12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Tayeeynta iyo Xallinta Caqabadaha Waxbarashada Soomaaliya

Sunday October 20, 2024
Dr. CabdiNuur Sheekh Maxamed

Qoraalkaan wuxuu diiradda saarayaa caqabadaha waxbarashada dalka ka jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, loona tayeyn lahaa waxbarashada Soomaaliya. Talooyinka xalka lagu raadinaayo ee qoraalku uuu diiradda saaraayo waxay qeyb ka yihiin talooyin lagu qoray buug kol dhow soo bixi doona oo waxbarashada looga hadlaayo oo la yiraa “Macallinkeen Allow Kaal”.

Sida la wada ogsoon yahay waxbarashadu waxay u nugushahay khilaafaadka siyaasadeed, culaysyada dhaqaale iyo xasillooni-darrada soo foodsaara bulshada. Walow burburkii dalka kadib, la isku dayey in aysan waxbarashadu hakad gelin oo aysa joogsan, oo ay dad badan u dhabar-adeegeen, haddana waxaa weli ku geedaaman caqabado u baahan in laga hor leexiyo, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan waxbarasho gaarsiisa mustaqbal ay la jaanqaadi karaan jiilkooda ku nool Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kaleba.

Caqabadaha hor taagan waxbarashada dalka oo ay hay’adda la yiraahdo “Fortune of Africa” horay wax uga qortay waxay sheegeysaa in ay yihiin:1) khilaaf siyaasadeed uu dib u dhigay waxbarashada; 2) goobihii waxbarashada ama dugsiyada oo aan dalka ku filnayn;3) dhaqaalaha lagu bixiyowaxbarashada oo aad u yar;4) baahi weyn oo ka jirta in la helo macallimiin tayo leh oo tababaran; iyo 5) baahi badan oo ka jirta in ardaydu helaan goobo ay jimicsiga iyo ciyaaraha ku bartaan (Gym/sports).

Waxaa sidoo kale qaba hay’adda waxbarashada caalamka ee loo yaqaan “Global Partnership for Education (GPE)” oo ah hay’ad ay ku midoobeen deeq-bixiyayaasha dhaqaalaha caalamiga oo taageera Soomaaliya, oo ay  leedahay xaaladaha colaadda iyo siyaasadda aan fadhiyin darteed ayaa culays dheeri ah ku keentay waxbarashada ka jirta “koofurta dhexe” (South Central) oo ah magaca loo yaqaan dhulka ay maamusho Dowladda Federaalka, halka Puntland iyo Soomaaliland ay nabad iyo xasilooni siyaasadeed ka jiraan taas oo horseedday in ay kor u kaceen tirada ardayda dugsiyada ku jira (school enrollment). Waxay intaa raaciyaan dib u dhiska waxbarashada ee “koofurta dhexe” in uu dhaqan-galkeedu yaraa, fursadaha waxbarasho dowli ah oo ardaydu helaan uu koobnaa, maadaama dugsiyada ay badankood gacantaku hayaan hay’ado gaar looleeyahay.

Waxaa kaloo jira in tayada waxbarashada ay liidato maadaama macallimiinta tababaran ay yar yihiin, manhajyo badan oo kala duwan ay jiraan, dhismaha dugsiyada oo aad u liita, iyo awood yari jirta in lagu haqab tiro baahida baahsan ee jirta. Waxyaabaha la isku dayey in la qabto oo xaaladda wax ka beddeli kara waxaa ka mid ah in la mideeyey manhajka waxbarashada “koofurta dhexe” iyo in la dejiyey imtixaan heerkiisu ka tarjumo in ardaydu ay ku najaxeen manhajka loodejiyay.

Warbixinnadaas iyo kuwa kale waxay sheegayaan in arday ka badan 3-5 million ay banaanka ka taagan yihiin waxbarashada, kuwaa oo loo yaqaan (out-of-school children) oo da’doodu u dhaxeeyso 5 jir ilaa iyo 25 jir oo u baahan in ay waxbarasho toos ah ama mid dadban oo ay xirfad ay ku shaqeeystaan ka helaan.

Waxaa xusid mudan in waxbarashada dlaka ay maalgeliyaan waalidka Soomaaliyeed oo bixiya inta ugu badan kharashaadka waxbarashada ubadkooda. Waxaa waalidka soo labeeya hay’adaha deeq-bixiyayayaasha oo markaa ay dowladdu soo geleyso doorka saddexaad. Marka la isku fiiriyo dakhliga waxbarashada ee dowladaha Geeska Afirka waxaa cad in Soomaaliya ay ugu hooseeyso maalgelinta waxbarashada.

Waxaa muuqata in caqabadaha waxbarashada dalka oo aysan siyaasad ka marneyn ay u baahan yihiin xal waafiya oo dhidibada u taagi kara waxbarasho aragti fog ku saleysan oo tayo leh oo soo saarta jiil cusub oo aqoon, xirfad, iyo kartiba leh oo ay ku difaacaan diintooda, dadkooda iyo dalkooda.

