Tan iyo August 2022, Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa
xorreeyay degmooyin iyo degaanno badan oo ku yaalla Galmudug,
HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Waxaa lagu qiyaasaa dhulka
la xorreeyay inuu gaarayo illaa 125 deegaan. Si kastaba ha ahaatee,
dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ma ahan oo keliya mid militeri, ee waxaa
ku jira mid lagu kasbanayo quluubta shacabka.
Billowgii
2010, shacabka waxay ahaayeen kuwa ka baqa inay la shaqeeyaan ama
xiriir la yeeshaan ciidanka amniga, waxaana u sabab ahaa hanjabaadda
Al-Shabaab. Sidoo kale, xilligaas ciidanka ma lahayn xirfad ay ku
dhisaan xiriirka dadweynaha, duruufo jiray awgeed. Laakiin, maanta
caqabadaas meesha way ka baxday, waxayna Ciidanka Amniga Qaranka
Soomaaliyeed si aad ah u hagaajiyeen dhisidda xiriirka bulshada, iyagoo
adeegsanaya habab badan. Tallaabadan waxay keentay kalsooni dheeraad ah,
oo ah in dadweynaha si toos ah ugu gudbiyaan ciidanka kiisaska
dembiyada, musuqmaasuqa iyo shirqoolada argagixisada. Maqaalkan ayaa ku
sharxeynaa hababka kala duwan ee ay isticmaalaan ciidanka si ay u
dhisaan xiriirka bulshada.
Xiriirka Shacabka iyo Ciidanka
Waxaa
la sameeyay xafiiska Iskaashiga Rayidka iyo Militariga (CIMIC), si kor
loogu qaaddo xiriirka ciidanka iyo bulshada deegaanka. CIMIC waa waax ka
tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo lagu caawiyo shacabka.
Hirgelinta xafiis noocaan oo kale ah waxay dhiseysaa kalsoonida shacabku
ku qabaan ciidanka xoogga dalka.
Tusaale in uu
kordhay xiriirka ciidanka waxa marqaati ka ah bishii November 2023,
qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, ayaa gurmad u sameeyey shacabka
ay saameysay fatahaaddii Baydhabo. Ciidanka iyagoo dagaal kula jira
cadowga, haddana waa ku caawiya shacabka liita, iyagoo u qeybiya
raashin, biyo iyo daawo.
“Waxay Al-Shabaab
nooga sheegi jirtay ee xumaanta ah, wax ka duwan baan kala kulanay
ciidanka. Markii ay noo yimaadeen, waxay noo keeneen raashiin, daawo iyo
biyo aan cabno,” ayay tiri Xaliimo Nuur, 60 jir ah, ku nool Buula
Xaaji, Jubbada Hoose oo dhawaan la xorreeyay.
Tani
waxay ka tarjumaysaa in tababarka ciidanka ku jiro anshaxa wanaagsan oo
askariga lagu baro qiimaha dadka uu u adeegayo. Hab-dhaqanka fiican ee
ciidanka wuxuu beddelay aragtidii shacabka ka qabey.
Mar
kasta oo la xoojiyo xiriirka ciidanka waxay u wanaagsan tahay amniga
iyo in hoos loo dhigo halista amni darro ee dhici karto, waayo shacabku
wuxuu ciidanka la wadaagayaa dhaqdhaqaaqyada sababi karo amni darrada.
Wada-shaqeynta Odayaasha Beelaha
Ciidanka
Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxay wada-shaqeyn la yeesheen
hoggaamiyaasha qabaa’ilka ama odayaasha dhaqanka, oo kaalin ka qaatay
abaabulka Macawiisleyda, oo u badan xoolo-dhaqato, hubka u qaatay si ay
deegaankooda iyo xoolahooda uga difaacdaan Al-Shabaab. Iskaashigaas
wuxuu xoogeystay kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu
August 2022 ku dhawaaqay dagaal saf ballaaran.
Wada-shaqeynta
Macawiisleyda waxay horseedday xorreynta dhul ballaaran, isku furidda
jidka u dhexeeya Muqdisho iyo gobollada dhexe oo xirnaa 10 sano. Wuxuu
kaloo keenay in adeegyo bulsho sida waxbarasho, caafimaad, shaqo abuur
iyo dhismaha saldhigyo boolis laga hirgalayey magaalooyin badan, sida
Aadan Yabaal, Xarardheere, Jalalaqsi iyo qaar kale oo ka tirsan
HirShabeelle iyo Galmudug.
Dhanka kale,
colaad beeleedyada ayaa noqday caqabad kale, marka laga soo tago
dagaalka Al-Shabaab, iyadoo ay culeys saartay maamullada HirShabeelle,
Galmudug iyo Dowladda Dhexe. Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxay
kaalin muhiim ah ka qaateen dhex-dhexaadinta beello Soomaaliyeed oo ku
dagaallamay dhul-daaqsimeed, ceelal-biyood iyo aanooyin-qabiil. Waxaa
tusaale u ah heshiis ay dhex-dhigeen May 2024, labo beel oo muddo ku
dagaallamayey degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe.
Tusaalaha
labaad waa heshiisiintii beelihii ku dagaallamay Xeraale oo ka tirsan
gobolka Galgaduud. Halkan inta uusan heshiiska dhicin illaa 50 qof ayey
labada beelood iska dileen, maanta waxay ku wada nool yihiin nabadgelyo.
Goobaha kale ee ciidanka ka sameeyay dhex-dhexaadinta waxaa kamid ah
Goldogab, Cadalle iyo Raage-Ceelle.
