Waxaa soo Diyaariyey
Hon. Mohamed
Hussein Hadi
La Taliyahii hore ee Madaxweynaha DFS ee
Dhallinyarada & Isboortiga, ahna Khabiir Isboort 14.09.2022
BAAHIDA LOO QABO IN
ISBADEL SIYAASADEED LAGU SAMEEYO
ISBOORTIGA & DHALLINYARADA
SOOMAALIYEED
Isboortiga waxaa loo yaqaana wax
kastaoo ku taxaluqa dhaq-dhaqaaqa jidhka, mid habaysan oo laga qayb galo iyo
mid wax kataraya fayoobida jidhka iyo maskaxdaba, is-dhexgal iyo isbarashana ka
dhex abuura dadka ku kulma goobaha lagu tartamo nooc kasta oo ay yihiin.
Isboortigu waa dhaqan bulshadeed kana madaxbanaan loolanka siyaasadeed.
Bulshooyinka danyarta ah waqti badan ayey ka qaadataa horumarinta Isboortigu.
Ummadaha saboolnimada iyo dagaaladu ku badan yihiin way ku adag tahay in ay
himilooyinkooda tiigsadaan. Hasayeeshee, Isboortis habaysan oo la jaangooyo,
loona helo dhaqaale bilowga hore lagu maal galiyo, ayaa lagaga bixi karaa
duruufaha qalafsan ee hortaagan hirgalintiisa. Waxaan aaminsanahay in
Isboortigu uu yahay waxa kali ah ee bulshadeena lagu qiyaaso 75% inay
Dhallinyaro yihiin Isboortigu uu kala dagaalami karo, wax kasta oo bani-aadamka
maskaxdiisa iyo jidhkiisaba badeli kara. “MASAKAX
FAYOW AYAA LAGA HELAA JIDH FAYOW”
Waxa marag ma doonta ah in dhallinyarada
Soomaaliyeed ay ka buuxaan qaar badan oo isboortiga aad ugu fiican, oo aan
helin fursad ay ku soo bandhigaan hibada Alle siiyey, khaasahaan Cayaaraha
Fudud (Track & Field), Dabaasha, kubdda Miiska, Tenniska dheer, Kubadda
Cagta & Koleygaba iwm…
Wadamada horay u maray, waxay
isboortiga u arkaan hubka lagula dagaalamo anshax xumada & fasahaadka
dhallinyarada soo koreysa ku habsaday oo mustaqbalkooda curyaamiyey. Taasina
wadankeena waxay kahirgashay waqtii Dawladdii Kacaanku wadanka ay maamulaysay,
khaasahaan 12kii sanno ee u horeeye 1969-1981. Waxa siweyn loogu baahanyahay in
arrimahan soo socda fiirogaar ah loo yeesho sidii kor loogu qaadi lahaa ama loo
taabbo gelin lahaa, ayadoo ku dayasho mudan laga dhiganayo waqtigaas 12ka
saano, waxaana mudadaas suurtagalay arrimaha soosocda:
- AQOONTA
ISBOORTIGA OO SARE LOO QAADAY (Akademiyada Cilmiga sboortiga &
Kuliyadii Lafoole oo lagu daray faculty of Sports & Physical
Education.
- MACHADKA
DHISMAHA JIRKA oo lagu soo saaro cayaartooydii Qaranak ku masili lahayd
Isboortiga kala duwan.
- ISBOORTIGA
DADWEYNAHA oo la dhiirigeliyo, sida tartanada Bulshaweynta, ardayda
Dugsiyada heer dugsiyada hoose ilaa Jaamacadeed,Ciidamada heer degmo illaa
heer Gobol oo la joogteeyey
- ISBOORTIGA
NAADIYADA oo heer Gobollo & Degmooyin (Seria A, B and C)
- ISBOORTIGA
HEER QARAN & MID CAALAMI AH oo heer sare la gaadhsiiyo taasina ay
suurta galiso in si joogta ah looga qayb galo isboortiga Dibedda iyo kuwa
badan oo waddankeena lagu martigalinayo.
