Luqmaan-Xakiim
Xuseen
Sunday April 23, 2023
Madaxweynaha
JFS Xasan Sh. Maxamuud markaa si wacan ugu fiirsato fariimhiisa oo dhan oo ay
ugu danbeeyeen kuwii Ciidul-Fitriga, waxaa ka muuqda dadaal fara badan uu
isleeyahay Soomaalida ku qanci dowladnimada, hadalo wanaagsan oo uu doonayo
inuu quluubta dadka ku gaaro. Dhinaca ficilka, wuxuu dagaal aan qorshihiisa iyo
dhamaadkiisa la saadaalin, kula jiraa argagaxiso arxan-daran, wuxuu muujinayaa
in uu musuq la dagaalamayo. Sidaas oo ay tahay, marka aad si barax-tiran ugu
kuura-gasho farriimaha iyo wada sheekaysiga dadka Soomaaliyeed ee dunida
daafaheeda jooga, waxaa si xaqiiqa kuugu baxaya, in aysan la dhacsaneyn oo rajjo kaqabin dowladiisa, warkiisa iyo
ficiladiisuna aysan dhaafi karin dhagahooda iyo indhahooda! Waa yaabe sababtu
maxay tahay? Madaxweynaha kuma yara dadaal, aftahanimo, daal iyo xuurteyn ka-muuqda,
soojeed badan, khudbado waano-bixin ah iyo cag-dhigid la’aan.
Shakhsiyadda
Nuureysa iyo midda Mugdiga aheyd ee Madaxweyne Nixon
Fajaca ay
arrintan leedahay, waxay ku xasuusineysaa qisadii Madaxweynihii Richard Nixon
ee xukunka USA ku guuleystay 1968, caankana ku noqday fadeexadii Watergate.
Dadku dhacdadaa ayay yaqaanaan, waxaase taas ka muhiimsan akhrinta shakhsiyadda
Nixon oo saldhig u aheyd fashilkiisa. Ray Price oo ahaa qoraha khudbooyinkiisa,
wuxuu yiri; Nixon wuxuu lahaa labo shakhsiyadood oo is-diidan. Nixon-nuuraya;
wuxuu ahaa aabe oo kale, muujinaya raxmad, daryeel, hadal wacan, waxqabad-doona
iyo inuu taariikh katago. Nixon-mugdi ah: wuxuu ahaa qof carreysan, u ooman aar-gudasho,
niyad-xun, gocasho-miiran, shakki-badan, waxna inuu dhaawaco doonaya. Waxaa
hadalkaa waafaqaya Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Henry Kissinger ee la yiraahdo
waa qofkii ugu fiirsashada wacnaa shakhsiyadda Madaxweynaha, oo yiri Nixon
wuxuu lahaa labo-shakhsiyadood oo uu kala yimid caruurnimadiisi iyo
dhaawacyadii kasoo gaaray halgankiisi siyaasadeed ee uu kursiga ku yimid.
