaasna ay gabaad ku waayaan.
3. Khilaaf dhexdoodaa: Kacdoonkaas shacab waxaa kadhasha khilaaf iyo isqabqabsi ka dhex aloosma maamulka iyo madaxda kooxahaan, kaas oo sababa gacan ka hadal iyo inay iska gumaadaam hogaanka taasoo soo dedejisa burburkooda.
4. Dhaqaale daro: Iyo tan ugu danbaysa oo ah in ilaha dhaqaalaha lagala dagaalamo si ay u wiiqmato awoodoodu taasoo dhalisa inay isku dilaan waxa yar ee dhaqaale ah ee soo gala.
Dowlada maanta jirta ilaa ay xoojiso dhismaha ciidanka amniga, reform iyo dib u habayn ku samaysto oo dhisto garsoor iyo cadaalad la isku halayn karo, kaasoo laga dhaxli doono in dowladu sugto amniga bulshada iyo ganacsiga si markaasi ay bulshada iyo ganacsatadu ugu dhiiradaan inay diidaan baada kooxdani ka qaado, hadii kale, inta ciidan xoog leh, iyo garsoor iyo cadaalad la isku halayn karo ay maqan Tahay way adkaan doontaa in kooxdaan laga guulaysto.
Farah Aw-Osman
[email protected]