Thursday September 19, 2024
Waxaan halkaan hoose ku falanqeynaya Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Qof iyo Cod (Q&C) ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ansixiyay 8dii Agoosto 2024. Waxaan ka afeefanaya xaqiijinta asal ahaanta, sugnaanta xeerka sababtoo ah inay suura gal tahay in isbeddel lagu sameeyay xeerka kaddib markii Golaha Wasirrada ansixiyay. Waxaa shaki weyn laga qabaa asal ahaanta dokumentiga ka soo baxa xafiisyada/hay’adaha dowladda heer kasta iyo xafidaadooda, oo ah keyd dadweynaha Soomaaliyeed leeyahay.
Hindisaha Xeerka Doorashada Q&C oo ka kooban 9 cutub iyo 79 qodob wuxuu ka soo horjeeda dastuurka JFS, Nidaamka federaalka, mabaadi’ida doorashada Q&C, higsiga Midnimada, iyo Sinnaanta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Xeerku wuxuu sharciyeynaya, dhidibada u aasaya doorashada ku dhisan qoondada beelaha 4.5. Waa xeer lagula dagaalamayo matalaadda muwaadiniinta, xaqa codbixiyayaasha, iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya. Sidaa awgeed, Xeerku uma qalmo Ummadda Soomaaliyeed, waana lagama maarmaan in dib loogu noqdo.
Doorashada Q&C waa higsi loo marayo dariiqa wadatashi siyaasaded, sugidda nabadgelyada, ku dhaqanka sharciga, ku talagal dhaqaale, iyo maamul-wanaagsan, si loo gaaro dowlad haysata kalsoonida muwaadiniinta Soomaaliyeed. Somaliland iyo Puntland oo ka mid ah JFS waxay hirgeliyeen nidaamka doorashada Q&C, doorashooyinkaaso u baahan faaqidaad si nidaamka doorashada Soomaliya loo mideeyo.
Shacabka Soomaliyeed oo mid ah (one), ka kooban muwaadiniin keli ah, wuxuu 2012kii ku heshiisay nidaaamka Xisbiyada badan iyo doorashada Q&C ee dimoqradi ah, la hirgelinayo marka la dhammeystiro dastuurka kmg iyo qaab dhismeedka dowladda, la adkeeyo sarreynta sharciga, dalka laga xoreeyo Al Shabab, lana diyaariyo shuruucda iyo hannaanka doorashada Q&C. Ilaa maanta lama fulin shuruudihii gogoldhigga u ahaa hirgelinta doorashada Q&C. Sida awgeed, ka doodidda iyo meelmarinta Xeerka Doorashada iyo kan Xisbiyada waxaa ka horreeya dhammeystirka arrimaha kor xusan sida dastuurka kmg u qeexo arrimo badan oo asaas u ah doorashada xorta iyo xalaasha ah. Waa adag tahay in la rumeysto in Dowladda Federaalka oo awoodeeda Maamul aad u kooban tahay, aad u itaaldaran ay karti u leedahay inay dalka oo dhan ka fuliso doorasho xor iyo xalaal. Xalku ma ahan doorasho dadban oo boob ah.
Guddiga Madaxabannaan ee Dhammeystirka Dastuurka iyo Guddiga Kor Joogteynta laba Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) waxay wadaan la tashiyo dadweynaha ee 5 cutub ee ka mid ah 11kii cutub ee ka harsan dib u eegista dastuurka kmg, cutubyadaasoo ku saabsan heerarka dowladda federaalka (labo ama saddex heer), shuruudaha (qabitaanka haween Ajnabi ah, haysashada dhalasho/baasabor ajnabi ah) , xilka, iyo awoodaha Madaxweynaha JFS (sida Madaxa JFS iyo Xukuumadda ama Madaxa JFS keli ah), Xilka iyo Awoodaha Golaha Wasiirrada iyo Ra’iisul Wasaaraha, xilka iyo awoodaha BFS, tirada Xildhibannada Aqalka Sare, nidaamka Garsoorka, tilmaamaha Dowlad Gobleedyada (DG), Muwaadinnimada (Codbixiyayaasha) JFS, Xiriirka DFS iyo DG, Xiriirka isla xisaabtanka BFS iyo Laanta Fulinta iyo Madaxweynaha JFS, IsmaamulkaGobolka Benadir iyo Matalaadiisa BFS, Asteynta deegaanka Caasimadda JFS ee lagu magacaabo Muqdisho, iyo arrimo kale ee badan. Doodda 5ta Cutub waxay mugdi gelineysaa 4tii Cutub ee horey loo ansixiyay sida qodobka 8(3) oo dhigaya in muwaadinka Soomaaliyeed haysan karo dhalasho ajnabi ah.