Sida uu
Robert Greene qoray, Madaxweyne Nixon caruurnimadiisi wuxuu ahaa ilmo si
qeyrul-caadiya u oohin-badnaa, hiqleyn-badan, sasabidiisuna qaadaneysay
tamar-&-daal-badan. Waalidkiisuna way ku dhibsadeen, gaar ahaan aabihii oo
doonayay inuu noqdo wiil-adag oo isku filan iyo hooyadiis oo ka qaadi jirtay
murugo-&-madax xanuun badan oohintiisa. Taas oo sababtay inbadan in ay
dayaceen oo uusan helin jacelka ay ilmo-yari ubaahan yihiin. Dayacaadaas iyo
daciifnimadaas uu Nixon kusoo koray iyo isagoo doonayay inuu yeesho
shakhsiyad-adag, saameyn leh, wiil-waal ah, go’aan-adag, ayaa waxaa sameysmay labadaas
shakhsiyadood ee isku-qasan, isna-diidan,, aduunkana wuxuu ugu necbaa in loo
arko daciifa, sida uu Henry Kissinger yiri. Waagii uu Nixon xilka ku guuleystay
dowrkiisi labaad, wuxuu jeedin jiray khudbado fiican, wuxuu meelmariyay
sharciyo badan, laakin waxaa mar walba kusoo kacayay dhaawacyadii siyaasadeed
ee soo gaaray iyo dadkii bahdilay. Wuxuuna guda-galay sidii uu uga aar-gudan
lahaa, Alger Hiss oo kuyiri hadalo-quursi leh, Bobby Kennedy oo u geystay
dhaawacyo siyaasado-nijaas ah (political dirty tricks), wariyayaasha Danial
Schorr iyo Katharine Graham, oo laheyd Washington Post oo si shakhsi ah ula soo
dagaalamay. Si taas lamid ah, Larry O’Brien oo sabab u ahaa hadda kahor in
Nixon lagu sameeyo baaris. Yuhuudda oo uu cuqdad shakhsi ah ka qabay in aysan
daacad noqon karin. Ciil-qabkaas iyo dhaawacyadaas xanuunka badnaa, iyo ka
aargudashadooda, ayaa sababay in shakhsiyadiisi mugdiga aheyd ka tanbadato, quluubtii
dadkuna usoo jeedsan waayeen xagiisa, illaa markii danbe ay ku kaliftay fadeexadii
Watergate ee xukunkiisi udirtay Aakhiro, in ay ka dhigtay jiir shirqool loogu
dhigay qol-mugdiya.
Labada Shakhsiyadood
Ee Madaxweyne Xasan Sh.
Fahmidda
qisada Nixon 1973, waa mid aan la nool nahay 2023, gurigeena Soomaaliyeedna
kajirta. Madaxweyne Xasan Sh. waxaa soo maray dhaawacyo siyaasadeed iyo bahdil
noocyo badan, sida xukunkiisi hore bahdiladii fooshaxumaa ee Faroole iyo jabkii
dhisidda Jubbaland. Tartankii 2017 iyo habeenkii SYL ee xildhibaanadu ka cuneen
lacagtii ugu badneyd abid, kadibna khiyaameen oo saameyn darran ku yeelatay. Kadibna,
bahdillo isdaba-yaalay, aan ka xusi karno iska-indho-tirid inuu ahaa nin
Madaxweyne soo ahaa oo maamus-&-talo weydiin mudnaa, diyaaradiisa hawo
kasoo celin, mushahaar ka goosasho, cayayaan-ku kicin, waddo-kaxirasho, ku
weerarid hoteelkiisa - khalkhal gelisay naftiisa iyo siyaasado-nijaasa ah oo xanuun
badan oo aysan dadku lawada socon. Arrimahaas waxay sedex noocba u geysteen
dhaawacyo siyaasadeed oo aad iyo aad u qotto-dheer (deep wounds): 1) In
Madaxweyne ahaan loo bahdilay, markuu xilka ka dageyna loo maamuusin 2) In
aqoonyahan (academic) ahaan loo bahdilay. 3) In magaaladiisi iyo xaafadiisi
lagu bahdilay. Dhacdooyinkan isku darkooda waxay soo saareen
shakhsiyadiisa-mugdiga aheyd ee sababtay inuu hub-qaato, kuhadlo hadalo aanan
laga fileyn, kana soo muuqdo goobo aanan ku habooneyn nin dal soo xukumay,
doonayana inuu sii xukumo, waxayna galeen xusuus iyo taariikh aan la tirtiri
karin.
