By Dr. Maxamud M. Culusow
Thursday June 27, 2024
Doorashada Labaad Dr.
Xassan Sheikh Maxamud Xilka Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya
(JFS) waxay aheyd dhacdo taariikhi ah, dadweynaha soo dhoweeyay
si Soomaaliya uga gudubto xaaladda dowladnimada tabarta daran ee ragaadisay.
Sababaha loo soo dhoweeyay doorashada labaad ee Madaxweyne Xassan waxaa ka mid
ah:
1.
In Madaxweyne Xassan ballanqaaday
inuu ka digtoonaan doono dhammaan qalalaadkii, dhallilihii, iyo maamulxumadii aafeeyay
muddo xileedkiisii koowaad, taaso sababtay in dadweynaha Gobolka Benadir ay u
dabaal-degaan guldarradisii doorashadii 2017, kuna farxaan doorashadii Madaxweyne
Maxamed Cabdullahi Farmajo. Madaxweyne Xassan wuxuu ballan qaaday go’aan
qaadasho dhellitiran, xulashada la taliyayaal (rakaab) sumcad iyo karti wanaagsan,
iyo hadal iyo ficil is waafaqsan.
2.
In Madaxweyne Xassan xubin firfircoon
ka ahaa mucaaradka dowladdii Madaxweyne Farmajo oo si joogta ah u tilmaami jiray
maamulxumada, tacadiyada, iyo u shaqeynta dowlado shisheeye (puppet), sida ku
keydsan warbaahinta Soomaaliyeed. Muddo
xileedkii Madaxweyne Farmaajo (2017-2022) waxaa xoogeystay damaca xukun
kelitalisnimo joogto ah ee ku dhisan amar ku taakleyn, isbaheysi argagixiso, musuqmaasuq,
iyo kala qaybinta bulshada. Aragtida dadweynaha waxay aheyd in xubin kasta ee
mucaaradka ka mid aheyd ay ka fogaan doonto dambiyadi lama iloobaanka ahaa ee lagu
eedeeyay Dowladdii Madaxweyne Farmaajo, lana dhirrigelin dono dhaqanka dowlad
wanaagga iyo wax qabad dhab ah oo kalsoonida dadweynaha kor u qaada.
Labo sano kaddib, guuxa
dadweynaha oo kooxo kala duwan afqaad u yihiin, wuxuu tilmaamayaa in dadaalka iyo
ballanqaadkii Madaxweyne Xassan ay xagal daaciyeen sababo ay ka mid yihiin:
1. Tixgelin
La’aan kalsoonidarrada Shacabka Soomaaliyeed ka qabay Madaxda Sare iyo
Xildhibannada Dowladda Federaalka (DFS) iyo rajoxumida hanaqaadka Dowlad waxtar
ah.
20 Juun 2024, Wiil Taksiile ah oo 33 jir ah wuxuu ii sheegay “inuusan rajo
ka qabin muddada noloshiisa iyo nolosha caruurtiisa in Soomaaliya ka dhalan
doonto Dowlad wanaagsan, karti leh oo ka shaqeyneysa danaha dadka iyo dalka
Soomaaliya.” Tixgelinta kasbashada
kalsoonida dadweynaha waa tiirka dhexaadka dowladnimada Soomaaliya.
2. Kala
fogaanshaha waxqabadka gaabiska ah, khilaaf abuurka ah ee DFS iyo Bartilmaameedka
Higsiga 2026 oo ah “Soomaaliya oo ah dal mid
ah, leh xukun baahsan, mideysan, dimoqradi ah, horumarsan, sharciga loo siman
yahay, lugihiisa (awoddiisa) ku taagan, ka dhaceyso doorasho qof iyo cod, xilliyeysan,
xor iyo xalaal ah.”
Sababta loo aaneynayo kala fogaanshahaas waxay tahay tixgelin la’aan baaxadda
iyo muhimadda dhammaan howlaha dhismaha nabadda
iyo dowladnimada Soomaaliya iyo raacid
la’aanta tilmaamaha dastuurka iyo maangalka toosan ee hogaaminaya howlahaas
ballaaran ee dowlad dhiska shirkadda lagu yahay.