Xeerka wuxuu dhigaya in hannaanka doorashada Madaxweynaha JFS, Hoggaamiyayaasha iyo Ku Xigennada DG, Duqa iyo Ku Xigeenkiisa Magaalada Caasimadda Muqdisho, Duqa iyo Ku Xigeenkiisa ee Magaalada Degmooyinka tahay doorasho lagu kala guuleysanayo cod hal dheeri ah (First-Past-the Post); halka doorashada Xildhibannada Golaha Shacbiga (GSH) iyo Aqalka Sare (AS) ee BFS noqoneyso doorasho lagu kala guuleysanayo nidaamka Matalaadda Isu-dhellitiran ee Liiska furan (Proportional Representation-Open List); halka doorashada Wakiillaha Golayaasha DG, Golaha Caasimada Muqdisho iyo Golaha Deegannada Degmooyinka noqoneyso doorasho lagu kala guuleysanayo nidaamka matalaadda isu dhellitiran ee liiska xiran (Proportional representation closed list).
Matalaadda Isudhellitiran waxaa loola jeeda saami-qaybsiga beelaha 4.5, taaso ka soo horjeeda qodobka 11 ee Dastuurka 4 Cutub iyo qodobka 45 (4) ee Xeerka doorashada oo ka reebaya Xisbiyada arrimaha qabiilka. Guddiga Madaxbannaan ee Doorashada iyo Sohdimada oo ku xiran/xiriir la leh Madaxweynaha JFS iyo Maxkamadda Sare keli ah, ayaa awood u leh ku dhawaaqidda dib u dhigista ama waqtiga doorashadu dhacayso, aan ku xirneyn dhammadka muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah.
Liiska Xiran, codbixiyaha wuxuu u codeynaya Xisbiga keli ah. Kuraasta Xisbi kasta ku guuleysto waxaa buuxinaya Musharrixiinta Xisbiga sida ay liiska ugu kala horreeyaan.
Liista furan, codbixiyaha wuxuu u codeynaya Xisbiga iyo musharrax/musharrixiin. Sida darted, tirada kuraasta xisbigu ku guuleystay waxaa xisbiga dhexdiisa loogu kala guuleysanaya cod dheeri.
Hase yeeshe, Musharrixiinta Liiska furan ee doorashada Soomaaliya waxay ku kala guuleysanayaan tirada kuraasta Xisbigu helo, cod dheeri, kaalinta liiska, iyo beesha uu ka tirsan yahay. Kursi lambar (beel) oo ka soo baxay Xisbi siyasadeed mar labaad ama saddexaad kama soo bixi karo Xisbi kale (Waxaa reeban in hal beel oo isku kursi ahi ay laba ama saddex xisbi ka soo baxdo).
Xeerka Doorashada wuxuu dalka u qaybinaya Soomaaliya iyo Soomaliland, dhul nabad ah iyo dhul aan nabad aheyn oo doorasho ka dhici karin, Dowlad Goboleedyo, magaalooyin iyo Degmooyin, tuulo, iyo xaafad. Wuxuu kaloo dhigaya hal deegaansho doorasho (Constituency) oo dalka oo dhan ah iyo deegammo doorashooyin heer DG iyo heer Degmooyin. Xeerka ma qeexayo Dowladaha Hoose, wuxuuse qeexaya Magaalo iyo Degmo. Sidaas oo kale ma qeexayo muwaadin/Codbixiye, wuxuu qeexaya qof.