Si loo gaaro waxbarasho dhameeystiran oo soo saarta muwaadin dhan walba ka dhisan, waa in la diyaariyaa halbeeg waxbarasho (educational standards) oo ay hiigsadaan heer walba oo waxbarasho taasoo horseedeysa natiijo (outcome) dalku uu ku gaaari karo hiigsiga caalamiga oo yoolka 4aad ah ( SDG4) taas oo dalka u horseedeysa waxbarasho tayo leh oo afka qalaad loogu yaqaan “Sustainable Development Goals” (SDGs).

Si horumarka waxbarashada la hiigsanaayo loo gaaro, waa in laga hawlgalaa dowlad iyo shacab-ba, sidii caqabadaha hortaagan waxbarashada loog horqaadi lahaa, oo wadatashi looga sameyn lahaa sida ugu wanaagsan ee ardayga mustaqbalka loo diyaarin lahaa kaasoo leh aqoon iyo xirfad uu ku shaqeysto, faham guud uu adduunka kula macaamilo, garasho dadnimo iyo halka uu ka soo jeedo, iyo difaaca mabaadi’diisa, qarankiisa iyo diintiisa.

Run ahaantii, waxbarashada oo la tayeeyo waxay u baahan tahay dhaqaale baaxad leh oo ay shacab iyo dowlad-ba ugu talogalaan dhisidda mustaqbalka jiilka dambe oo qeyb ka ah horumarinta dalka oo lagu bixiyaa dhaqaale mug leh. Kharashka dowladda Soomaaliyeed ay ku bixiso waxbarashada waxa uu aad uga hooseeyaa qoondada 20% (Gross Domestic Product) oo uu caalamku ku heshiiyey in ay dawladuhu hiigsadaan oo aanan laga hoos marin. Waxaa isweydiin mudan miisaaniyadda Soomaaliya ay ku bixiso difaaca iyo amniga iyo midka lagu bixiyo waxbarashada wuxuu kuu muujinaaya meesha ay Soomaalida shacab iyo dowlad-ba muhiimadda manta ay u arkaan taasoo ah difaaca qaranka, hase ahaatee difaaca runta ah ee qaranku yahay dhisidda mustqbalka dhaliinta Soomaaliyeed kuwaas oo maanta halis ugu jira in ay kooxaha argagaxisada dhaqaale iyo fursado kale ku jahawareeriyaan.

Talooyin:

  1. Maalgelinta Waxbarashada

Si loola jaanqaado adduunweynaha loona helo waxbarasho tayo leh oo miradhal ah, waa in si mug leh kor loogu qaadaa qoondada waxbarashada ee miisaaniyadda dowladda oo lagu muujiyaa muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay Soomaaliya. Dhaqaalahaasi wuxuu noqon karaa mid ka yimaado canshuurta dadka laga qaado iyo mid lagu helo taageerada ay bixiyaan deeq bixiyayaasha caalamka. Si kastaba halagu helee, dalku wuxuu u baahan yahay miisaaniyad waxbarasho oo la eg 20% waxsoosaarka gudaha (GDP). Waxaan shaki ku jirin in kharashaadka ardayga ee loo yaqaan (perpuil expenditure) uu la eg yahay $200 ardaygii halka dunida horumartay ay ku bixiyaan $10k-$20k arday walba sannadkii, walow dowlado badan oo Afrikaan ah aanay dhaqaale badan ku bixin waxbarashada sida Soomaaliya oo kale.

Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya- sannadka 2023

Wasaaradda Waxbarashada $34,790,679

Jaamicadda Ummadda Soomaaliyeed $7,210,149

Akademiyada Fanka iyo Sayniska $1,416,071

Akadamiyada Afsoomaaliga $1,363,256

Wasaaaradda  Caafimaadka $83,619,836

Wasaaradda Beeraha $1,966,556

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa $6,136,434

Wasaaradaha Difaaca iyo Amniga $197,137,749

                                                                     Tixraac: MOF.GOV.SO

Shaxdaasi waxay muujineeysaa miisaaniyadda wasaarado kooban oo runtii muujinaaya muhiimaadda dalku uu siinaayo difaaca qaranka marka loo barbardhigo wasaaradaha ugu waxsoo-saarka badan dalka oo ah waxbarashada, caafimaadka iyo xanaanada xoolaha oo ah halka oo ka kobco dhaqaalaha dalka.

