Friday January 31, 2025
Sanadka 2024 waxaa lagu xasuusan doonaa inuu noqday sannad
isbeddel taariikhi ah ku reebay taariikhda casriga ah ee Soomaaliya—sannad lagu qeexay loollan adag oo
loo galay jiritaanka madaxbannaanida, gobbonimafa iyo midnimada dhuleed ee
dalka.
Maalinta Koowaad ee Sannadki 2024, Dalka Itoobiya iyo maamulka
Somaliland ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham (MoU) muran badan dhaliyay, kaas oo Itoobiya lagu
siiyay saldhig badeed ciidan oo gaaray qiyaastii 20-kiloomitir xeebta
Somaliland marta, iyagoo gabi ahaanba hareer maray dowladda federaalka
Soomaaliya. Bedel ahaan, Itoobiya waxay ku soo bandhigtay suurtagalnimada
aqoonsiga Somaliland inay tahay dowlad madax bannaan—tallaabo si toos ah ugu
hanjabaysay madaxbannaanida Soomaaliya iskuna dayday inay burburiso midnimada
jilicsan ee muddo tobannaan sano ah soo dhisneyd. Qarankani oo muddo dheer lagu
yaqaanay halganka dib u dhiska iyo xaqiijinta awooddiisa, tani ma ahayn khilaaf
diblomaasiyadeed oo caadi ah. Waxay ahayd loolan ka tarjumaya jiritaan ummadeed.
Sannadki la soo dhaafay intiisa badan dowladda fedralka Soomaaliya
go’aannada ay qaadatay ee ay
hordhigtay masraxa caalamiga ah, heshiisyada ay gashay, iyo baaqyada ay soo
saartay dhammaantood waxaa loo fasiran karaa in la tixgeliyo codsigeeda ka
horjeeda in la kala jar-jaro dhulka Soomaaliya. Laakiin inta ay xaaladdu
cakiraneyd, hal shakhsi ayaa soo muuqday isagoo noqday lafdhabarkii ka dambeysay jawaabta Soomaaliya: Axmed Macallin Fiqi,
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Gacanta qof kale adoo galay, tani waxay noqon kartay sheeko u
ekaan lahayd isdhiibid, u diiwaan gasha taariikhda dhow ee nuglaanta Soomaaliya oo ay ka faa’iideystaan deris
xoog badan. Laakiin gacanta Fiqi, waxay isu beddeshay sheeko kale—mid ka
turjumaysa adkaysi, dhiiranaan, iska caabin, iyo dib-u-qaabaynta booska
Soomaaliya ee adduunka.
Nuglaanta iyo
Soo-kabashada
Muddo tobanaan sanno ah, Soomaaliya waxay laheyd calaamado dhaawacyo ka dhashay dagaal iyo kala qaybsanaanta. Nuglaanta dalka ayaa marar badan noqotay fursad ay ka faa’ideystaan kuwa kale. Itoobiya, si gaar ah, taariikh ahaan waxay is-bidday awood ay ku farageliso—si militari, dhaqaale, iyo diblomaasiyadeed ahaanba markey fursad ka dhex aragtay kala qeybsanaanta Soomaalida.
Horey, faragelinta Itoobiya waxaa loo soo bandhigi jiray inay
lagama maarmaan u tahay la dagaallanka argagixisada ama xasilloonida gobolka.
Laakiin marmarsiyadan badanaa waxay ku qarin jireen damacyo qoto dheer.
Ciidamada Itoobiya, si rasmi ah oo loo casuumay ama aan la casuumin, waxay ka
howlgaleen gudaha Soomaaliya, iyagoo xoojinaya saameyntooda maamulada
deegaanka. Heshiisyada qarsoodiga ah ayaa hoos u dhigayay awoodda Muqdisho.
Heshiiskii Is-afgaradka sha
rci daradda
ee January 1 wuxuu ahaa mirihii dadaalladan, isagoo halis geliyay
madax-bannaanida Soomaaliya oo lagu daboolay marmarsiiyo dhaqaale.
Soomaaliya, heshiiskaasi wuxuu halis u ahaa inuu sii huriyo
sheekadii ku dul wareegaysay tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991: sheekada
ah inay tahay qaran kala go’an oo aan awood u lahayn inuu iska caabiyo
deriskiisa. Laakiin Axmed Macalin Fiqi wuxuu fahmay in sheekooyinkani aysan ahayn kuwo
aan la bedeli karin—laakin sidooda dib loogu qori karo.
Istraatejiyadda Diblomaasiyadeed.
Jawaabta Axmed Macallin Fiqi ee ku aaddan Heshiiskii Is-afgaradka
(MoU) ma ahayn mid ka falcelin ah ama degdeg ah. Tallaabadiisii ugu horreysay
waxay ahayd inuu hubiyo in carada Soomaaliya aysan ku ekeyn Muqdisho oo keliya.
Safiirkii Itoobiya ayaa laga eryay dalka. Wuxuu heshiiskaas u sawiray fal
gardarro ah, isagoo soo jiitay cambaareyn caalami ah oo ka timid Jaamacadda
Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurib, Ururka Islaamka, Qaramada Midoobay iyo dawladaha waaweyn,
taas oo ku khasabtay Itoobiya inay qaadato mowqif difaac.
