Dr. Maxamud M Culusow
Tuesday June 13, 2023
Go’aammadii Shirkii 6aad
ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee 27 Maajo 2023 waxaa ka dhashay doodo
kulul oo isugu jira soo dhoweyn, taagero iyo dhalliilo baraha bulshada qabsaday.
Waa la soo dhoweeyay go’aanka ka guurista doorashada 4.5 loona guurayo
doorashada Qof iyo Cod (Q&C) iyo doorashada Q&C ee Degmooyinka Gobolka
Benadir, go’aankaasoo waafaqsan dastuurka kmg sida ku cad qodobka 22 ee ku
saabsan xaqa ka qaybgalka siyaasadda, qodobka 46 ee ku saabsan awoodda
shacabka, iyo qodobka 47 ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada.
Waxaase la dhalliilay
go’ammada la xiriira (1) kordhinta muddo xileedka Madaxweynayaasha iyo
Barlamannada Dowladda Federaalka (DF) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaaalka/Dowlad Goboleedyada (DXDF/DG), (2) xadidaada tirada xisbiyada oo
laga dhigay labo keli ah, (3) beddelka nidaamka siyaasadeed ee Dowladda
Federaalka oo laga dhigay nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku Xigeen dadweynuhu
toos u dooranayaan, iyo (4) go’aan ka gaaris la’aanta Ismaamulka Madaxabannaan
ee Gobolka Benadir oo xubin ka ah dowladda federaalka, habka doorashada
xildhibannada matalaya dadka iyo deeganka Waqooyi Galbed (Somaliland), iyo qoondada haweenka, kuwaasoo shaki geliyay
hirgelinta go’aanka doorashada Q&C.
Qodobbadaas waxay
khuseeyaan dastuurka kmg oo dhammeystirkiisu yahay qodob ka mid ah saddexda
qodob ee Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud u ah
bartilmaameedka kowaad. Labada qodob kale waxay kala yihiin dhammeystirka
barnaamijka deyn cafinta iyo ciribtirka khawaarijta (Al Shabab) si looga
kaaftoomo ku tiirsanaanta Ciidammada Shisheeye ee ATMIS, walow walaac laga qabo
bixitaankooda dhammadka 2024.
Muddo lix (6) bilood ka
hor, guuxa dadweynaha wuxuu saadaalinayay qodobka muddo kordhinta, kaaso
dhiillo iyo welwel badan laga qabay waayo Shacabka Soomaaliyeed wuxuu xusuusan
yahay dhibaatooyinka ka dhashay muddo kordhinnadii DF iyo DG soo maray.
Soomaaliya waxay soo martay shan (5) sano oo ku dhaqanka sharciga iyo maamul
wanaagga dowladeed dariishada laga tuuray, taaso dhalisay dagaal aad u
dhaawacay dowladnimada Soomaaliya waayo waxaa dagaalammay Ciidammadii Dowladda
Federaalka.
Sababaha la sheegayo in
muddo kordhinta iyo beddelka qaab dhismeedka Dowladda Federaalka loogu baahan
yahay waxaa ka mid ah:
1) In waqtiyada kala
duwan ee doorashooyinka Barlamaannada iyo Madaxweynayaasha DG ay dhibaatoo ku
yihiin siyaasadda, maamulka iyo dhaqaalaha dalka, loona baahan yahay mideynta
xilliga doorashooyinka DG iyo Dowladaha Hoose;
2) In Madaxda Dowladda
Federaalka iyo DXDF ay helaan waqti dheer ay uga wada shaqeeyaan ciribtirka
khawaarijka (Al Shabab), dhammeystirka dastuurka, iyo diyaarinta doorashada
Q&C.
3) In la is waafajiyo
qaab dhismeedka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayadoo
Madaxweynayaasha DG ay yihiin Madaxda Golahayaasha Wasiirrada. Maamullada DG
waxaa lagu eedeynaya inay caqabad ku yihiin midnimada iyo dowladnimada
Soomaaliya.
Nasiib darro, go’ammada
shirka 6aad ee GWQ waxay abuureen khilaafaad heer federal iyo heer DG-yo, waayo
qodobka muddo kordhinta waxaa loo arkaa beec dhacay oo ka noqosho laheyn.