3. Wax
Ka Qabad La’aan Fowdada ka dhex jirta Hay’adaha Amniga DFS.
Ma jiro isku xir shaqo wadaag iyo hogaamin ka dhexeysa hay’adaha Amniga her
federal. Sidaa darted, sababta ugu weyn ee dib u dhaca gulufka ciribitirka Al
Shabab waa fowdada hogaaminta dagaalka, is curyaaminta hay’adaha Amniga, iyo jiritaan
la’aanta qorshe mideysan.
4. Qalqalka
Siyaasadda Arrimaha Dibedda DFS. Saddex dhacdo oo
hoos ku faahfaahsan, caleemasaarka horjoognimada Kenya, saameynta Cutubka VII
ee Axdiga QM, dhul iyo bad boobka Ethiopia, xiriirka iyo danaha is diidan ee dowladaha
khaliijka ka leeyihiin Soomaaliya iyo geeska Afrika, Is dhinka deeqaha deeq-bixiyayaasha,
Xasaradaha Adduunka ka socda, dhibaatooyinka haysta Wasaaradda Arrimaha Dibedda,
waxay qalqal-gelinayaan madaxbannanida jaangoynta Siyaasad wax ku ool ah ee
Arrimaha dibedda Soomaliya. Saddexda dhacdo waxay kala yihiin: I) Hadalkii Khadka telefoonka (1 Juun
2024) ku dhexmaray
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken iyo Madaxweyne Xassan
Sheikh, kuna saabsanaa danaha amni ee ka dhexeeya labada dal sida qaboojinta
xiisada Ethiopia iyo Soomaliya, ku howlanaanta la dagaalanka argagixisada, dhammeystirka
qorshaha cidda beddeleysa ATMIS marka ay dalka ka baxdo, iyo tixgelinta
ahmiyadad Xafiiska UNSOM; II) Ka qayb galka
Madaxweyne Xassan Shirkii Oslo Forum ( Juun 11-12,
2024) kuna saabsan dhexdhexaadinta lama huraanka ah (Mediation Against
All Odds), oo lagu xalaaleyay dhexdhexaadinta
Al Shabab iyo DFS, ayadoo Madaxweyne Xassan 2 sano ka hor diiday taladaas, haseyeeshe
Shirka hortiisa looga xaqiijiyay inuu oggol yahay dhexdhexaadintaas la filayo
in dowladaha Qatar, Norway, iyo QM hormud ka noqon doonaan; iyo III) ka qaybgalka Madaxweyne Xassan Kulanka
Guud ee ku saabsana Nabadda Ukraine ee lagu qabtay Geneva, Switzerland, 15-16
Juun 2024.
Soomaaliya
waxay ka mid aheyd 77 dal oo taageray Warmurtiyeedka
Kulanka, halka 15 dal sida Sacuudiga,
Imaraadka, India, South Africa ka gaabsadeen. Ruushka iyo Shinaha kama
qaybgelin Kulanka ay dowladda Mareykanka horboodeysay, loogana soo horjeeday
dagaalka u dhexeeya dowladda Ruushka iyo Ukraine. Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya kala kulmi doonto cadaadis iyo dibin
daabyo dalalka ka soo horjeeda shirkaas.
5. Tixgelin
la’aan ra’yiga, cabashada, iyo guux maalmeedka dadweynaha oo tilmaan ka
bixinaya falcelinta xilgudasho xumida DFS. Wax ka
qabasho la’aanta guuxa dadweynaha waxay sababeysa niyad xumo, quus, iyo curyaamin.
Bankiga Adduunka wuxuu dhowaan Soomaliya
ka hirgeliyay Sahan Ra’yi (Country Opinion Survey)
si
uu u ogaado aragtida Daneeyayaasha (stakeholders) isugu jira Soomali iyo Ajnabi
ay ka qabaan shaqada Bankiga Adduunka ka wado Soomaaliya. Afarta arrimood ee sahanku ku saabsanaa waxay
kala yihiin: 1. Aragtida guud ee Daneeyayaasha ka qabaan xaaladda Soomaaliya;
2. Dareenka guud ee laga qabo Bankiga; 3. Aragtida Daneeyayaasha ay ka qabaan
waxtarka, natiijada, shaqada, shaqo aqoonta, iyo daahfurnaanta Bankiga; 4.