1.
In mudnaanta kowaad la siiyo dhallinyarada Soomaaliyeedee
75% ka ah ummaadda Soomaaliyeed, taasoo ah in la xoojiyo Waxbarashadooda iyo
dhismaha jirkooda & maskaxdooda.
2.
In Manhajka waxbarashada ee
heer Dugsi hoose ilaa heer Jaamacadeed oo ay diyaar yihiin maqararkooda la
dhaqan geliyo.
3. In la joogteeyo
tartamadii gudaha & dibeddaba lagaga qayb galayey Isboortiga kala duwan & Shirarka
dhallinyarada.
4. In qorshe gaaban &
mid dheerba loo sameeyo
hirgalinta ujeeddooyinka loo igmaday Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga.
5.
In
Dayactir u baahan ilaa US$3million lagu sameeyo Garoonka weyn ee Muqdisho
Stadium oo la sameeyey 20% iyo Tuulada Isboortiga oo horey aan ugu qabanayey
Tartanadii ay ka soo qayb galeen 21 Dawladood oo Carbeed, cayaartooy gaareysa
2800 ay ka soo qayb galeen bishii Sept 1979kii. Dayactirkaasna waxaa u diyaar
ah laba Shirkadood oo kala ah Hoggaanka Dhismaha ee Booliska Soomaaliyeed iyo
shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga waa haddii aan isku tashanayno, haddii kale
eeg qodobka soo socda farqadiisa 4aad.
1.
Diyaargaraynta dadkii ujeeddooyinkaas
fulin lahaa
- Tabaridda
Maamulayaasha, Garsoorayaasha & Tababarayaasha isboortiga kala duwan.
- Isboorts
tayo iyo tiroba leh sidii loo soo saari lahaa
- Dawladda
Federaalka Soomaaliya oo dayactir ku sameeysa Garoomadii hore, iyo kuwa
cusubna sidii loo samayn lahaa ayadoo lala kaashanayo Dawladaha aynu
saaxiibada nahay oo kuwii hore ee aan dhisnay 1979kii aanu ka soo qaadnay
lacagtii lagu dhisay Tuullada Isboortiga, marka laga reebo Stadiyo
Muqdisho oo Dawladda Shiinuhu inoo dhistay 1977kii.
- Olole
horumarin Isboort iyo mid dayactireedba sidii loo samayn lahaa oo looga
dhigi lahaa mid heer Qaran ah oo ay ka qayb galaan madaxda heer Qaran
ilaa dadweynaha. “OLOLAHA
HORUMARINTA ISBOORTIGA.
- Tirakoob
lagu sameeyo ciyaartooyda wanaagsan ee QURBA JOOGTA.
- Dhiirigelin
joogta ah sidii loo diyaarin lahaa kooxo heer Qaran oo cayaaraha kala
duwan inooga qayb gala Gudaha & Dibeddaba, ayadoo waqti munaasib ah
la galiyo tababaradooda iyo diyaar garayntoodaba, si ay u keenaan GUULO
la taaban karo.
Waxa ay UNESCO ku guulaysatay inay
miisaaniyad aad u balaaran UN(tu) ku siiso la dagaalanka ubadka lagu
shaqaysanayo ee loo isticmaalayo, argagaxisanimo, dagaalada sokeeye, ama
mukhadaraadka iyo waxa la mid ah.
Taasina maanta adduunka kama qarsoona waxa Soomaaliya ka taagan,
inkastoo hadda ay ka soo fiicnaanayso, khaas ah magaalada Muqdisho. Waxa hubaal
ah, haddii aynu arrimaha kor ku xusan u habayno qaab mashruuceed (Sports Development Project), daba gal
fiicanna lagu sameeyo, in Ilaahay idankii wax badan ay ka suurtageli karto
Inshaa Allaah. Isboortigana, loo
isticmaalo hubka keliya ee nabad ku soo celin kara waddankeenna hooyo, haddii
daacadnimo iyo isku kalsoonaan wadajireed wax loo wada qabto.
