More Articles
Axad, December 29, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahad celisay ciidamada Burundi ee qeybta ka ahaa howlgallada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ATMIS) , kuwaas oo ay ku ammaantay inay door muhiim ah ka qaateen xoojinta amniga Soomaaliya iyo la dagaallanka argagixisada.
Warkii oo dhan
Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Waxaa Magaaladda Laascaanood kulan ku yeeshay Garaadada SSC Khaatumo iyo ergo ka timid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo sheegay in ay ka shaqaynayaan xal u helista colaadda u dhexaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Jimco, December 27, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Caawa shir jaraa'id qabtay ayaa si adag uga hadlay askartii Shalay lagu dilay nawaaxiga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Khamiis, December 26, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo galinkii dambe ee maanta qabiil ahaan loogu dilay nawaaxiga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa bartiisa X waxa uu ku beeniyay in Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaatay marin biyood ay ku gaarayaan badda Cas, waxaana uu wasiirka carabka ku dhuftay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan sal iyo raadba lahayn.
Talaado, December 24, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa caawa ku dhawaaqay magacaabista madaxweyne ku-xigeennadiisa koowaad iyo labaad, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday madaxtooyada Jubbaland.