More Articles
Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo maanta hor-tagtay Aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in aan dalka hadda laga qaban Karin doorasho qof iyo cod ah sidaasi darteed uu Guddiga doorashada u baahanyahay in la siiyo waqti dheeraad ah.
Warkii oo dhan
Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada waqooyiga Gaalkacayo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Khamiis, Juun 25, 2020 (HOL) - Puntland ayaa ka digtay in shuruucda wadanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabitaanka madaxda dalka iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel gaarka ah, laguna dhiirranayo been-abuur iyo isdaba-marin.
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - War-murtiyeedkii shirkii Jabuuti lagasoo saaray xalay saq dhaxe ayaa lagu daray qodob aan horey ugu jirin oo ahaa kii ugu adkaa intii shirku socday.
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Tan iyo markii uu shalay soo baxay qaraarka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si xoog leh uga hor yimid beelo dhowr ah oo ku tilmaamay mid baal marsan dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka iyo nidaamka ay beelaha Soomaaliyeed kusoo xushaan mudanayaasha ku matala labada aqal ee uu baarlamaanka federaalka ka kooban yahay.
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradiisii cunsuriyada ahaa ee ka dhanka ah Ilhan Omar, isagoo u sheegay dad badan oo taageerayaashiisa ah in haweeneyda u tartamaysa Koongareeska ay doonayso in ay Maraykanka ka yeesho sida Soomaaliya oo kale.