“Waxaa yaraatay aqoontii iyo
wayo-aragnimadii howl-wadeenadii Isboortiga, taasoo maanta dadka faraha ku
hayaa inay habayaraatee aanay lahayn aqoontii iyo farsamadii lagu maamulilahaa
Isboortiga”. Waayahan
dambe waxaa adduunyada oo dhan ay ku baraarugtay ahmiyadda isboortiga uu u
leeyahay guud ahaan mujtamaca gaar ahaanna muwaadin kasta. Aqoon yahanada
caalamka waxa ay ogaadeen in faa’iidooyinka isboortiga laga helo ay aad uga
ballaaran yihiin: Ciyaar & madadaalo, waxa ay xaqiijiyeen in isboortiga uu
yahay aqoon farsamaysan oo cilmi ahaan loo barto:
1. Mid dhallin kara dhaqaale
faro badan oo aan canshuur ahayn
2. Mid kor u qaada
caafimaadka muwaadiniinta oo looga hor tago cuduro badan oo maanta
mujtamaceenna ku batay, oo waa tii hore loo yiri: “caqli fiyow wuxuu ku jiraa jir fiyow”
3. Mid qayb libaax ka qaata
nabadda & la dagaalanka qaadka & qabyaaladda. Isboortigu waxaa ka dhasha isdhexgalka
bulshada dalka ku wada nool, wuxuuna la dagaalamaa dhammaan anshaxa xun.
4. Wuxuu maareeyaa waqtiyada
dhallinyarada soo koreysa oo uu dhismo maskaxeed iyo jireedba siiyaa.
5. Wuxuu wadajir ka dhex
abuuraa dhiirigeliyayaasha Isboortiga.
6. Wuxuu isbadel weyn ku
sameeya, kobcin dhaqaalena u sameeyaa bulshada Soomaaliyeed oo noqda dadka ka
faaideysta u adeegga dadka maamulayaa, cayaaraya ama daawashada u tagaya
garoomada lagu qabanayo cayaaraha.
Iyaga
oo qiraya doorka muhiimka ah ee uu isboortiga ka ciyaaro horumarka
bulshooyinka, Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska, iyo
Dhaqanka ee (UNESCO) waxa ay qoreen: “Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo
tababarka jirka iyo isboortiga kuwaas oo muhiim u ah horumarka shakhsiga ah.
Sidaas darteed tababarka jirka iyo isboortiga waa in lagu daraa manhajka &
nidaamka waxbarasho iyo qaybaha kale ee nolosha mujtama guud ahaan.
2.
Caqabadaha
hortaagan Isboortiga Soomaaliyeed
Caqabadda
ugu wayn ee haysata isboortiska Soomaaliyeed:
1. Waa aqoon darrada & tayo xumida maamulka
Saree e hoggaaminta Wasaaradda, maamulayaasha isboorts ee Naadiyada ilaa heer
tuullo , tababarayaasha, garsoorayaasha & hawl wadeenada isboortiga
Soomaaliyeed.
2. Waxaa ka mid ah amni
darrada wadankeena ka jirta.
3. Wada shaqayn la’aanta ka
dhex jirta GOS, Xiriirada Soomaaliyeed ee cayaaraha kala duwan, & waliba
hay’daha Isboortiga ee dawladda, maadaama aysan jirin hab qoraal ah oo cad oo
ay ku wada shaqeeyaan.
4. Ansixinta iyo hirgalina
Siyaasadda Isboortiga ee Qaranka Soomaaliyeed (SIQS) oo aan diyaarinay aniga
iyo Prof. Musse Mohamed Nasir oo u baahan in la horgeeyo Golaha Wasiirada si
loo ansixiyo.
5. Waa in Dugsiyada Hoose,dhexe,
Sare & Jaamacadahaba laga hirgaliyaa maadadii Physical Education oo ay
manhajka ka mid noqotaa ayadoo loo tababarayo macallimiintii hirgalin lahaa,
kaasina aan qorney oo la daabacay Grade 1-12.