Khilaafaadkaas wuxuu carqalateynayaa halkudhegga Madaxweyne Xassan Sheikh oo ah
“Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah.” Waxaa muuqata in
Madaxweynayaasha DG aysan si niyad iyo ficil ah u taagersaneyn halkudhegga
Madaxweynaha DF.
Arrimaha
laga milicsan karo Warmurtiyeedka iyo Heshiiska Doorashooyinka GWQ waxaa ka mid
ah:
1. In Madaxweyne Dr. Xassan Sheikh Maxamud oo Guddoominayay
Shirka 6aad ee GWQ uusan wax ka saxiixin labada dokumenti;
2. In aan la xusin maqnaanshaha DG Puntland walow loogu
hambalyeeyay hirgelinta doorashada Golayaasha Dowladaha Hoose.
3. In aan la caddeyn maalinta doorashada Xildhibannada Barlamaanka
Federaalka (Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare) iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku
Xigeenka JFS.
4. In la baabi’iyay Guddiga Madaxabannaan Xuduudaha iyo
Federaalka iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Doorashooyinka DG;
5. In Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland ay horyaaal u
tahay jaangooyada nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada ee dalka oo dhan;
6. In la baabi’iyay heshiiskii lagu xalliyay khilaafkii
doorashada Golaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha DG Koofur Galbed oo DF
garwadeenka ka aheyd.
7. In aan la xusin masiirka xisbiyada tirada badan ee ka diiwan
gashan Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Federaalka.
8. Inaan la tixgelin mabda’a dastuuriga ah ee ah in Madaxda
xilka haysa aysan isu codeyn karin ama isu kordhin karin darajo, mushaar, iyo muddo
xileed midna.
Sababaha
hurinaya doodda ka dhalaty go’aammadii GWQ waa kala duwan yihiin, waxaana ka
mid ah:
1. Fahamka Kaalinta Golaha
Wadatashiga Qaranka (GWQ)
Fahamka kaalinta GWQ
wuxuu ka mid yahay sababaha hurinaya doodda kulul ee ka dhalatay go’ammadii GWQ
(National Consultative Council) oo lagu qaldayo “Madasha Hoggaaminta Qaranka
(MHQ) ( (National Leadership Forum),”
kaaso loo abuuray in lagu dhaqaajiyo geedisocodka siyaasadda Soomaaliya markii
hay’adaha dastuuriga ee Dowladda Federaalka -Madaxweynaha, Sharci-dejinta, iyo
Fulinta – ay ku guuldareysteen diyaarinta nidaamka doorashada oo ah cutub
muhiim ah ee dhammeystirka Dastuurka KMG kaasoo tifaftiri lahaa: 1) qaab
dhismeedkaa heerarka kala duwan ee dowladda federaalka; 2) nidaamka ka qayb
galka siyaasadda sida nidaamka doorashada ku saleysan xisbiyada badan; 3)
dhismaha iyo hawlgelinta Ciidammada Difaaca iyo Amniga dalka; 4) qaybsiga
kheyraadka dallka; 5) Qaab dhismeedka iyo sharciyada Garsoorka Madaxabannaan.
2019, Golaha Ammaanka ee Qarammada
Midoobay oo cuskanaya qodobka VII ee Axdiga Qarammada Midoobay wuxuu amray dib
u soo nooleynta “MHQ” kaddib markii la isku mari waayay nidaamka doorashada
2020, dalkuna galay qalalaase siyasaaded, nabadgelyoxumo iyo burbur dhaqaale.
Ugu dambeyn, 2021 Madaxweynihii dalka waxaa lagu qasbay inuu faraha kala baxo
wada xaajoodka iyo hirgelinta doorashada federaalka, taaso aheyd foolxumo aan
dhici laheyn haddii Madaxweynaha xilka hayay uu ilaalin lahaa dastuurka,
maslaxadda guud iyo sumcadda Qaranka Soomaaliyeed.
Sidaas awged, GWQ waa ka
duwan yahay MHQ. GWQ waa “Gole Wadatashi” aan laheyn awoodaha ay leeyihiin
hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka. Isla dastuurka kmg,
qodobbadiisa 133-136 ayaa qeexaya habraaca daahafuran ee loo marayo dhammeystirkiisa
(wax ka beddelkiisa), kaaso la filayay in la soo gabagabeeyo 2016. Sida awged,
waxaa degdeg loogu baahan yahay dastuur dhammeystiran si looga baxo dowlad u
yaalka ay muddada dheer Soomaaliya isku maaweelineysay.
