By Dr. Maxamud M. Culusow
Tuesday July 16, 2024
Bayaanka Wadajirka ee Ankara (Joint Ankara Statement) ee ka soo baxay Shirkii Dowladda Turkiga ku martigelisay Magaalada Ankara, 1da Luulyo 2024, labo wafdi oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladda Ethiopia si ay uga wada hadlaan, ugana heshiiyaan ku xadgudubka dowladda Ethiopia Gobannimada iyo Midnimo-dhuleedka Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya (JFS) wuxuu muujinaya:
(I) Tixgelinta DFS siisay baaqyada adduunka ee qaboojinta xasaradda kala dhexeysa Ethiopia. Mowqifka DFS wuxuu ahaa in Ethiopia ka noqoto Is-afgaradka (Memorandum of Understanding (MoU)) sharci darro ah ee Dowladda Ethiopia la gashay Maamulka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1dii Jennaayo 2024. Is-Afgaradka wuxuu Dowladda Ethiopia u oggolaanaya kirada (lahaanshaha) dhul gaaraya 20 km oo Badda u furan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya, kana dhisaneyso saldhig Mileteri, deked, iyo kaabayaal kale, kuna beddeleneyso Aqoonsiga gooni u goosadka iyo Madaxbannanida Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) iyo saami Shirkadda diyaaradaha Ethiopia. Mowqifka DFS wuxuu ahaa in Dowladda Ethiopia ka noqoto Is-Afgaradka ka hor wada hadal ama kulan dhexmara labad dal. Ugu dambeyn, DFS waxay aqbashay wada hadal aan toos aheyn oo Dowladda Turkiga u kala dab qaadeyso labada dhinac.
(II) Dhagarta iyo Mintidnimada dowladda Ethiopia ku dooneyso dhul badeedka Soomaaliya oo lagu xirayo (contiguous) dhulka Ethiopia.
Bayaanka Ankara ma caddeyn nooca khilaafka labada dal ka dhexeeya oo ahaa “ku Xadgudub Gobannimada Soomaaliya” wuxuuna ku gaabsaday khilaafaad. Waxaa la sheegay in labada wafdi is dhaafsadeen si daacadnimo, niyadsami ku dheehan tahay aragtiyo ku saabsan khilaafaadkooda iyo fikrado xal noqon kara, kana go’antay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadkooda. Soomaliya iyo Ethiopia waxay ku ballameen inay mar labaad tagaan Ankara 2da bisha Setermber 2024.
Aqoonyahan Faysal Roble oo xubin ka ahaa Wafdiga DFS wuxuu Warbaahinta Madaxabannaan ee Soomaaliyeed siiyay wareysi ku saabsan Shirka wuxuuna sheegay arrimo dhiillo xambaarsan, khilaafsan af gobaadsiga ku qoran Bayaanka Ankara, caddeynaya in heshiis fog yahay. Mudane Faysal wuxuu sheegay in Wafdiga Dowladda Ethiopia caddeeyeen inaysan aqoonsaneyn Sharciga Caalamiga ee Badaha (UNCLOS) ee xeerinaya danaha dalalka aan baddda laheyn, Axdiga Midowga Afrika, Axdiga Qarammada Midoobay, iyo Sharciga Caalamiga ah ee xaarantimeynaya qabsashada si xoog ah dhul dal kale leeyahay. Sida darted, go’aanka Dowladda Ethiopia Is-Afgaradka kula gashay Maamulka Gobollada Waqooyi (Somaliland), ayadoo xiriir diblomasi la leh JFS, wuxuu ahaa daandaansi iyo xoog sheegasho ay ku quursaneyso Wax ku Oolnimada JFS.
Waxaa inta ka daran in Wafdiga Ethiopia dalbatay joogitaan rasmi ah (military presence) ee badweynta Indiya, Gacanka Cadmeed, iyo Badda Cas ee ku beeegan Soomaaliya si madaxbannaan, taaso macnaheedu yahay Soomaaliya kama taliso dowlad sharci ah, leh karti iyo awood ay ku maamusho, kuna difaacdo dadkeeda iyo dalkeeda, ugana qayb qaadato difaaca marin badeedka caalamiga ah ee ku beegan.
Khudbada jees jeeska iyo xaqiraadka isugu jirtay ee RW Abiy ka jeediyay Barlamaanka Ethiopia Shirka Ankara kaddib waxay taagertay xogwarranka Aqoonyahan Faysal Roble. RW Abiy wuxuu ku waaniyay DFS inay dhaqaaleysato kharajka uga baxaya safarrada Caalamka ay ugu ashkatooneyso, una tilmaaamay inay si toos ah Addis Ababa u tagto, ulana heshiiso.
Waxaa la dareemi karaa in ujeedada codsiga Dowladda Ethiopia ee dhexdhexaadinta dowladda Turkiga iyo Qatar ahaa in DFS lagu qanciyo tixgelinta rabitaanka Ethiopia, sameyso tanaasulad (Concessions) madaama Soomaaliya laga itaal roon yahay, haysato tafaraaruq midnimo Shacab iyo dowladnimo. Adduunka wuxuu maraya waqti lagu tumanayo xeerarkii Caalamiga ah ee ilaalinta xuduudaha iyo gobannimada dal kasta.