Tirada Xildhibannada Golaha Shacbiga waa 275 xildhibaan oo matalaya dad lagu qiyaasay 18.358 milyan muwaadiniin ah. Xildhiban kasta wuxuu matalaya tiro isu dhow oo muwaadiniin ah ee ku nool degmooyinka doorashada ka dhacayso oo ah kuwii jiray 31kii Disember 1990. Xisbiga gala kaalinta koowaad doorashada Golaha Shacbiga wuxuu70% kuraasta uu helay siinaya musharrixiinta liiska ugu codka badan, 30%kalena wuxuu siinaya musharrixiinta ka soo jeeda beelaha aan ka dhex muuqan 70% kursi. Xisbiga gala kaalinta labaad wuxuu kuraasta uu helay siinaya musharrixiinta ka soo jeeda beelaha aan ku jirin liiska Xildhibannada Xisbiga kaalinta koowaad ku jira. Xisbiga gala kaalinta saddexaad wuxuu siinaya kuraasta uu helay musharraxiinta ka soo jeeda beelaha aan ku jirin liisaska xildhibannada beelaha Xisbiga kaalinta 1 iyo kaalinta 2. Golaha Shacbiga ayaa u codeynaya buuxinta kursiga ka bannaanada oo Xisbigu u soo sharraxayo 3 tartame oo ka soo jeeda beesha kursiga bannaan.
Xeerka ma sheegayo tirada Xildhibannada Aqalka Sare oo matalaya DG, hase yeeshe wuxuu sheegaya in musharrixiinta Xisbi walba ku kala guuleysanayaan sida ay u kala cod badan yihiin ayadoo la dhawrayo habka saami qaybsiga beelaha Soomaliyeed. Guddiga Madaxa bannaan ayaa qaybinaya kuraasta Aqalka Sare ee Xisbiga kaalinta 1 ku guuleysto, wuxuuna ku xijinaya Xisbiga Kaalinta 2, waxaana ugu dambeynaya Xisbiga Kaalinta 3 gala. Golayaasha Wakiillada DG ayaa u codeynaya kursiga ka bannaanada Aqalka Sare oo Xisbiga u soo sharraxayo 3 tartame. Codbixiyayaasha u diiwan gashan Somaliland ayaa u codeynaya kursiga ka bannaanada Aqalka Sare ee soo jeeda Goballada Waqooyi kaddib marka Xisbi u soo sharraxo 3 tartame.
Inkastoo Xeerka xusayo in DG leeyihiin dastuurro, doorashada waxaa maamulaya DFS. Musharrixiinta guuleystay ee Golayaasha deegannada ee aan ka tirsaneyn 3 Xisbi ee ugu horreysa waxay ku biirayaan 3 xisbi. Ma noqon karaan Wakiillo Madaxbannaan
Qodobka 11(4) ee Xeerka wuxuu dhigaya in doorashada ka dhaceyso meel walba oo ay suuragal ka tahay dalka, taaso khilaafsan qodobka 49 (4) ee Dastuurka 4 Cutub oo dhigaya in Madaxweynaha JFS dooranayaan dhammaan muwaadiniinta meel kasta ay joogaan, muwaadiniintaaso ka kooban reer magaal oo ah 42.4%, reer miyigi oo ah 22.8%, reer guuraaga oo ah 25.9%, Barakacayaasha oo ah 9% ah. Dastuurka wuxuu faraya in dhammaan codbixiyayaasha haystaan fursad siman ee ay uga qayb galaan doorashooyinka.