2. Ismaan dhaafka ka taagan Wada
Shaqeynta iyo Iskaashiga DF iyo DG
Madaama DF iyo DG ka
gaabiyeen dhammeystirka dastuurka federaalka iyo kuwa DG, ismaandhaaf xoog leh
ayaa ka taagan wada shaqaynta DF iyo DG. Qodobbada 50 iyo 51 ee dastuurka kmg
waxay farayaan wadashaqeyn iyo iskaashi istratejyadeed ee DF iyo DG iyo
wadashaqeyn iyo iskaashi DG dhexdooda ah iyo kulan sannadeed dhexmaraya
“Madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka” iyo “Madaxda Fulinta Dowlad
Goboleedyada” si loo adkeeyo midnimada qaranka, loona hormariyo adeegyada DF,
DXDF, iyo Dowladaha Hoose u fidiniyaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxda DF iyo kuwa
DG-yada waxaa laga rabaa ilaalinta iyo u hoggaansanaanta tarjumaadda wanaagsan
ee dastuurka kmg oo ah sharciga dalka ugu sarreeya inta laga dhammeystirayo.
Tusaale ahaan, Tarjumaadda wanaagsan ee qodobka 121 ee ku saabsan mabaadi’ida
dastuurrada DG oo lala akhriyo qodobka 4 ee ku saabsan sarreynta dastuurka kmg
waxay ishaareysa in dastuurrada DG aysan khilaafin hadafka iyo mabaadi’ida guud
ee Dastuurka KMG.
Sidaas oo kale, qodobka
142 ee ku saabsan DG jiray ka hor ansixinta dastuurka kmg bishii Agoosto 1,
2012, kuwaaso kala ah Puntland iyo Somaliland, wuxuu dhigaya in inta la is
waafajinayo dastuurrada DXDF(DG) iyo dastuurka DF, labada DG ay sii haysanayaan
awoodaha dastuurkoodu siinayo. DG la dhisay kaddib markii la ansixiyay
dastuurka kmg ma lahan xuquuqdaas, waayo dastuurradooda ma khilaafi karin
dastuurka federaalka kmg.
Xaqa ku qoran qodobka 142
waxaa ka dhashay tarjumaada ah in awoodda DF ku kooban tahay Gobolka Benadir oo
aysan wax awood, amar, iyo hogaamin ku laheyn DG, taaso aad u xoojisay ka soo
horjeedka nidaamka federaalka. Ujeedada
Nidaamka Federaalka waxay tahay dal iyo dad mid ah, islaam ah, leh dowlad
federal ah oo dalka oo dhan ka talisa. dimoqradi ah, sharciga loo siman yahay,
nabad ah, horumar sameynaya, isla xisaabtan jiro, ka dhacayso doorasho
waqtiyeysan oo xor iyo xalaal ah,
Sidaa darted, waa loo
baahan yahay in dastuurka kmg loo fasiro, looguna dhaqmo hab taageraya
midnimada Shacabka Soomaaliyeed dhexdiisa ah iyo kaalinta dowladda federalka,
DG, iyo Dowladaha Hoose.
Doodda ah in gooni isu
taagga Gobollada Waqooyi (Somaliland) darted aan la dhammeystiri karin
dastuurka kmg waxay ugu horreyn inkirieysa dastuurka kmg oo caddeynaya
xuduudaha iyo 18 gobol ee Soomaaliya ka kooban tahay iyo taarikhda geedisocodka
22 sano oo siyaasiinta Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay door firfircoon ka soo
qaateen. Waa muhiim ah in shacabka
taagersan gooni isu taagga Gobollada Waqooyi (Somaliland) loo fidiyo gogollo
looga wada hadlayo sababaha iyo eedda burburka Dowladdii Soomaaliya iyo baahida
heshiis qarameed loogu daneynayo jiilasha Soomaaliyeed ee aadka u
dhibaateysan.
