12/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Fashilka difaaca gobannimada, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Saturday December 28, 2024

 

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo dhabarjeedin, bahdil, iyo caqabado kala kulan tahay dhinacyo badan, musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo khilaafaadka gaaray dagaal iyo kala irdhow, waxay shirkii Ankara ku aqbashay in Siyaasadda Soomaaliya ku tiirsanaato, laga hago Addis Ababa, Ethiopia. Khudbaddii Madaxweyne Xassan ka jeediyay Shirka Ankara waxay beenisay, tirtirtay dhammaan dareengelintii wadanninimo iyo iska difaaca dhul boobka, gardarrada, iyo cadowtinnimada qotadadheer ee Ethiopia u hayso Soomaaliya. DFS kama kasbay wax maslaxad ama faa’ido ah heshiiskii Ankara. Waxaa halis ku jira difaaca gobannimada, madaxbannanida iyo Midnimada Soomaaaliya.

1978, Professor Nuraddin Faarax wuxuu qoray maqaal cinwaakiisu yahay “Fadlan, Jidkee I geynaya badda (Which Way to the Sea, Please?” Dulucda Maqaalka wuxuu yahay in Ethiopia ku taamayso helitaanka bad iyo dhul Soomaaliyeed si kasta ee ay ku hayshaba. Damaca Ethiopia ee badda iyo dhulka Soomaaliya weligiis marna ma damin (dhiman), lagamana tanasulin laga soo bilaabo Boqor Yohannes IV 1871 ilaa maanta.

  1. Natiijada dhaxal duuga ah ee ka soo baxay Shirkii Ankara waa in DFS aqbashay in Ethiopia xaq u leedahay inay hesho bad u furan oo Soomaaliya leedahay, ku qabta kalsooni buuxda ku tashiga, isticmaalka, iyo ammaanka baddaas u furan. DFS waxay ku celcelineysa inay ka go’antay inay deg deg u fulineyso go’aankii Ankara, isla markaana la yeelaneyso Ethiopia xiriir saaxibtinnimo ee qotodheer. DFS waxay bayaankii Ankara ka dhigtay heshiis kama dambeys ah ee la fulinayo.
  2. Ka hor waqtigii lagu ballamay kulanka farsamo ee fulinta heshiiskii Ankara, DFS oo culeys weyn ku haysaay u hoyashada iyo xaalmarinta Ethiopia gefafkii (Aflagaadii) loo geystay 11kii bilood ee la soo dhaafay, waxay u dirtay Addis Ababa wafdi her sare ee u hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo haysta kalsoonida Madaxweyne Xassan.
  3. 23kii iyo 24kii Disember 2024 waxaa iska soo daba baxay 5 warsaxaafadood, kuwaasoo muujinaya fashilka siyaasadda DFS. Warsaxafadeedka 1aad oo ahaa mid aan caadi aheyn waxaa adduunka loogu sheegayay in DFS u direyso wafdi her sare ah dalka Ethiopia si loo dedejiyo fulinta heshiiskii (Bayankii) Ankara oo shacabka Soomaaliya ka gadoodsan yahay, isla markaana aan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Bulshada Ra’yidka ah iyo waxgaradka Soomaaliyeed laga siin xog ogaalnimo la xiriirta danaha iyo faa’idada Soomaaliya ugu jira heshiiskaas iyo ka jawaabidda doodaha laga qabo. Warsaxafadeedka 1aad oo u muuqda mid ay dalbatay ama lagu raalli gelinayo dowladda Ethiopia waxaa soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee DFS, wuxuuna ku saabsan yahay ambabaxa Wafdiga DFS ee Addis Ababa iyo caddeynta rabitaanka DFS inay degdeg u fulineyso go’aankii Ankara. Warsaxafadeed lagama soo saarin safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS Mudane Axmed Fiqi ugu ambabaxay dalka Masar iyo dhambaalka uu xambaarsanaa. Warsaxafadeedka 2, 3, iyo 4 waxay ku wada saabsan yihiin dagaalladii ku dhexmaray Ciidammada DFS iyo Ciidammada DG Jubbaland oo taagero ka helay Ciidammada Ethiopia Doolow iyo Kulbiyow.

Warsaxafadeedka 2aad ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee DFS wuxuu si kulul ugu eedeynaya dowladda Ethiopia inay soo weerartay JFS ku soo xadgudubtay gobannimada iyo dhulka Soomaaliya.

Warsaxafaddeedka 3aad wuxuu ka soo baxay Wasaarada Amniga ee DFS, waxayna dagaallada ka dhacay Doolow iyo Kulbiyow ku eedeysay Madaxweynaha DG Jubbaland (Eedeysane) Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe), mana soo hadal qaadin gardarrada Ethiopia.