DFS, Ururrada Caalamiga ah, iyo dalal badan sida Mareykanka, Yurub, Afrika, iyo Carabta waxay Is-Afgaradka dhexmaray Ethiopia iyo Maamulka Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku tilmaameen sharcidarro iyo xadgudub Gobannimada iyo Midnimo dhuleedka Soomaaliya, una horseedayo colaad khasaare badan ka dhalan karo. Dowladda Ethiopia waxaa laga dalbaday ka noqoshada Is-afgaradka dhibaatada ka abuuraya dalalka Soomaaliya, Jabuuti, iyo Eritrea, halisna ku ah aayaha Soomaalida Ethiopia iyo Soomaalida Gobollada Waqooyi (Somaliland). Nasiib darro, ilaa maanta dowladda Ethiopia dheg jalaq uma siin baaqyadaas, kama noqon Is-Afgaradkaas, waxayna ku mashquulsan tahay xayeysiinta dhammeystirkiisa iyo dhaqan gelintiisa.
Hadafyada Ethiopia ugu hoos qarsan Is-Afgaradka waxaa ka mid noqon kara inay dooneyso inay disho dareenka Soomalinnimo, macno tirto DFS, cunaqabateyso dowladda Jabuti, u abuurto rajo dhalanteed ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Gobollada Waqooyi Galbeed (Somaliland), ka dhex abuurto qalalaase Bulshooyinka walaalaaha ah ee reer Jabuuti iyo kuwa ku nool Gobollada Waqooyi Galbeed (Somaliland), xasilloni darro iyo welwel ku abuurto Eritrea.
Waxyaabaha dhiirrigelinaya Xadgudubka Ethiopia Gobannimada Soomaaliya waxaa ka mid ah:
1. Fowdada, Tafaraaruqa Shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya ku sugan tahay, taaso sahashay in Dowladda Ethiopia xiriir toos ah la yeelato Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS. DFS waxay amartay in Dowladda Ethiopia xirto Qunsuliyadaha uga furnaa Garowe iyo Hargeisa, kuwaaso ilaa maanta aan la xirin.
2. Wadaniyad xumida iyo daneysiga shakhsi ee Madaxda iyo Waxgaradka Soomaaliyeed caan ku noqdeen, ayagoo daacad u ah Dowladda Ethiopia iyo dalal Ajnabi ah. DFS waxay dib ugu yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dalka Ethiopia, isla markaana amartay in safiirka Ethiopia u fadhiyay Soomaaliya ku noqdo dalkiisa. Warar ayaa sheegaya in Safaaradda Ethiopia ee Muqdisho furan tahay, shaqeyneyso ilaa maanta, isla markaana Safirkii DFS ee Ethiopia u ka shaqeynayo Addis Ababa hab aan la aqoon.
3. Taagerada mu’aamarad ee Dalal ka tirsan Reer Galbeedka, Carabta, Afrika, iyo Aasiya ay siinayaan Ethiopia, isla markaana ay ka mid yihiin saaxibadda Soomaaliya.
Waxaa calool xumo in wax garad ku nool Gobollada Waqooyi Galbeed (Somaliland) ka sheegaan Warbaahinta in qoomiyadaha Amxaarada, Oromada, iyo Tigree ka jecel yihiin Soomalida Koofureed, taaso Soomali ka dhaxashay taarikh madow. Gumaadka lagu hayo Soomalida Ethiopia si looga sifeeyo deegannada Tareenka Jabuuti-Ethiopia maro iyo gumeysiga ay soo mareen ayaa ah cashar lama iloobaan ah. Aaayaha Soomaalidu wuxuu ku jira Dhismaha dowlad Soomaali kasta - muwaadin iyo mid aan muwaadin aheyn- ku wada hoos noolaato si waafaqsan sharci ama dugaashado.
Wax xikmad ah kuma saleysna doodda Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ee ah in tira badnida Shacabka Ethiopia ay xaq, waajib ka dhigeyso helitaanka bad iyo dekedo Ethiopia uga baxdo bad la’aanta iyo saboolnimda, una nabadgeliso dalalka deriska ah. Ethiopia waxay leedahay waro iyo biyo mareenno muhiim u ah nolosha iyo mustaqqbalka dalalka Masar, Sudaan, iyo Soomaaliya, waxayna sameysatay biyo xireenno ay ku cunaqabateyneyso saddexdaas dal ay ku nool yihiin dad gaaraya 174.73 milyan, halka Ethiopia ku nool yihiin dad gaaraya 113.67 Milyan.
Sidaa awgeed, doodda RW Abiy waa mid qaldan, ka soo horjeeda dhammaan xeerarka caalamka, kana abuureysa nabadgelyo xumo Geeska Afrika. DFS iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS waa inay ku midoobaan difaaca Gobannimada iyo Midnimo dhuleedka JFS, kana soo horjeestaan damaca waalan ee Ethiopia iyo daba dhilifyadeeda Soomali iyo Ajnabi.
Dr. Maxamud M. Culusow
[email protected]