fiogf49gjkf0d
Dadka Maraykanka (iyo weliba in aad u badan oo dadyowga adduunka ah) si aad ah ayay u soo dhaweeyeen doorashada Barraak Xuseen Obaama ee loo doortay Madaxweynanimada dalka Maraykanka, kaddib markii uu dadka rajo-geliyey is-beddelna uu ballan qaaday. Nuur Xasan Xuseen, Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Faderaalka ku Meelgaarka ah isaguna dadka dagaalku uu ku daahay ee Soomaaliyeed waxa uu geliyey rajo wuxuuna tusay is-beddel; is-beddelkaas oo ah dagaal diidmo, nabad iyo heshiis doonid – sidaas aawadeedna Shabakadda Hiiraan Online waxa ay u dooratay Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde Shakhsiga Sanadka 2008-da kaddib markaan eegnay dadaalka uu ka geystey dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyada oo xoogag badan oo gudaha iyo dibaddaba ahi ay hortaagnaayeen dadaalkaas.
Labaatankii sano oo la soo dhaafay, kumanaan kun oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ku naf-waayey dagaallo sokeeye oo macno darro ah, intaas in ka badanna waxa ay u firxadeen daafaha dunida. Labadii sano oo la soo dhaafay, kumanaan kale ayaa dhintay kaddib markii Itoobiya ay dalka soo gashay ayna qabsatay. Weliba dad hal malyan ku dhow oo Muqdishu ku noolaa ayaa noqday kuwo u barakaca duleedka magaala-madaxda. Sanadkan, 2008-duna, waxa uu ahaa mid ku suntan talax-tagga xad-gudubka xuquuqda bini’aadamka, bur-burin aan loo aabo-deyin iyo sii murginta siyaasadda Soomaaliya oo horayba u cakirneyd. Mustaqbal mugdi ah ayaa 2008-da harreeyey DFKM ahayd ee tabarta darnayd dhexdeedana iska-haysatey, dib-u-heshiisiinta Soomaalida iyo weliba mustaqbalka Qaranka Soomaaliyeed.
Iyada oo sidaas uu mustaqbal madow uu u hareeyey DFKM ee taagta daran iyo weliba dib-u-heshiisinta Soomaalida iyo guud ahaan mustaqbalka Qaranka Soomaaliya, ayaa November 22, 2007 waxaa masraxa siyaasadda Soomaaliya ka soo dhex muuqday Nuur Xasan Xuseen oo loo yaqaan Nuur Cadde kaas oo noqday Ra’iisul Wasaaraha DFKM.
Magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha cusub rajo wanaagsan ayaa ka soo muuqatay, dadka Soomaaliyeedna kuma ay hungoobin Nuur Cadde gaar ahaan dadka Muqdisho iyo degaanada ku dhow dhow ku nool - kuwaas oo la oran karo waa ay gaba-gabeysnaayeen iyaga ayuuna ku dhacay inta badan dhibka dagaalada Soomaaliya xilligaan ka socda. Waxaa iyaduna jirtey in Nuur Cadde uu siyaasadaha Soomaaliya bannaanka uga maqnaa intii dalku uu burburka ku jirey,isag oo ahaa Xoghayaha Guud ee ururka Laan-qayrta Cas ee Soomaaliya. Taas oo ay ka dhalatay in Nuur Cadde uu ku khasbanaado in uu tag-taagsado,maxaa yeelay inta badan mucaaradku waxa ay u tilmaameen daba-dhilif qaar kamid ahina dilkiisa ayeey ku baaqeen, Madaxweynaha DFKM ee isaga markaas magacaabayna waxa uu waqtigaas ka soo jeestey is-jiid-jiid siyaasadeed oo kala dhexeeyey Cali Maxamed Geedi, waxa uuna Madaxweynuhu danaynayey in aanu Nuur Cadde ka fara-baxsan,siyaasadda iyo maamulkana aanu la fakan ama la fogaan; Itoobiyaanka oo markaas ciidan ama xoog ahaan gacanta ku hayey meel kasta oo DFKM ah degen tahay qudhooda shaki weyn ayay ka qabeen Nuur Cadde oo hadallo dabacsan iyo nabad-doonimo warkiisa ku bilaabay; Muqdisho oo magaalo madaxdii ah Ra’iisul Wasaaruhuna uu ka soo jeedo, dagaan ahaan, dil iyo nabad-gelyo la’aan ah ayay la il-darnayd waxa ayna shacabku dalbanayeen in uu dagaalka iyo colaadda ka soo af-jaro. Khasnadda Xukuumada Federaalka ah ee uu Nuur Cadde la wareegay laftigoodu waa ay marnaayeen; xubnaha Xil-dhibaanada DFKM ah oo u bartay laaluush qudhoodu waxa ay fara-baxsi u ahaayeen xil-ka-xayuubinta Ra’iisul Wasaaraha aanba weli cago dhigan. Bulshada Caalamka oo aad ugu daalay ugana daalay is-qab-qabsiga iyo wax-qabad la’aanta DFKM quus ayay taagneeyeen waxa ayna qarka u saarnaayeen in ay faraha ka qaadaan DFKM. Rajada shacabka ay u qabeen is-baddel weyn oo weliba deg deg ah iyo dalabka hurumar la taaban karo ee ka imaanayey qurba-joogga isaguna waa uu baaxad weynaa.