Warsaxafadeedka 4 waxaa soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia oo ka carootay eedeymaha loo jeediyay, waxayna eedeynta DFS ku tilmaantay been. Ethiopia waxay ku eedeyneysa qaswadayaal aan dooneyn caadiyeynta xiriirka Ethiopia iyo Soomaalaiya inay ka dambeeyaan dagaalka Doolow.

Kulan gaar ah ay yeesheen Madaxda Hay’adaha Sirdoonka iyo Amniga ee Ethiopia iyo Soomaaliya (NISS and NISA) waxay wacad ku mareen inay ku socdaan dedejinta fulinta heshiiskii (Bayaanka) Ankara, isla markaana qaswadalayaasha ka soo horjeeda heshiiska Ankara la iska fogeynayo, dhinac la iska marinayo. (As a follow up discussion of the Ankara declaration, Intelligence chiefs vowed to move on and “keep detractors from near and afar who are bent on derailment at bay”.)

Walow Warsaxafadeedka 1aad iyo Warsaxafadeedka 4aad ay ka soo kala baxeen DFS iyo Ethiopia, haddana waxaa la tuhmi karaa in hab qoraalkooda ka dambeyso hal maskax.

Warsafadeedka 5aad waxaa soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee DFS wuxuuna ku saabsan yahay warbixinta kulanka dhexmaray wafdiga DFS iyo xulka Ethiopia oo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia hogaaminayo. Nuxurka Warsafadeedka 5aad wuxuu yahay in labada dowladeed ay aad u doonayaan hirgelinta degdegga ah ee heshiiskii Ankara iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia, wuxuuna raacinaya arrin khilaafsan Warsaxafadeedka 4aad ee Dowladda Ethiopia, warkaaso ah in dowladda Ethiopia soo baarayso dhacdadii Doolow. Wareysi Wasiru Dowlaha DFS Xildhibaan Cali Cumar siiyay warbaahinta Soomaaliyeed wuxuu ku daray in Dowladda Ethiopia ka cudurdaaratay wixii ka dhacay Doolow, arrintaaso ka fog mowqifka ku qoran qoraalka Ethiopia.

  1. Warsaxaafadeedka 5aad laguma soo hadal qaadin taageerada iyo xiriirka Dowladda Ethiopia la leedahay Jubbaland iyo DG-yada kale iyo arrimihii kale ee dhaawacayay gobannimada, madaxbannanida, iyo midnimo dhuleedka JFS. Fasirka arrintaas waa in DFS ka tanaasushay adkeynta iyo difaaca gobannimada, madaxbannninada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).

Soomaaliya oo aheyd dhibbane lagu soo xadgudbay, laga gardaran yahay waxay noqotay dambiile xaq loogu yeeshay inay dowladda Ethiopia siiso bad, hoos tagto, ka amar qaadato, dibna loo soo nooleeyo booqashooyinkii hagardaamada ahaa ee Addis Ababa.

Madaxda DFS tixgelin, saameyn, ku camalfal kuma lahan taarikhda iyo xaqiiqada siyaasadaha, danaha, Istratejiyada dalalka Adduunka, gaar ahaan deriska ah. Su’aasha taagan ilaa maanta waxay tahay, “sababta dowladda Ethiopia u rabin ka faa’ideysiga dekedaha iyo badaha dalalka Jabuuti, Eritrea, Kenya, iyo Sudan iyo dekedda Berbera (Soomaaliya) ee dhuunta ugu dheggan tahay Soomaaliya?”

Soomaaliya waxaa maanta ka taliya dowlad aad u itaal daran, ka lumay dhaqan dowladnimo, wadanninimo, reer galbeedka iyo Carabta ku riixayaan in Ethiopia la siiyo bad iyo dhul Ummadda Soomaaliyeed leedahay. Waa jowrfal iyo jujuub mudan ka dhiidhin loo dhan yahay.

  1. Shantaas (5) warsaxafadeed waxaa laga fahmi karaa (a) in Siyaasadda gudaha iyo dibedda ee Soomaaliya laga hagi doono Addis Ababa, xaaladdaasoo Soomaaliya ku jirtay 2006-2023; (b) in danaha Soomaaliya dayacan yihiin, jiritaanka dal iyo dowlad Soomaaliyeed halis ku jiraan; (c) in garabka DFS ee saxiibka la ah Ethiopia ku guuleystay hagidda/ka talinta siyaasadda Soomaaliya. Warsaxafadeedka Ethiopia wuuu daaha ka qaadaya qaswadayaal gudaha iyo dibedda ee ka soo horjeeda danaha Ethiopia.
  2. Maalmahaan waxaa si isdaba jooga ah u soo baxaya baaqyo loo jeedinayo dhammaan Waxgaradka Soomaaliyeed inay si degdeg ah (urgently) ugu kacaan badbaadada midnimada, gobannimada, madaxbannaanida JFS iyo dib u soo nooleynta dhismaha dowladnimada Soomaaliya qarka u saaran baaba’a.



Dr. Maxamud M Culusow

[email protected]



 





Click here