Isniin, December, 2, 2024 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay duulaanka ku hayso maamulka Jubbaland.
Warkii oo dhan
More Articles
Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan ayaa ku celiyay mowqifka dowladda ee damaca Itoobiya ee heshiiskii ay Somaliland horaantii sanadkaan kula gashay magaalada Addis Ababa si Itoobiya ay u hesho Marin badeed iyo saldhig military.
Sabti, November, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka.
Jimco, November, 29, 2024 (HOL) - La-taliyaha Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xafliska Ra'iisul Wasaraha Xukuumadda JFS, Shamsa Abdulkadir Haji Dahir ayaa bartee Facebook ku qortay qoraal ay ku sheegeyso inay iska casishay xilka lataliyenimo oo ay ka haysay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Khamiis, November, 28, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u dirtay hay’adda Interpol codsi ku saabsan soo saarista digniin caalami ah (Red Notice) oo ka dhan ah Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Arbaco, November, 27, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhaw soo saartay waaran lagu soo xirayo Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe oo 25-kii bishaan dib loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.
Talaado, November, 26, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.