“Haddii
aysan ciidanka naga soo gaarin, oo kala dhex-galin labada
maleeshiya-beeleed, dad badan oo maanta nool ayaa ku dhiman lahaa. Aad
bay u mahadsan yihiin askarteenna, xilli loo baahan yahay ayay soo
gurmadeen,” waxaa sidaas yiri Xasan Aadan, oo ka tirsan odayaasha
dhaqanka Xeraale.
Warbaahinta iyo Ciidanka
Warbaahinta
la’aanteed aad bay u adkaan laheyd in xiriirka maanta ka dhexeeya
Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka uu jira. Waxay
warbaahintu u tahay ciidanka isku xiraha iyaga iyo shacabka iyo
fududeeyaha halka ay ciidanku kala socdaan aragtidooda ay ka qabaan
bulshada.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
iyo booliiskuba waxay leeyihiin afhayeenno si isbuucle ah u qabto shirar
jaraa’id si ay shacabka u siiyaan akhbaarta ciidanka – waa nooc hufnaan
ah oo muujineyso in ciidanku uu farriintiisa warbaahineed si toos ah
ula wadaago shacabka.
Dhowrkii sano ee u
dambeysay waxaa dhismay dhowr madal oo warbaahineed oo ciidanku leeyahay
sida Idaacadda Codka Ciidanka Qalabka Sido ee SNA Radio iyo Danab Radio
oo dhageysigoodu ay si weyn ugu tiirsan yihiin kumannaan dad ah oo
qaarkood kamid ah kuwa ku nool goobo cadowgu heysto iyo qaar dhawaan la
xorreeyey.
Si jiilka dhallinyarada Soomaaliyeed
ee u badan baraha bulshada ay ula socdaan arrimaha ciidanka, waxay
bogagga baraha bulshada ee ciidanka sida kan Facebook ee SNA Radio oo ay
ku xiran yihiin 500,000 oo dad ah ay maalin kasta soo gudbiyaan
muuqaallo kala duwan.
SNA Radio iyo Danab Radio
malahan barnaamijyo badan, laakiin waxaa jira hal barnaamij oo muhiim
ah oo lagu magacaabo Raad Raac oo ay soo saaraan ciidanka. Raad Raac waa
barnaamij toddobaadle ah oo muddo dheer socda, kaasoo xambaarsan
macluumaad qiimo leh, waxaana looga hadlaa arrimaha markaas taagan sida
howlgallada, tababarrada, dadaalka kor loogu qaadaya amniga iyo
iskaashiga saaxiibadda caalamiga ah.
“Taxanaheena
Raad Raac runtii billowgiisii waxay noo aheyd iftiin – wuxuuna noo
horseedday in aan guul weyn ka gaarno isku soo dhaweynta ciidanka iyo
shacabka. Ka hor inta aanan barnaamijkan billaabin aad bay u yareyd in
dad badan ay ku dhiirradaan in ay Khawaarijta wax ka sheegaan ama ay
taageero u muujiyaan ciidanka, laakiin maanta waxaan arkeynaa in ay taas
isbeddeshay,” waxaa sidaasi yiri, Maxamed Muuse, Madaxa Warbaahinta
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Muddo sanad
ah baan dhageysanayey Raad Raac, waxaana la dhacay mowduucyada baahsan
ee lagaga hadlo iyo sida saraakiisha ciidanku iyagoo la shaqeynaya
bulshada u hormariyaan amniga dalka. Qeybta wicitaanka dhageystayaasha
oo toos ah oo uu barnaamijkan leeyahay ayaa sidoo kale i soo jiitay, oo
aragtida togan iyo midda taban ee ay dadku ka bixiyaan mowduuca loo soo
bandhigo toddobaadka.
Waxaad arkeysaa
dhageystayaal isugu jira rag iyo dumar qeybaha bulshada oo dhan oo
su’aasha la weydiiyo uga doodayo si dhiseysa aragtida dadweynaha.
Talooyinka ay dhageystayaashu bixiyaan waa kuwa muhiim ah, oo mudan in
madaxda ciidanku qaataan si ay shaqooyinkoodu ugu dabaqaan.
12-kii
sano ee la soo dhaafay, Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed, ayaa
sameeyay koritaan badan. Xiriirka shacabka ay la sameysteen ayaa noqday
mid waxtar leh, waxaana la dhihi karaa wuxuu gacan ka geystay in looga
adkaado Khawaarijta siyaabo badan. Wali waxaa harsan shaqo badan si loo
gaaro Soomaaliya oo xasilloon oo amni ah, laakiin dadaallada Ciidanka
Amniga Qaranka Soomaaliyeed ay kula shaqeynayaan shacabka waxay abuurtay
rajo weyn. Si hore loogu wado horumarka jira, Ciidanka Amniga Qaranka
Soomaaliyeed waxay u baahan yahay in ay maalgelin badan ku sameeyaan
tababarrada askarta si u xoojiyaan xiriirka bulshada. Shaqaalaha
warbaahinta ciidanka waxay u baahan yihiin in ay kor u qaaddaan
xirfadahooda soo saarista barnaamijyo tayo leh, oo lagu wacyi-gelinayo
dadweynaha. Waxaan maqaalkan ku soo gabagabeynayaa farriin aan u diraya
madaxda Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo aan leeyahay ka
faa’iideysta xiriirka aad la’leedihiin bulshada, xoojiyana si dalkeenna
uu u gaaro nabad iyo barwaaqo.