Aragtida Daneeyayaasha ka qabaan kaalinta mustaqbalka ee Bankiga. Haddii Bankiga
Adduunka sahminaayo ra’yiga Soomaalida iyo Ajnabiga ka qabaan xilgudashadiisa,
maxaa la gudboon Madaxda DFS?
6. Tixgelin
la’aan itaal-darrida iyo dhib u dhaca dhismaha dowladnimada Soomaaliya ku sugan
tahay. 12 sano waxaa qabyo ah dhismaha nabadda iyo
dowladnimada Soomaaliya. Shanta (5) guulo ee DFS ka sheegato fagaarayaasha,
kuwaasoo kala ah deyn cafinta, qaadista cunaqabteynta hubka, ku biiridda
Ururka dalalka Afrikada Bari, iyo doorashada kursiga Golaha Ammaanka
2025-2026, gulahaasoo mudan aqoonsi, haddana waa guulo aan waxba
ka beddelin xaaladda aadka u liita ee Soomaaliya ku sugan tahay xagga nabadgelyo
xumida, maamulxumada dowladnimo (bad governance), argagixisada caalamiga ah, shaqo
la’aanta, iyo saboolnimda. Adduunka wuxuu ku mashquulsan yahay in Soomaaliya
loo helo Ciidammo nabad ilaalin ah iyo gargaar bani’aadannimo gaaraya $1.6
bilyan. Wakiilka Xoghayha Guud ee QM wuxuu
Soomaalida ugu baaqay wada hadal, wada shaqeyn ku xallinayaan khilaafadkooda,
kuna gaarayaan heshiis wadareed. Waxaa loo baahan yahay dhaqan
dowladeed hadalka u beddeleya wax qabad xaqiijinaya midnimada, nabadgelyada,
horumarka iyo maamul wanaag Soomaaliya. Sidaa darted, gguusha dhabta
ah ee wax ka beddeleysa xaaladda liidata ee dalka oo muraayadiisu tahay Caasimada
Muqdisho waxay ku xiran tahay dhismaha dowlad karti leh ee xaqiijisa higsiga
2026.
7. Ku
tilmaamidda DFS “Madax Ka Nool,” “One-Man Government.” Safarrada
Madaxweynaha JFS aan caadiga aheyn waxaa ka dhashay kala soocid la’aan xilalka
Madaxweynaha, RW, Wasiirrada, Xoghayayaasha, Agaasimayaasha Guud,
Agaasimayaasha, iyo La Taliyayaasha, iyo xilalka kala duwan ee hay’adaha
dastuuriga ah, waxayna su’aal geliyeen baahida jiritaanka hay’adaha dowladda
iyo takhasuska shaqo ee hay’ad kasta loo abuuray, iyo mas’uuliyadda jaranjaro iyo
isku xirnaan ee shaqooyinka dowladda. Madaxweynaha JFS iyo Barlamaanka Federaalka
ayaa u xilsaaran Jiheynta siyaasadda dalka, karti siinta hay’adaha dowladda,
iyo mas’uuliyadaha dabagalka iyo la xisaabtanka Xilgudashada RW, Wasiirrada, Saraakiisha,
Shaqaalaha, iyo Ciidammada dowladda si loo xaqiijiyo wax qabadka qof iyo hay’ad
kasta ee dowladda. Hagaajinta Maamulka
iyo Maareynta Maaliyadda, hantida, shaqaalaha, Ciidammada dowladda ayaa asaas u
ah la dagaalanka argagixisada, nabadgelyo xumidda, musuqmaasuqa, cadaalad-darrada,
shaqo la’aanta, iyo fulinta shaqo-dowladeed ku saleysan sharci iyo habraac
maamul ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.
Dr.
Maxamud M. Culusow
[email protected]