  1. Waddaniyadda iyo Hirgelinta Afsoomaaliga

Manhajka waxbarashada dalka oo heer walba leh kama muuqdo barnaamij ardayga lagu baraayo waddaniyadda, Soomaalinimada iyo mas’uuliyaadka muwaadhinka ka saaran dalkiisa iyo xuquuqda uu ku leeyahay-ba oo afka qalaad lagu yiraa “civics education”. Soomaaliya waxay waqtigan xaadirka ah la daalaa-dhaceeysaa fekredo khaldan oo qabali ah ama ay horseed ka yihiin quwado wadajirka Soomaalida ay dhibeeyso. Dadkaasi waxay shacabka u xumeeynayaan waddaniyadda, iyagoo tooda ku dheggan, oo ka dhigayaan waddaniyadda wax khayaali ah, islamarkaana buunbuuniyaan mabad’i qabali ah ama  aragti dhow oo goboleysi ah ku saleysan. Waa muhiim in awoodda la isugu geeyo in shakhsiga Soomaaliga ee mustaqbalka la baro waddaniyadda, si uu u yeesho mowqif adag oo shacabku ku mideysan yahay oo lagu ilaaliyo jiritaankiisa iyo qarankiisa Soomaaliyeed. Dadka qaar baa ku dooda in xukuumaddii militariga ah ay ardayda iyo shacabka-ba baraysay waddaniyad, haddana la waayey raadkeedii markii burburka ka dhacay dalka sannadkii 1991-kii. Waxaa la dhihi karaa xukuumaddaasi waxay awoodda saartay taageeridda mabaadi’da kacaanka oo ay horumarineeysay ee lama imaan qorshe barbaarian iyo kobcin waddaniyad oo mucaarad iyo muxaafidku raali ka wada  yihiin  ayna ka wada arkaan jiritaankooda iyo difaaca qarankooda oo aan ku koobneyn xukuumadda markaa jirta.

Barashada wadaniyadda iyo isticmaalka luqadda Afsoomaaliga-ba waxay door weyn ka ciyaarayaan qaranimada Soomaaliya oo dadku aysan marnaba u arkin in Afsoomaaligu yahay mid aan horumar lagu gaarin oo dib-u-dhac u horseeda. In luqadda Soomaaliga wax lagu barto kama duwana in aad Romanian, Swedish, Danish, Turkish, iwm aad wax ku barato. Ardayga luqadaahaas iyo Afsoomaaliga wax ku barta waxay u wada baahan yihiin in ay luqad labaad oo caalami ah ku kabaan aqoontooda. Taasi macnaheedu ma ahan in aqoonta ay ku barteen luqaddooda in ay ka liidato tan luqadda ajnabiga ah lagu bartya.

Waxaase in hoosta laga xariiqo mudan, haddaan luqadda Soomaaliga la kobcin oo loo isticmaalin waxbarashada in ay baaba’ayso oo booskeedii ay luqado kale soo gelayaan. Waxaa la wada ogsoon yahay in luqaduhu kobcaan oo wax ku soo kordhaan iyagoo la jaanqaadaya xadaaradda markaa la joogo. Waxaa nasiib darro ah in eraybixinta Afsoomaligu ay joogsatay markii dalka burburku ka dhacay oo aan wax eraybixin cusub aysan ku soo biirin afsoomaaliga. Dadaal dheeri ah oo lagu kobcinaayo suugaanta Soomaaliyeed ayeey sameeyaan hay’adaha Akademiye Goboleedka Afsoomaliga iyo Akadamiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, hase ahaate waxay u baahan yihiin taageero dowli ah oo keenta in awood la saaro eray-bixinta, kobcinta Afsoomaaliga iyo suugaanta astaanta u ah ummadda Soomaaliyeed iyadoo la tixgelinaayo lahjadaha kala duwan ee deegaanada dalka.

Teeda kale luqadaha caalamiga ah ee hadda dadku wada rabaan in ay bartaan, mar bay ahaayeen luqado yaryar oo aan tixgelin badan mudnayn, laakin la kobciyey oo laga iibiyey adduunka intiisa kale. 

  1. Siyaasadeeynta Waxbarashada

Waxbarashadu sideedaba ma noqon karto mid siyaasadeysan oo khilaaf siyaasadeed ku dhex shaqeysa. Maxaa yeelaykhilaafka siyaasadeed waa la xallin karaa muddo ka dib, laakiinse waxbarasho hakad iyo khalad galay, iyo arday da’adii waxbarashada ka gudbay oo seegay waxbarasho tayo leh si dib loogu saxo ma lahan. Taasi waxaykeeneysaa dhaawac bulsho aan la koobi karin oo horseedi kara in ardayda qaar isaga tagaan waxbarashada oo shaqo iyohawlo kale raadsadaan si ay maslaxaddooda guud uga tashadaan. Waxaa lagu qiyaasaa arday gaaraysa 3 ilaa 5 milyan oo da’ada waxabarashada ku jirta ah in ay banaanka ka taagan yihiin waxbarashada oo aysan haysan fursad ay waxbarasho ku helaan.

Sababaha horseeday dib u dhaccan mugga weyn leh wuxuu yahay in wixii ka dambeeyey burburka dalka, shacabka Soomaaliyeed aysan helin waxbarasho qorsheeysan, nidaamsan, oo tayo leh oo soo saarta dad karti iyo hufnaan leh oo ay ka muuqato astaanta ardayga mustaqbalka dalka. Waxaa kale oo meesha ka maqnaa aragti fog iyo fursadaha nabadda oo horseedi karay in si miyir leh looga fekero ardayga mustaqbalka astaantiisa iyo waxa laga rabo marka uu dugsiyada sare ama jaamacadaha dalka ka soo aflaxo. Ma jiraa halbeeg lagu tilmaami karo ardayga dugsiga sare ama jaamicadaha ka soo baxa oo dheelitiran?