Xaaladda sidaas u cakiran, Ra’iisul Wasaaraha cusub guul in uu gaaro uma fududayn, laakiin Nuur Cadde waa uu dhabar-adaygay, waxa uuna muujiyey xeel-dheeri siyaasadeed, damqasho ummadeed, waddaniyad qodan iyo mintidnimo danta guud uu ku mintiday taas oo shabahdey ama u ekeyd middii lagu yaqaanney madaxweynihii hore ee Nuur Cadde ay samiga ama magac-wadaagga ahaayeen ee Aaden Cadde.
Muddaddii koobneyd ee xilka Wasiirka Koowaad uu Nuur Cadde ku magacownaa, waxa uu qaaday tilaabooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed oo ku habboonaa ku dhex-socodka iyo ka miro ka dhallinta siyaasadda calowga ah ee kacsan ee Soomaaliya. Taasina waxa ay keentay in ay u qiraan xitaa dadkii ka soo horjeedey in Nuur Cadde uu yahay nin-siyaasadda ilbax ku ah. Waana runoo, arrimo badan waa u hagaageen Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde waayo, ma ahan nin siyaasadda ku cusub ama nabadda isaga soo boodey; balse waa nuug caddaa, 69 jir ah oo ahaan jirey sarkaal sare oo boolis ah, gar-yaqaanimana loo tababaray. Muddadii dheerayd ee uu laan-qayrta cas ka tirsanaana aad ayuu u ula socdey mushkilada Soomaaliya – waana uu fahamsanaa sida xilkiisa cusub ee Wasiirka 1-aad uu uga faa’iideyn karo sidii loo furdaamin lahaa dhibka Soomaaliya.
Nuur Cadde waqti ma lumin, waxa uuna u ban-baxay sidii dalka looga leexin lahaa dhabbaha colaadda, loona saari lahaa waddada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Qaran.
Nur Cadde Markii la magacaabayba, wuxuu ku dhawaaqay in hadafkiisa koowaad uu yahay u howlgalida dib-uheshiisiin dhab ah, oo ka duwan tii dibnaha aan dhaafi jirin ee raggii ka horeeyay dadka ku maaweelin jireen, wuxuuna markaas kooxihii is hayay oo dhan ugu baaqay in in tubta wadahalka iyo heshiisku uu yahay tan Itoobiya iyo Ciidamadeedaba lagula dagaalami karo. Wuxuu kaloo marar badan ku celceliyay inuu xilkiisa uga tanaasulayo kooxaha mucaardaka ah haddi ay nabad ku badelanayaan. Sidoo kale Nur Cade, wuxuu madaxda Itoobia kula gorgortamay in Somaalya ay u baahan tahay xal aan ahayn kan dagaalka, xalkaasoo dalbaya in laga dhexradiyo cid kasta, xataa kuwa argagixisada lala xiriiriyo, aydoo ay hay’ado caalami ahina arrintaas dhawaanta Nur cadde ku raaceen, sida in wada hadalda nabadeed laga qayb galiyo kooxaha Al-Shaqbaab.
Ku adkaysiga Raiisulwasaare Nur Cade oo ah in nabad la raadiyo, wuxuu sabay in dowlada ku meelgaarka ahi ay aqbasho wadahadal toos ah oo lalagalo Jabhada dib-u xoraynta Somaaliyeed garabkeeda Jabuuti, kasoo ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midowday. Waana tii laysla ogolaaday qodobo ay ka mid yihiin:
a- In Ciidamada Itoobiya ay deg-deg uga baxaan Dalka Soomaaliya iyo
b- In la abuuro hay’ad caalami ah oo dabagal ku samaysa dambiyadii dagaalka iyo cidii foolxumadaas gaysatayba.
Nuur , wuxuu kaloo dhiiragaliyay in qaar ka mid ah Hoggankii Mucaardaku ay Xamar ku soo noqdaan si ay dalka uga dhaqangasho nabadii Jabuuti lagu soo saxiixay, ayadoo Baarlamaanka Soomalliyeed iyo ururada dowliga ahina ay taageereen.
Go’aan qaadashada Nuur Cade waxay tusaale fiican u tahay wada shaqaynta hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed ee mustaqbalka, iyo sida ay tahay in loo ilaaliyo qawaaninta dalka u taalla iyo in laga digtoonaado kaligi talisnimada.
Nintooxsiga iyo kaligi xambaarashadu, waa tan sababtay soo noqnoqoshada isqabadka madaxda Soomaaliyeed ee waayahaanba. Waxaaadse hadda moodaa in Nur Cade muujiyay in sharcigu Soomaaliya ka shaqaynkaro haddi lagu adkaysto u danayta maslxada shacbiga Soomaaliyeed, waloo ay jiraan dad wali ka gows-haysta guusha hadda loo tirinayo Nur Cade, sababaha ay ku timid iyo intay socon doontaba.
Si kastaba ha ahaateed, waxaan hadda u jeednaa in Nur Cade horseed ka yahay rajo dib-u-heshiisiineed oo hadii ay saas ku socoto nabad ku soo dabaali karta Soomaaliya, ka dib markuu jilbaha u dhigtay dhismaha dowlad kooban oo uu ka soo dhex xulay Baarlamaanka iyo dibadiisaba, islamarkaasna uu xabsiyada ka soo daayay dad badan oo siyaasad u xirnaa.
Tilaabooyinkaas uu Nur Cade ku dhiiraday, walina ku adagyahay sii wadidooda iyo inuu diyaar u yahay ka tanaasulida xilkiisa, maslxad dadka owgeed, ayaa Hiiraan Online, waxay u xulatay in Ra’iisulwasaare Nur Cade uu noqdo shaqsiyada sanadkan 2009 (person of the year).
Wixii tusaala ah noogu soo dira: [email protected]