MW. Xasan,
markuu xukunka kusoo noqday 15 Maajo 2022, waxaa kusii xoogeystay dhaawacyadii xanuunka-badnaa
iyo sidii Nixon inuu ka aargutto rajiimkii ka horeeyay iyo wixii la halmaala ee
dhiiqooyinka lugaha usoo geliyay. Wuxuu qaaday tallaabooyin badan oo
caasho-magarato ah. Waxaan kaxusi karnaa inuu kuraas kahor istaagay, shuruucdoodi
baaba’shay, dadkii ay jagooyinka karifeen, dib ugu rakibay, kuwii iyagu
magacaabeen xilalka ka qaaday, taageerayaashoodi cagta mariyay. Cid walba oo uu
kaga shakiyana iska fogeeyo, albaabada xirto, lana yimaado habdhaqan lamid ah
midkii ay rajiimkii hore ku haysay dadka iyo dalka oo ah waxba uma joojino,
wiil-waallo ciil-qaba oo aargudanaya ayaanu nahay! Madaxweynuhu waa ka
aftahansan yahay madaxweynihii hore, haddana hadaladiisa iyo ficiladiisa ka
tarjumayaan ciil iyo caro aan xad laheyn. Waxayna caddeyn u yihiin in sidii
Nixon, Xasanka-mugdiga ah ka tanbatay Xasanka-nuuraya. Sidaa awgeedna, uusan
Ilaahay tawfiiqda waafajin, dowladiisana looga niyad jabay oo aysan jirin cid
rajjo ka qabta, waayo niyadda-xumi waxay qofka ka tuurtaa bohol fog sidii
wiilkii Nabi Nuux cs ( إِنَّهُ عَمَلٌ غَيْرُ صَالِحٍ
). Wuxuu MW Xasan u muuqdaa sidii Nixon inuu xukunkiisa la aadayo Aakhiro,
guriga Soomaaliyeedna gubi doono.
Ciilka
Iyo Aarsgudashadu Wuu Wada Haystaa Madaxda
Cilladan
haysata MW Xasan Sh. waxay haysatay Madaxweynihii hore M. Farmaajo iyo
kaaliyihiisi siyaasadeed oo lahaayeen 2-shakhsiyadood oo is-diidan mid nuuraysa
oo banaanka la keeni jiray iyo mid mugdi ah oo ay labadooduba ka keeneen
korriinkii caruurnimadooda iyo jababkii iyo bahdiladii siyaasadeed ee kasoo
maray Ra’iisul Wasaarnimadii 2010-kii iyo dhisidii MW Xasan Sh. 2012. Waxay
arrimahn ku reebeen cuqdad ay ka mideysnaayeen, sababna u aheyd in ay udhaqmaan
sidii ay udhaqmayeen mudadii udhaxaysay 2017-2022, taas oo xukunka iyo
xildhibaanimada dhaafisay. Dadka aanan aqoon ayaa u-ooya, laakin waxaa hubaala,
haddii xukunka ay kusoo noqdaan, in ay u dhaqmi doonaan sidii ay u dhaqmayeen
si ka foolxun {وَلَوْ رُدُّوا لَعادُوا لِما نُهُوا
عَنْهُ}, waayo shakhsiyadda mugdiga ee ku abuuran ayaa ka tan badan,
haddana lama aamusna kheyr ee dowladii ay ilaalin jireen masaalixdeeda ayaa
siisay hooy iyo hugaal iyaga iyo caruurtooda. Sidaas waxaa la mid ah RW hore
Xasan Kheyre, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland (Dani
iyo Madoobe) oo dagaalkii ay NN la gashay doorashooyinkoodi, iyo 7-dii daqiiqo,
sababay dagaal joogta ah illaa ay u tafaxeeteen aargudasho kusoo afjarmtay 15
May 2022. Waxaa lamid ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ciilka iyo carrada
uu uqabo ragga xukunka ku haysta, gelisay dhiiqada dagaalka Laascaanood. Isku
soo duuboo, madaxdaan oo dhan, shakhsiyadahooda mugdigaa ayaa ka tanbadan,
waana midda xukunka wada dhaafin doonta. Waxaa xaqiiqa kuwo kale oo aan xukunka
wali nasiib u yeelan ee gocda in guryahoodi loogu dhacay, in ay ciil faruuryaha
is-jarayaan, hadday kursiga gaari lahaayeena, wiil-waallo aar-gutta noqon
lahaayeen. Dhamaantood qoraallo gooni-gooni ah oo aan laheyn caadifad iyo nin
jeclaysi ayaan kasoo wadaa.