Haddaba, siyaasadda waxbarashadu waxay u baahan tahay in hal meel laga hago oo ay ku saleeysan tahay aragti fog oo ka tarjumeysa hiigsiga dalka iyo suggidda ka mira dhalinta hiigsigaas. Waxaa kaloo tixgelin iyo ka baaraandegid u baahan in la helo qaab culayska looga qaado ama laga yareeyo waalidka Soomaaliyeed oo ay dawladda kala wareegto masuuliyadda maalgelinta waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe iyo sare-ba intii la awoodo. Hadii aan mar lawada sameyn karin waxaa laga dhigi karaa in marka hore dugsiyada hoose bilaash laga dhigo, kadibna si tartiib-tartiib ah ilaa iyo dugsi sare ay lacag la’aan noqdaan. Xitaa bixinta khrashka jaamicadda waa culays aysan waalidku badankood awoodin iyadoo dhaqaalaha dalku uu xaald adag ku jiro. Xaqiiqda waxay tahay waalidka Soomaliyeed waa maalgeliyaha kowaad ee waxbarashada dalka oo heer walba leh soddonkii sano ee la so dhaafay ilaa iyo waqtigaan xaadirka ah.  Waalidku wuxuu mas’uuliyaddaas haayey iyadoodalka aysan ka jirin shaqoabuur iyo koboc dhaqaale oo nidaamsan oo ilaaliya sicir-bararka iyo waxyaabaha maciishadda kor u qaada, kuwaa oo ku khasba qaar waalidka ah in ay awoodi waayaan kharashka waxbarashada ubadkooda oo dugsiga ka saaraan.

Dowladuhu sidooduba waa in ay dersaan xaaladda nololeed ee mujtamaca iyo dhaqalaaha una turaan shacabkooda marka nolosho adag tahay oo ay dareemaan in kororka maciishadda iyo culayska nolosha guud ay horseedeeyso deganaansho xumo, dhaqaale-darro, jahawareer bulsho iyo mid siyaasad-ba.Waxaa xusid iyo bogaadin mudan in dowladdii militariga ahayd ee dalka ka talineysay 1969kii-1991kii ay waxbarashada dalka ilaa heer jaamacad bilaash ka dhigtay oo arday badan oo qoraagu ka mid ahaa ka soo aflaxeen. Ilaa iyo waqtiga xaadirka ah ma jiraan dowlad soo koreeysa oo waxbarasho bilaash ilaa heer jaamicad bixisay oo aan Soomaaliya ka ahayn. Waxaa laga yaabaa in da’yarta ay arrintaasi qaadan waayaan markeey u kuurgalaan habdhaqanka mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo dib-u-dhaca waxbarashada door weyn ka qaatay iyadoo Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada aysan lahayn heshiis qoran oo qeexaaya mas’uuliyadahooda kala duwan iyo nidaam ay ku qeybsadaan dhaqaalaha iyo minxooyinka dalka soo gala, taasoo keentay is qabqabsi iyo in aysan si toos ah u wadashaqeyn. Khilaafka ka dhashay heshiis la’aantu gaar ahaan midka waxbarashada wuxuu qeyb ka yahay khilaafka guud ee siyaasadda dalka taasoo mar walba caqabad ku ah horumarinta waxbarashada. Waa in xal deg-deg ah loo helaa in siyaasadda waxbarashada laga dhex saaro siyaasadda dowladaha heer qaran iyo heer gobol ka dhexeeya. Waa arrin u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo haddii aysan dowladda federaalku faraha kala bixin maamulka waxbarashada oo nidaamka federaaligu ka dhigay mas’uuliyad ay u gacan banaan yihiin dowlad-goboleedyadu, in iyada loo soo celiyo oo ay mas’uul ka noqoto waxbarashada dalka sida arrimaha dibedda iyo difaaca qaranka. Taasi waxay horseedeeysaa in isqab-qabsiga dowladaha ka dhaxeeyo uu meesha ka baxo, shacabkuna helaan waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay iyo dowlad ay kula xisaabtamaan.

  1. Macallinka iyo Tayada Waxbarashada

Macallinku waa udub-dhexaadka waxbarashada daadihiya oo gaarsiiya ardayda yoolka waxbarasho ay tiigsanayaan. Si uu u wajaho masuuliyadda loo igmaday, macallinku waa in uu helaa daryeel iyo mushahar ku filan oo haqabtira baahidiisa gaarka ah si uu uga madaxbanaanaado in aanu ku mashquulin mehrado kale oo uu maciishad dheeri ah ka raadiyo, kana dib dhaco shaqdiisa macallinimo. Waa muhiim in mushaarka macallinka kor loo qaado oo la siiyo muhiimadda ay xirfadda macallinimada u leedahay bulshada. Macallin mushaharkiisu yaryahay oo aan ku niyad sameeyn ma u hagar bixi karo ardaydiisa oo dadaal dheeri ah ma gelin karo shaqadii loo igmaday. Macallinka noocaas ah ma noqon karo mid waajibaadkiisa u guta sida loo igmaday maadaama uu weli ka fekeraayo nolol maalmeedka qoyskiisa.