Laakiin tani kama aheyn kaliya tallaabo isdifaacid ah. Fiqi wuxuu
fahmay in si buuxda looga hortago damaca Itoobiya, Soomaaliyana inay isku meeleyso sidii ay u
noqon lahayd awood firfircoon oo ka dhex muuqata Geeska Afrika. Tani waxay la
micno ahayd dhisidda xulafo ama isbahaysiyo, halkii oo keliya lagu ekaan lahaa cambaareynta kuwii gaboodfalka
geystay.
Fiqi isagoo fahamsan nuglaanta gudaha ee Itoobiya—qaska ka jira
Amxaarada iyo Oromada goboladooda, cadaadiska dhaqaale, iyo saameynta weli ka
jirta dagaalkii Tigray—wuxuu Heshiiskii Is-afgaradka u beddelay baaq mideyn
qaran oo Soomaaliyeed.
Iyadoo uu hogaaminayo Fiqi, Soomaaliya ayaa
xoojisay xiriirka ay la leedahay Masar, Eritrea, iyo Turkiga, wadamo iyaga
laftoodu dano muhiim ah ka leh isbeddelka awoodda gobolka.
Bishii Agoosto 2024, waa markii ugu horreysay
Masar ay muddo ka badan afartan sano gaarsiisay Soomaaliya gargaar saanad
ciidan ah, waxay astaan u noqotay isbahaysi qoto dheer oo ku dhisan masiir
wadaag, iyadoo Qaahira ay ku dooneysay inay ka hortagto damaca Itoobiya ee
webiga Niil isla markaana ay taageerto madaxbannaanida Soomaaliya.
Bishii Oktoobar, shir saddex geesood ah oo ka
dhacay Asmara oo dhexmaray Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya ayaa adkeeyay heshiis
ku saleysan amni wadaag, iyadoo la ballanqaaday in la xoojinayo Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaaliya si loo wajaho khataraha soo food leh. Eritrea, oo muddo dheer
ka taxaddareysay saameynta sii kordheysa ee Itoobiya, waxay taageeradeeda
diblomaasiyadeed ku darsatay Soomaaliya, iyada oo garowsatay in Muqdisho oo
awood leh ay muhiim u tahay dheelitirka gobolka. Tallaabooyinkan ayaa bedelay
isbeddelka awoodda, iyadoo muujisay in Soomaaliya aysan mar dambe ahayn
ka-qaybgalaha keliya ee aan firfircoonayn arrimaha gobolka.
Bishii Diseembar 2024, iyadoo la kaashanayo dhexdhexaadinta
Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen Heshiiska Ankara. In
kasta oo Itoobiya aysan si cad uga tanaasulin Heshiiskii Is-afgaradka ee
January 1 ee ay la gashay Somaliland, heshiiska Ankara wuxuu si wax ku ool ah u
joojiyay fulinta heshiiskaas, isagoo dib u xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedahay
xukunka dhulkeeda. Heshiiskaas wuxuu ku qasbay Itoobiya inay dib uga noqoto
Heshiiskii Is-afgaradka ee hurinayey xaaladda, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in
Soomaaliya ay dejiso shuruudaha wada-xaajoodyada mustaqbalka ee ku saabsan
marin ganacsi helista Itoobiya ee Badda
Soomaaliya si ku qotanta shuruucda dalka iyo kuwa caalamka.
Waddada Siyaasiga
Khibradda Fiqi ee dhanka diblomaasiyadda waxay ka soo maaxatay
xirfad uu ku suntan yahay adeeg iyo istaraatiijiyad. Safarkiisa waxa uu ku
bilowday isagoo ahaa safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo markii dambe Agaasimaha
Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) intii u dhaxaysay
2011 ilaa 2013. Xilalkaas muhiimka ah ayaa siiyay Fiqi faham dhameystiran
oo ku saabsan xasaasiyadda maamulka.
Sanadkii 2015, wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xisbiga Daljir,
oo markii dambe ay bahoobeen Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) oo isku
bedelay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee hadda talada haya.
Isagoo ka faa'iidaysanaya aasaasyadaas, Fiqi wuxuu ku biiray baarlamaanka
federaalka Soomaaliya sanadkii 2016.
Wuxuu soo qabtay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo
dibuheshiisiinta. Markii loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda bilowgii
bishii Abriil 2024, aragtida istiraatiijiyadeed ee Fiqi waxay noqotay mid
qeexaysa mowqifka cusub ee Soomaaliya ee ku dhiiran ka dhex muuqashada masraxa
caalamiga, iyadoo la muujinayo in qaran
muddo dheer hoos loo dhigay uu dib u hanan karo madaxbannaanidiisa iyo
saameyntiisa Geeska Afrika.
Sida uu ugu fiicnaa diblomaasiyadda, sida aan kala go’a lahayn ee
uu ugu istaagay difaaca madax-bannaanida Soomaaliya, iyo tamarta uu ku bixiyey
qaran inuu aamino awooddiisa, Axmed Macallin Fiqi wasiirka Arrimaha Dibadda
ayaa loo aqoonsaday Shaqsiga Sanadka ee
Hiiraan Online 2024.
Sanad la soo maray caqabado badan, hoggaanka Fiqi wuxuu caddeeyay
in sheekada Soomaaliya aysan weli dhammaan. Waa sheeko ka hadlaysa adkaysi, dal
dib u hananaya codkiisa, iyo dad diiday in lagu qeexo wixii ka dhacay waayihii
hore.