Dantaada
iyo Danta Caruurtaada Mise Dad Fashil Loogu Dhigay Looxul-Maxfuudka?
Haddaba,
waa su’aalo malaayiin doollar joogee, ma aargudashada iyo ciil-qabka ayaa dadka
qaarkii indho-tira markii ay xukunka helaan? Insaan walba waa leeyahay dhinac
mugdi ah, laakin markii aad gacan sarreyso, waxa lagaa filayo oo quluubta dadka
ku jeclaysiinaya waa cafis-iyo-saamix. Nabi Muxamed scw, markii uu Qureysh ka
adkaaday wuxuu kuyiri; cafis ayaad tihiin, balse raggii dagaalada usoo
abaabulayay sida Abuu Sufyaan rc ayaa la sharfay oo qofkii gurigiisa gala waa
aamin layiri. Haduu Nabiga scw maalinta uu Qureysh ka aar-gudan lahaa waxay u
geysteen 20 sano, ma isleedahay dowlad ayaa u cago dhigan laheyd ama diin ayaa
sidan ufaafi laheyd? Madaxweyne Nelson Mandella, markii xabsiga laga soo
daayay, haduu aargudan lahaa, ma isleedahay South Afrikada ugu horreysa
qaaraddan, ayay dadkaa madow ku gacan sarreyn lahaayeen, isaguna dunida ka
noqon lahaa shakhsi laga xuso, lagana ixtiraamo qowmiyad iyo diin walba? Haddii
Paul Kagama, uu huf kadhigi lahaa dadka Hutu-ga, maanta Rwanda mala oran lahaa
dal horumarsan oo kuyaala qaarad khaldan, isaguse, ma heli lahaa xushmadda iyo
magaca uu dunida ku haysto? Waan tixi karnaa madaxda dunida uga tagey ama
kujooga xushmad iyo taariikh oo sabab u tahay in ay xakameeyeen
shakhsiyadooda-mugdiga aheyd iyo inta aanan la xusin ama la xusay oo bilcaksi
sabab u tahay. Sidaa awgeed, Farmaajo
dowladiisu faashil ayay aheyd, Xasanna xukunkiisu fashil ayuu ku dhamaan, kuwa
gobolada haystana waa la mid, ama jeclow ama necbow ama ehelnimo haku
xanuujiso, laakiin taariikhdu ehel ma taqaan, mana xusuusan doonto, cirka iyo
dhulkana loogama ooyi doono, wanaagna loogama xusi doono, waa sunno-kowni iyo
Rabbaani ah, waayo waxaa ka tan badan shakhsiyaadkooda madow ee gundhigga u ah
fashilkooda.
Waxaan kusoo
afjarayaa, su’aalo aan uga tageyo qof walba oo Soomaali ah, ka weyn 16 jir,
caqlina leh, oo aysan caadifadi ka tan badan: Waayo madax noogu noqdaan mar
walba dad ay ka tan badan tahay shakhsiyadooda mugdigaa? Waayo’se u kala taageeraynaa dad isku mid ah
oo aan xakameyn karin shakhsiyaadkooda mugdiga ah? Mase u maleynasaa
Soomaaliyada aan u wada ooyeeynu in ay dhisi karaan oo dib u nooleen karaan dad
isku wada carreysan oo kala aarsanaya? Maxayse maslaxad ugu jirtaa adiga, ubad
kaaga, jiil kaaga iyo qarnigan aad nooshahay, adigoo isku mashquulin odey-qabiileed,
kuu ahaa awoow hore oo aan adna ku aqoon, qabrigiisana kaasoo xuseyn ama jiilal
danbe oo la noolaan doona mushkilaad aan maanta adiga ku haysan, dunideenana
kajirin? Ma waxay kula tahay, inaad raacato danahaaga, mise dan shakhsi-mugdi
uu Ilaahay fashil ugu qoray Looxul-Maxfuudka? Jawaabahaaga, iigu soo dir
emailka hoose.
Luqmaan-Xakiim
Xuseen
[email protected]