Intaa waxaa dheer, waqtiga wax la barto oo aad u yar, macallinka iyo maamulaha oo aan badanaa tababar fiican lahayn,iyo iyadoo aysan jirin kormeer joogto ah oo nidaamka waxbarashada iyo fulinteeda ilaaliya. Waxaa bogaadin mudan oo tilaabo horay loo qaaday ah in la diiwaangeliyo macallimiinta oo heer walba leh iyo shahaadooyinka ay haystaan oo shaqaale dowladeed ah, kuwaas oo u tababaran macallinimo kala heer duwan. Waa in la ballaariyaa barnaamijkaas oo la adkeeyaa in macallimiintaas oo dhan ay ka hawlgeli karaan dalka meeshii la doono oo ay tasdiiqintooda deg deg loo heli karo iyo  tababarada joogtada ah ee ay soo qaateen, si loo caddeeyo heerkooda waxbarasho iyo xirfad, loona adkeeyo tayada macallinka. Waxaa caada noqotay in qaar ka mid ah hoggaanka hay’adaha waxbarashada kala duwan aysan warbxinnada si joogto ah ama si sax ah ugu soo gudbin hay’adda xog uruurinta oo loo yaqaan EMIS ( Education Management Information System). Sababo badan ayaa keeni kara in aan xogta waxbarashada lala wadaagin dowladda oo ay dhici karto in loo arko in ay tahay awood ay leeyihiin hay’aduhu oo ay dowladda ku ciriiriyaan ama xogta saxa u gudbiyaan hay’adaha ajnabiga ee deeq-bixiyayaasha ah. Arrimahaasu waxay horseedayaan in xogta waxbarashada dowladda aysan dhameeystirmin ama daldaloolo yeelato. Waxaa in la ogsoonaado ah in xogta waxbarashada (educational data) ay ardayda, waalidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin oo aysan hoggaanka hay’addaasi ku takri fali karin, dowladduna mas’uul ka tahay xogtaasi.   

Tayada Waxbarashada

Waxaan la iska indhatiri karin in ay hay’adaha deeq-bixiyayaasha ay  aqoonsadeen in waxbarashada Soomaaliya ay tahay mid ku jirta xaalad degdeg ah (emergency education) oo aan marnau gudbin mid horumarin ah (developmental education).  Dowladdu waa in ay arrintaasi ka dooddaa oo ka biyodiidaa oo aan la aqbalin in soddon sano dalku ku jiro waxbarasho degdeg ah. Labadaa nidaam farqi weyn baa u dhaxeeya oo midda hore waxaa loogu talo galay dad barakacay oo aan deganaansho dhab ah haysan oo la siiyo waxbarasho teel-teel ah oo deg-deg ah oo lagu tilmaami karo mid “garab rarato” ah, sidii Ololihii waxbarashada reer Miyiga ee sanadihii 1974-1975kii. Waxbarashada noocaas ahi kuma haboona in la siiyo caruur magaalo iyo tuulooyin ku barbaaray oo aan culays barakac iyo mid amni darro muuqda ah aan haysan. Arrintani waxay u baahantahay in hay’adaha waxbarashada dalka oo nooc walba leh aysan aqbalin in ardayga dantu bidday oo qaxootigaah iyo kan magaalooyinka deggan in ay helaan waxbarasho siman oo loogu wada magac daray “waxbarasho deg-deg ah.” Micnaha ka dambeeya waxbarashada degdegga ah ayaa ah in ardaygani xaalad adag wax ku bartay oo uusan helin waxbrasho fadhida oo nidaamsan, oo ay u dhan tahay agabka waxbarashada iyo macallimiin tayo leh.