Qodobka 18 ee Xeerka doorashada wuxuu burrinaya qodobka 50 (2) ee dastuurka 4 cutuboo dhigaya in doorashooyinka hay’adaha dastuuriga la qabanayo hal xilli doorasho oo mideysan marka laga reebo doorashada golayaasha deegaanka oo laga hormarinayo doorashooyinka kale. Qodobka 18 wuxuu dhigaya in doorashada Madaxweynaha JFS iyo tan BFS isku mar la qabanayo; doorashada hoggamiyayaasha iyo ku Xigeennadooda iyo Golayaasha Wakillada DG isku mar kale la qabanayo; doorashada Golaha Caasimada Muqdisho, Golayaasha Deegaanka, Duqa Magaalada iyo ku xigeeenkiisa degmooyinka kale ee dalka isku mar la qabanayo, taaso khilaafsan qodobka dastuurka kor ku xusan.
Sida ku qoran qodobka 39 ee xeerka, musharraxiinta Xisbiyada soo sharraxeen waxay bixinayaan khidmado u dhexeysa $50,000-$100 ay ku iibsanayaan xaqa dastuurka siiyay ee musharraxnimo, taaso u baahan dib u eegis sharci. Xisbiyada waa qaadi karaan khidmado.
Ma cadda habka xallinta khilaafaadka doorashada Ma jirto hay’ad fulineed ee kor joogteyneysa Guddiga madaxabannan ee doorashooyinka iyo Maxkamad deegaan ee u xilsaaran xaqiijinta ku dhaqanka dastuurrada federaalka iyo DG, xeerka doorashada iyo kan Xisbiyada iyo xallinta cabashooyinka iyo muranka doorashada.
Waxaa isweydiin mudan in Xisbiyada maareyn karaan mushkiladaha saami qaybsiga beelaha, qoondada haweenka, iyo dadka qaba baahiyada gaarka ah, iyo dadka laga tiro badan yahay, iyo sababta doorashada Xildhibannada BFS looga dhigay liiska furan, halka wakiillada DG iyo Degmooyinkana looga dhigay liiska xiran ayado labaduna la dhawrayo saami qaybsiga beelaha Soomaaliyeed. Waxaan shaki ku jirin in guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka, ururrada/xisbiyada, musharrixiinta iyo codbixiyayaasha ay ku adkaan doonto fahamka iyo fulinta nidaamka doorashada Q&C ee Xeeerka doorashada dhigayo.
Doorashada tooska ah ee Madaxweynaha JFS ka tirsan Xisbi waxay ka soo horjeeda nidaamka dowladnimada Soomaaliya ku dhisan tahay oo ah nidaamka Barlaamanka. Daraasadu la sameeyay waxay tilmaamayaan in nidaamka Barlamaanka taagerayo nidaamka dimoqradiga ah, halka nidaamka Madaxtooyada uu u xuubsiinayo nidaamka Keligi-talisnimada ah. Kaalinta Madaxweynaha JFS waa ilaalinta midnimada qaranka, ku dhaqanka dastuurka, sharciga, iyo maamul-wanaagga hay’adaha fulinta, garsoorka, iyo sharci-dejinta, xilkaaso ah difaaca qarannimada Soomaaliya, kaalintaaso aad muhiim ugu ah Soomaaliya.
Doorashada Q&C waa dastuuri. Waajibka saaran dowladda Federaalka iyo DG waa in muwaadiniinta JFS helaan jawi ay uga qayb geli karaan doorashada Q&C ah si waafaqsan tilmaamaha qodobka 46 iyo 47 ee dastuurka 4 cutub. Soomaliya kuma jiri karto darxumo iyo dhalanteed. Ka adkaanshaha Al Shabab, dhammeystirka dastuurka, xoojinta tayada dowladda iyo diyaarinta nidaam doorasho aad loo turxaan bixiyay waxay kor u qaadayaan ku kalsoonaanta qabashada iyo natiijadaa doorashada Q&C oo ah dariiqa looga bixi karo fashilka dowladnimo.
Dr Maxamud M. Culusow
[email protected]