6. Waa in tabaabusho dheer
loo sameeyaa cayaartooyda heer Qaran ee waddanka magaciisa kaga qayb galaya
tartamada Caalamiga ah.
7. Waxaa lagu guul daraystay in isboortiga loo
qoondeeeyo dhaqaale loogu talo galay, ama inta loo hayo si habsami ah oo Alle
ka cabsi ah loo maamulaa.
8. In la helo aqoonyahano ku
takhasusay cilmiga isboortiga, sida dawaynta ciyaartoyda iyo tababarayaasha,
nafaqaynta ciyaartoyda, iwm.
9. In la nidaamyo cusub oo
lagu maalgelinayo horumarinta isboortiga Soomaaliyeed (Innovative Fundraising
for sports Development).
10. In la dhamaystiro fulinta
& hirgalinta Qorshaha Siyaasadda Isboortiga ee Qaranka Soomaaliyeed (SIQS)
ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS). Waa in la diyaariyo lana fuliyo
daraasado cilmibaaris ah oo lagu ogaanaayo xaaladda hoose ee uu ku sugan yahay
isboortiga dalka iyo baahida horumarineed ee ka jirta dalka.
11. Waa in ahmiyad xoog leh
la siiyaa sidii ay dadku si cadaalad ku jirto uga qayb qaadan lahaayeen
barnaamijyada isboortiga.
3. Hiigsasho
Waxaan
hiigsanaynaa in Isboortiga Soomaaliyeed uu noqdo mid u qaabaysan sida Isboortiga
dalalka adduunka ee hore u maray oo aan u adeegsano la dagaalanka anshax aan
hagaagsanayn, dhaqan xumada & fasahaadka dhallinyarada soo koraysa
ragaadiyey, ee mustaqbalkooda saameeyey, maadaama dhallinyaradu ay yihiin
mustaqbalka dalkeena.
4. Istraatiijooyinka
lagu gaari karo Hiigsashada
In
la hagaajiyo habka maamulka iyo fulinta isboortiga iyo ciyaaraha guud ahaan, si
loo xaqiijiyo in si caddaalad ay ku jirto looga wada qayb galo ciyaaraha, isla
markaasna wixii ka soo baxa si siman looga wada faa’idaysto. Haddaba si arrimahaas loo gaaro waa in la
raaco Istraatiijiyadda hoos ku qoran:
1. In la hawl geliyo,
hormuudna laga dhigo dadka Soomaaliyeed ee aqoonta Jaamacadeed u leh guud ahaan
Isboortiga (Sports & Recreetion Academics), si loo hubiyo in muddo kooban
lagu horumariyo isboortiska Soomaaliyeed iyada oo aqoonta casriga ah la
adeegsanayo.
2. In la helo Soomaali tiro
badan oo mujtamaca qaybahiisa kala duwan ka kooban oo heer kasta iyo nooc kasta
uga qayb gala ciyaaraha isboortiga ee lagu tartamo (Sports Games) iyo kuwa aan
lagu tartaminba (Recreational Games).
3. Horyaalka dalku waa in uu
noqdaa sanadle soconaya 8 - 9 bilood, oo waa in laga gudbaa tartanka caasimadda
oo kaliya ku kooban oo loo gudbaa tartan magaalooyinka dalka oo dhan ay ka qayb
galaan iyaga oo heerar kala duwan loo qaybinayo (Naadiyo magaca Gobolka ama
Degmada waa ina la dhisaa oo laga gudbaa naadi ku sheegyada caasimadda kaliya
ku sugan oo aan xiisaba lahayn).
5. Mabaadi'da
Hagaysa Isboortiga
Isboortiga
waa in uu ahaadaa ficil laga qaado farxad iyo rayan rayn, lana oggolaado guusha
& guul darrada oo lala yimaado ciyaartoynimo dhab ah (Sportsmanship):
1. Isboortigu waa in uu ahaado mid ku dhisan
is-ixtiraam iyo caddaalad, oo waa in laga fogaado xanaaqa, aflagaadada,
dagaalka & is waxyeelaynta.