  1. Waxbarashada Miyiga iyo Barakacayaasha Gudaha Dalka

Waxaa xusid mudan in waxbarashada reer miyiga iyo kuwa bulshada barakacay oo iyadana dowladdu aaney mas’uul iska saarin oo sideedaba loo daayey oo faraha looga qaaday maamulkooda hay’adaha gargaarka fidiya ee caalamiga ah. Dugsiyada ku yaala dadka soo barakacay ee deggan nawaaxiga magaalooyinka sida Muqdisho iyo magaalooyin kale waxaa gacanta ku haaya hay’adaha gargaarka. Taasi waxay muujineeysaa in maamulka waxbarashada barakacayaasha uusan dowladda gacanta ugu jirin oo faraha looga qaaday hay’adaha gargaarka. Waxaa muhiim ah in dadka ku barakacay dalka dhexdiisa oo ah muwaadhiniin, in ay waxbarashadooda hoos timaaddo maamulka waxbarashada ee dowliga ah si ay u dareemaan in ay dalkooda iyo dadkooda ka helaan daryeel.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladdu ay dastuuriyan mas’uul ka tahay shacabka Soomaliyeed ee dalka gudahiisa jooga, mana habboona in hay’adaha gargaarka ay u abaabulaan dugsiyo waxbarasho dadka dalka dhexdiisa ka soo barakacay oo deggan magaalo weyn ama nawaaxigeeda. Waa wax la garan karo in gargaar loo fidiyo qaxootiga dalka dibeddiisa jooga, hase ahaatee kan dalkiisa  dex jooga (internally displaced persons) waxaa uu xaquuq ku leeyahay oo ma’suuliyaddiisu saarantahay dowladda Federaalka iyo dowladgoboleedyada. Waxaa nidaamku na faraayaa in gargaarka loo fidinaayo dadkaas dhibaateysan loo soo mariyo dowladda iyo hay’adaha gargaarka dalka oo iyaguna xil iska saara maareynta mas’uuliyadda iyo gargaarka barakacayaasha Soomaaliyeed.

  1. Jiheeynta Waxbarashada

Caqabadaha haysta jihaynta waxbarashada waxaa ka mid ah in waxbarashada dalka ay u qeybsan tahay saddex qeybood oo ay kala maamulaan DowladdaFederaalka, Dowlad-goboleedda Puntaland, iyo maamulka Soomaaliland. Waxaadowladdu ku guuleysatay kol dhow in GPE (Global Partnership for Education) culays badan kadib ay warbixinta iyomaalgelinta waxbarashada Puntland ka dhigtay mid hoos timaadda Dowladda Federaalka sida dastuurka qabo. Waa tallaabo hore loo qaaday oo bogaadin mudan.  Hase ahaatee, dowladda Federaalka waa in ay la saxiixataa heshiis dhammaan dowlad-goboleedyada si nidaam la isku waafaqsanyahay waxbarashada dalka loo maamulo oo la yareeyo herdenka aan dhamaan oo siyaasadeeysan.

Si loo jiheeyo waxbarashada Soomaaliya oo ay uyeelato yool ay Soomaalidu hiigsadaan waa in laga heshiiyaa khilaafka waxbarashada oo Dowladda Federaalka, Dowladgoboleedyada iyo Maamulka Soomaaliland ay ka doodaan, meelna isla dhigaan heshiis waxbarasho oo shacabka u daneeya oo khilaafka siyaasadeed ka maran, si loo helo waxbarasho tayo leh oo hagaajisa mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waa in heshiiskaasu qeexaa mideynta manhajka waxbarashada dalka, imtixaannada,tixgelinta iyo oggolaanshahabeddelka (student transfer) ee shahaaddoyinka iyo transcripts-ka.Waa in la sameeyaa hal shahaado oo dugsi sare oo heer qaran ah oo ay ardadu helaan oo u fududeysa in ay aqoontooda si fudud u kororsadaan dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba. Marna lagama fursanaayo in si qoraal ah loogu heshiiyo qaabka loo qeybsanayo deeqaha iyo dhaqaalaha waxbarashada dalka soo gala iyo cashuurta gudaha ka soo baxda (resource sharing agreement). Dowladda Federaalka iyadoo la kaashaneeysa hay’adaha caalamiga waa in ay joojisaa nidaamka saddexda qeybood (South Central,  Puntland iyo Somaliland) ee deeq-bixiyayaashu caadeesteen oo la  siiyaa  mudnaanta Dowladda  Federaalka oo ay noqotaa (single point of contact) ama cidda lagala xaajoodo xaaladda iyo horumarinta waxbarashada dalka. Dowladda Federaalkuna waa in ay la timaadaa barnaamij si siman dowlad-goboloeedyadu wax ugu qeybinayso oo caddaalad ah.  Waa muhiim in deeqaha waxbarashada ee hay’adaha kala duwan bixiyaan meel la isugu geeyo, sida xafiis cusub oo laga furo Wasaaradda Waxbarashada oo qaabilsan minxooyinka (scholarships) oo ay ka talo geliyaan guddiyo madax bannaan, si nidaam caddaalad ahna ardayda Soomaaliyeed fursadahaas qaaligaah looga faa’ideeyaa. Haddii aan maamulka Waxbarashada ee heer federaal uusan degenanayn, uusan cadaaladna ku shaqeyn ma hureeyso in lays barbaryaaco oo lays qabqabsado oo dowladgoboleedyadu iskood u daaq-tagaan sida laga weriyey madax hore oo ka tirsanaa dowlad-goboleedyada. 