3. Arrimaha kale ee hurinaya
doodda Go’ammada GWQ
1. Caddeyn la’aanta in dalka lagu maamulayo dastuurka kmg ah
ilaa beddelkiisa laga ansaxinayo.
2. Caddeyn la’aanta inuu GWQ yahay Gole Wadatashi ee uusan
aheyn Gole ka sarreeya ama beddelaya hay’adaha dastuuriga ee Dowladda
Federalka.
3. Caddeyn la’aan shuruudaha ku xiran dhaqangelinta kordhinta
muddo xileedka Madaxda DF iyo DG.
4. Barbar cararka ama ka dulboodka habraacii iyo hay’adihii loo
xilsaaray dhammeystirka dastuurka kmg sida Guddiga Madaxabannan ee Dib u
Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga La Socodka/Kormeerka ee labada
aqal ee BFS oo gacanta ku haya buugga “Soo Jeedinta Qabyo Qoraalka 3aad ee Wax
ka Beddelka Dastuurka KMG." Doorka GWQ waa hagidda, taageridda, iyo talo
siinta hay’adaha u xilsaaran dhammeystirka dastuurka.
5. Dowladda Federaalka oo aan weli ku takhasusin nuxurka ku
duugan dastuurka kmg ee ka kooban 143 qodob iyo 4 lifaaq, kaddibna aan sameysan
istratejiyad ay ku hirgeliso.
6. Wada shaqeynta fawdada ah ee u dhexeysa DF, DG, iyo Beesha
Caalamka. Ma jiro xeer iyo dhaqan xakameynaya wada shaqeynta jaantaa roggan ee
saddex geesoodka ah.
7. Xalalka Jacburka ee Beesha Caalamka ay allifto si looga
gudbo khilaafaadka joogtada noqday ee ka dhex aloosma Madaxda Soomaaliyeed,
kuwaasoo abuura jaahwareer hor leh.
8. Aqoondarrada, waayo-aragtino laa'aanta, dhaqanka munaafaqnimo
iyo kooxeysi oo siyaasadda Soomaaliya aafeeyay.
9. Shakiga laga qabo ujeedada, daacadnimada, kartida, awoodda
dhaqaale, iyo daahfurnaanta DF ku diyaarin karto doorasho Q&C xor iyo
xalaal ah waqti munaasib ah. Qodobbada
doorashada Q&C waa in marka hore dastuurka lagu faaahfaahiya, kaddib sharci
la diyaariyo, kaddibna la dhiso maamulka madaxabannan oo fulin kara doorasho
waafaqsan dastuurka, sharciga, iyo xeerarka kale.
10. Nidaamka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku
Xigeenka oo loo arko inuu ka liito, ka xun yahay nidaamka Barlamaaniga ah ee
Soomaaliya iyo Talyaaniga wadaagaan. Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha
Talyaaniga weligood isma qaban. Xilka Madaxweynaha waa ka baxsan saddexda (3)
awood ee dowladda. Shacabka Talyaniga waa ku qanacsan yihiin nidaamkooda.
Nidamyada siyaasadeed ee dalalka Mareykanka, Talyaniga, Ingiriska, iyo
Fransiska waxay leeyihiin qaab dhismeed lagu xaqiijinayo is ilaalin, isla
xisaabtan, daahfurnan, iyo isa-saxid awoodaha saddexda ah ee dowladda.
Sida darted, waxaa habboon
in go’ammada GWQ loo gudbiyo hay’adaha u xilsaaran wax ka beddelka iyo
dhammeystirka dastuurka si loo marsiiyo habraaca doodda, lafagurka, ka
baarandegga, iyo qaabeynta. Arrinta kordhinta muddo xileedka waxay mudan tahay
dib u eegid gaar ah.
Waa muhiim in
Madaxweynaha JFS, Barlamaanaka Federaalka, Hay’adaha Fulinta, DG-yada,
waxgaradka bulshada Soomaaliyeed, iyo Beesha Caalamka ka qayb qaataan hagar
la’aan xaqiijinta ku guuleysiga saddexda qodob ee Dowladda Federaalka
bartilmaamedka ka dhigatay. Mas'uuliyadda
badbaadada Soomaaliya waxay saaran tahay Madaxda Xukunka haysa.
Dr. Maxamud M Culusow
[email protected]