2. Isboortiga kobcinta jirka
& maskaxda qofka ka sokow waa in lagu horumariyaa shaqsiyadda qofka
(Personal Development).
3. Isboortiga waa in uu
noqdaa mid lagu barbaariyo akhlaaqda, waddaniyadda, kartida, hufnaanta,
wadajirka & waxqabadka da’yarta Soomaaliyeed oo mustaqbalka noqon doona
kuwa dalka hoggaamiya dhibaatadana ka saara.
4. Isboortiga waa in uu qayb
wayn ka qaataa horumarinta guud ahaan bulshada, waana in la gaarsiiyo
wasaaradaha, iskuulaadka, jaamacadaha, Ciidamada iyo xarumaha dawladdaha hoose.
5. Isboortiga wuxuu
dhiirageliyaa in la hiigsado gaaridda natiijooyin sare oo caalami ah, waana
muraayadda laga arki karo horumarka uu dal walba gaaray.
6. Isboortiga waa in uu
noqdaa mid u adeegaya danta guud, waana in loo adeegsado horumarinta
caafimaadka shakhsiga & tan mujtamacaba.
Haddii taas la helana waxaa Qaranka Soomaaliyeed u baaqan kara kharash
badan oo ku baxa guud ahaan caafimaadka.
7. Isboortiga
waa mideeye. Nidaamka isboortiga wuxuu faa’iido u yahay isku xirka qaranka
oo dhan, iyo bulsho ka fayow fasahaadka iyo xagjirnimada.
Qaran Guulaysta
Qarankeenu
si uu u noqdo mid tartamada caalamiga ah ka soo hooya guulo waxaa lagu gaari
karaa iyada oo la fuliyo istraatijiyooyinka soo socdo:
1. Si gaar ah gobolka Bariga
Africa waxa uu caan ku yahay ciyaartooyda caalamiga ah ee ciyaraha Fudud,
sidaas darteed annaga oo ka faa’iidaysnayna arrinkaas waa in ahmiyad khaas ah
siinaa dhiiri gelinta cayaaraha keli kelida ah sida ciyaaraha fudud, Kubadda
Miiska, Tenniska dheer, Dabaasha, Lagdanka iwm. Isla markaana la sameeyo
barnaamij heer qaran ah oo lagu abaal marinayo ciyaartooyda ku guulaysta
tartamadaas. Tusaale:
2. In loo abuuro ciyaartoyda
guud ahaan barnaamijyo lagu taageerayo, laguna kobcinayo xirfaddooda.
3. In loo abuuro
tababarayaasha, garsoorayaasha & macalimiinta tababaridda jirka (Physical
Education), barnaamijyo sare loogu qaadayo aqoontooda.
4. In loo abuuro tartamo
joogta ah oo lagu qabto waddanka gudihiisa.
5. In ciyaartooyda xirfadda
sare leh loo abuuro fursado looga qayb galinayo tartamada caalamiga ah.
6. In la dhiiri geliyo sidii
ciyaartooyda Soomaaliyeed ee qurba joogta ah looga faaiidaysan lahaa Qaran
ahaan, maadaama ay ka badbaadeen caqabadihii dagaalkii sokeeye ee ku habsaday
dhallinyarada ku nool dalka gudihiisa.
7. Waxaa kale oo loo baahan
yahay in sare loo qaado heerkii ay Soomaaliya ay ku lahayd isboortiga waddamada
caalamka, khaas ahaan Cayaaraha Fudud iyo Kubadda Koleyga.
7. In la abuuro
Jawi dhiirigeliya horumarinta Isboortiga
Si
loo helo qaran ay ummadiisu firfircoonaato isla markaasna soo hoyso guulo faro
badan, waxaa lama huraan ah in la abuuro jawi suurta gelinaya in la gaaro
hiigsigaas. Jawiga suurta gelinaayo hiigsigaasna waxaa lagu heli karaa iyada oo
la fuliyo istraatijiyooyinka soo socdo:
1. In la helo garoomo
isboorti oo tiro iyo tayo ahaan ku filan ummadda, isla markaasna loo hagarbaxo
dayactirkooda.