  1. Daryeelka iyo Kobcinta Dugsiyada Qur’aanka

Dugsiyada Qur’aanka waa saldhigga waxbarashada ardayda Soomaaliyeed. Waa albaabka waxbarashada laga soo galo, loogana gudbo noocya kale oo waxbarasho ah.  Muddo ayey dugsiyada Qur’aanka banaanka ka taagnaayeen maamulka waxbarashada dalka, sababo badan awgeed. Waxaa muhiim ah in  wasaaradaha waxbarashada heer qaran iyo heer dowlad-goboleed wadahadal la furaan hoggaanka dugsiyada Qur’aanka oo la helo qaab loo horumariyo (maalgeliyo) waxbarashada dugisyadaas, qeybna ay ka noqdaan barnaamijka waxbarashada dalka. Waxaan la iska indha-tiri karin nidaamka dugsiyada Qura’aanka  oo aan wax isbeddel ah ku dhicin ama aan horumar gaarin oo ay ka liitaan dhanka barbaarinta carruurta, gudbinta manhajka, agabka waxbarashada, tababarka macallimiinta, maalgelinta, iwm, isla markaana aan mudnaan ku lahayn nidaamka waxbarashada dalka. Maadaama ay waxbarashada Dugsi Qur’aanka ay sal (foundation) u tahay waxbarashada maadiga ah, waa in Dowladdu xil iska saartaa sidii loo kobcin lahaa dugsiyada qu’aanka oo loo jiheyn lahaa habka tarbiyada caruurta. Dabcan, in dugsiyada quraanku ka madaxbanaandaan dowladda waa mid la isla oggolaan karo, haddana waa in la helaa cid kobcisa oo daryeesha dugsiyada sida dowladda ama hay’ado madaxbanaan oo aan hawshaas baaxadda leh lagu sii deyn waalidka oo keliya.

Dalku wuxuu u baahan yahay hay’ad gaar ah oo qaabilsan waxbarashada Qur’aankaoo hoos timaadda Wasaaradda Waxbarashada ama Wasaaradda Awqaafta, si loo mideeyo manhajka barbaarinta carruurta dugsiyada wax ku barta, tababarka macallimiinta dugsiyada quraanka, iyo aqoonsi shahaado macallinnimo la siiyo macallimiintaas. Waxaa kaloo muhiim ah casriyeynta agabka waxbarashada Dugsi Quraanka oo aan muddo isbedelin, taakuleynta dhismaha dugsiyada Qura’aanka iyo mushaharka macallimiinta.

  1. Tacliinta Sare

Walow Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) oo ku taalla magaalada Muqdisho ay tahay hormuudka jaamacadaha dalka, hase ahaatee mawada gaarto dalka oo dhan oo ma haqabtiri karto baahida waxbarashada sare ee dalka. Nasiibwanaag, waxaa dalka ka bilowday burburkii kadib in ay furmaan jaamacado farabadan oo gaar loo leeyahy oo dalka oo dhan laga wada furay. Tirakoobkii jaamacadaha ugu dambeeyey wuxuu sheegaayaa in ay jiraan 118 jaamacadood oo 41 jaamacadood keliya ay buuxiyeen shuruudaha jaamacadaha looga baahan yahay oo ay dejisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Jaamacadahaas oo sababo kala duwan loo aasaasay, haddana waa muhiim in ay tayada waxbarashadooda kor loo qaado, taageero loo fidiyo, ama albaabada loo xiro hadii aaney ka soo bixin karin shuruudaha asalka ah (basic requirements) oo ay jaamacad ku furnaan karto, si aan ardayda Soomaliyeed waqtiga looga lumin, waalidkuna lacag ku bixin waxbarasho aan tayo iyo mirodhal lahayn. Haddaba, wasaaradda waa in ay diyaarisaa shuruuc kala saaraysa noocyada jaamicadaha, taas oo tixgelineysa tayada macallimiinta, kulliyadaha, Qalabka waxbarashada, manhajka iyo halbeegga waxbarashada jaamacadda. Noocyadaas waxay noqon karaan: Jaamacad, kulliyad, hay’ad waxbarasho sare, hay’ad farsamo gacan, iwm. Astaamahaasu waxay u sahlayaan waalidka iyo ardayda in ay kala doortaan jaamacadaha iyagoo tixgelinaayaa mustawaha tayadooda iyo waxqabadkooda.    

  1. Qiimaha Waxbarashada

Burburkii dalka kadib waxaa hoos u dhacay qiimaynta iyo qiimaha waxbarashada (value of education) iyo qadarinta bulshada u hayso qofka wax bartay oo dadaal dheeri ah muujiyey. Waxaa aad u batay in jaamicaduhu darajooyinka ay bixiyaan aysan iswaafaqsaneyn oo khiyaano iyo musuqmaasuq soo dhexgalo natiijada waxbarashada ardayda, taas oo horseedeeysa niyad jab iyo in la barto in qaab kale wax loo raadsado. Jaamicadaha waa in ay mas’uuliyad iska saaraan in ay ilaaliyaan qiimaha waxbarashada oo aaney soo saarin arday aan lahayn aqoonta looga baahan yahay qofka shahaadada wato. Ku takrifalka darajada ama shahaadooyinka waxay horseedayaan qiime dhac ku yimaada waxbarashada iyo sumcad xumo soo gaarta jaamacadaha. Waxaa wax la yaab leh ah dhakhtar aan diyaarsaneyn oo aan wax daweyn karin, Injineer aan wax dhisi karin iyo kalkaaliye caafimaad aan dhiig qaadi karin waxay dhammaantood halis gelinaayaan jiritaanka shacabka. Si qiimaha waxbarashada kor loogu qaado, waa in shahaadooyinka been abuurka ah laga hortagaa, jaamacadaha khiyaaliga ah oo aan aqoonsiga lahayn albaabada loo xiraa, maxaa yeelay waxay qiimo jebinayan jaamacadaha bixiya shahaadooyinka rasmiga ee dadaal, aqoon iyo cilmi baaris waxbarashadoodu ku saleysan tahay. Aqoonta iyo xirfadaha ardayda oo la barxaa waxay horseedeeysaa burubur dhaqaale iyo aqoondarri baahsan oo lakala garan waayo aqoonyahanka saxa ah oo dadaal dheeri ah ku bixiyey waxbarashadiisa iyo midka shahaadada bugta ah la ordaaya.

  1. Abaabulka Hay’ado Waxbarasho

Wasaaradaha waxbarashada heer qaran iyo heer gobolba ma noqon karaan hay’adaha waxbarashada keliya oo dalka ka jira. Waxaa muhiim ah in la abaabulo hay’ado aan dowli ahayn oo ka madaxbanaan wasaaradaha oo waxbarashada dugsiyada iyo jaamacadaha saacida, kuwa imtixaanaad gaar ah oo ka heer duwan kan dowladda dejiya, iyo qaar buugaag soo saara, iyo qaar talooyin ka bixiya jiheynta nidaamka waxbarashada dalka. Hay’adahaasi waxay hawl u qabanayaan dalka oo dhan, waxayna kor u qaadayaan heerka waxbarashada, isla markaanawaxay isku xirayaan hawlaha waxbarasho ee deegaanada dalka oo dhan ka socda.  

Waxaa kaloo dalku u baahan yahay in la hawlgeliyo Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare (National Commission for Higher Education) oo la qeexaa mas’uuliyaadka uu u madaxbanaanyahay, loonasameeyaa qorshe dhaqaale(budget) oo uu ku hawlgalo kana madaxbanaan maamulka Wasaaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo TacliintaSare. Taasi waxay sahleeysa in guddigu si hufan uu hawlihiisa u qabsado, tayada waxbarashadana kor u qaado. Guddigu wuxuu xiriir la yeelan karaa tusaale ahaan guddiga Tacliinta Sare ee Soomaaliland, si ay u wadaagaan macluumaad una dejiyaan nidaam waxbarasho oo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed guulo u horseeda, middaas oo ka maran siyaasadda. Guddiyadaasi waxay ka talabixin karaan culaysyada waxbarashada ee ka jira Soomaaliya, culaysyada waxbarashada haysta Soomaalida dalka dibeddiisa ku nool, oo ay soo saaraan macluumaad cilmibaaris ku saleysanoo horumarinaaya guud ahaan waxbarashada unabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Waxaa bogaadin mudan oo tallaabo horay loo qaaday ah in xukuumadda soo bandhigtay hindise sharciyeedka tacliinta sare oo waqtigan xaadirka ah horyaala Golaha Shacabka Soomaaliya. Walow tallabadani aad loogu baahnaa haddana waxaa weli jira doodo ku saleeysan madaxbanaanida guddiga, magacaabistooda, shaqooyinkooda oo laga madaxbaneeyo dowladda iyo iyagoo la hoos geeyey sida ku cad hindisaha maamulka Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare. Waa muhiim in guddigan noqdo mid madaxbanaan, raali laga yahay oo dalka oo dhan ka shaqo geli karo, si ay hawshoodu hore u socoto marka ay dawladuhu is bedelaan.

Gunaanad

In caqabadaha hortaagan waxbarashada dalka xal loo helo waxay u baahan tahay in shacab iyo dowlad-ba la garwaaqsado in culayska waxbarashada mas’uuliyaddiisu aysan saarneyn waalidka oo keliya oo dowladdu ay la wareegtaa mas’uuliyaddaas iyadoo siineeysa muhiimadda gaarka ah ay waxbarashada u leedahay horumarka dalka. Waa in dowladdu la timaadaa barnaamij ay ku qanci karaan shacabka Soomaaliyeed oo dib u soo nooleeya waxbarashada dowliga ah, si ay shacabku u helaan waxbarasho tayo leh, oo lacag la’aan ah oo meel walba oo dalka ah laga helo. Ubadka Soomaaliyeed ee ah jiilka soo koraaya ahna mustaqbalka dalka waxay xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho tayo leh oo ay waalid, aqoonyahan iyo hay’ado badan oo aan dawli ahayn u doodaan maslaxadooda, tayada waxbarashadooda iyo hagaajinta mustaqbalkooda.

Dhamaad.



Dr. Abdinur sheikh Mohamed
Wasiir hore Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

 www.Dowladwanaag.org

 



 





Click here