2. In la abuuro sarena loo
qaado fursadaha dhiiri gelinaya ka qayb qaadashada isboortiga, sida abuurista
iyo isku xirka naadiyada isboortiga ee laga dhiso dhammaan 18kii Gobol ee
waddankeenu ka koobnaa.
3. Sare u qaadid awooda
dadka sida tabaruca ah ugu adeega danaha isboortiga.
4. In laga faaiidaysto
xiriirada beesha caalamka, sida xiriir lala sameeyo Xafiiska u Qaabilsan
Isboortiga lagu gaaro Horumar iyo Nabad ee Qaramada Midoobay (UNOSDP).
5. In la helo loona maamulo
si hufan dhaqaalaha isboortiga, qoonda % dhaqaalena laga siiyo Naadiyada,
garsoorayaasha iyo xiriirada maamulayaba.
6. In laga mira dhaliyo
faaiidooyinka iyo saamaynta ay leeyihiin aaladaha warbaahinta, si loogu
adeegsado horumarinta isboortiga.
7. In laga mira dhaliyo
faaiidooyinka iyo saamaynta ay leeyihiin hay’adaha ganacsiga ee lagu xayeesiiyo
goobaha lagu qabto tartamada isboortiga, si loogu adeegsado horumarinta
isboortiga.
7. Gunaanad iyo
Talo-Bixin
Ugu
dambayntii, si guul looga gaaro qorshe siyaasadeedka isboortiga, oo ku salaysan
Hiigsiga ah:
1. In la helo Qaran dadkiisu
ee ay maskax & jir caafimaad qaba leeyihiin. Qaran Soomaaliyeed oo dadkiisu
ay firfircoon yihiin, isla markaana kartidooda tartan ee isboort ay aad u
sarayso.
2. In la helo qaran
Isboortiska loo dhan yahay (Sports for all) oo si joogto ay u kordhayaan tirada
dadka ka qayb qaata ciyaaraha kala duwan ee isboortiga.
3. In AHMIYADDA 1aad la
siiyo dhiirgelinta cayaaraha kelikelida ah.
4. Qaran qaddarin sare ku
leh caalamka dhexdiisa oo ciyaartoydiisu guulo badan ka soo hoyaan tartamada
caalamka.
Haddaba,
si arrinkaas kor ku xusan loo xaqiijiyo, waxaa lama huraan in si hagar la’aan
ah loo fuliyo tallaabooyinka hoos ku taxan:
1. In si cad oo aan mugdi ku
jirin loo fahmo in Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga (WDhI) ay tahay
hay’adda ugu sarreeysa wadanka ee u xil saran siyaasadda lagu maaraynayo
Dhallinyarada & Isboortiga.
2. In wadatashi buuxa lala
sameeyo haya’daha dawliga ah iyo kuwa madaniga ah oo ay khusayso arrimaha
isboortiga iyo dhallinyarada, si ay u fududaato wada shaqaynta iyo ka miro
dhallinta qorshaha fog ee siyaasadeedka isboortiga oo ah in isboortiga qayb
libaax ka qaato horumarinta amniga iyo dhaqaalaha dalka.
3.
In
ay Wasaaraddu xaqiijiso in qorshooyinka iyo ficilada lagu horumarinaayo
isboortiga iyo dhallinyarada aan lagu koobin magaalooyinka keliya, oo la
gaarsiiyo tuulooyinka iyo baadiyaha oo dhan.
FIIRO GAAR AH;
Waxaan
ku kalsoonahay madaxad Saree e Madaxweyne, Raisal Wasaare, ku xigeen iyo la
Taliye Raisal Wasaare xagga arrimaha Bulshada inaad tallooyinkaas aad si
habsami ah u eegi doontaan, ayadoo aan diyaar u ahay inaan iska aragno haddii
aad faah faahin dheeraad ah aad u baahan tihiin.
Wa
Bilaahi Tawfiiq.