More Articles
Sabti, Maarso 8, 2025 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn culus oo ka dhacday deegaanka Ceel bacad ee gobolka Shabeellaha dhexe ku dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab ee gobolkaas.
Warkii oo dhan
Jimco, Maarso 7, 2025 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.
Khamiis, Maarso 6, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa mar kale uga ku wargalisay shacabka inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaabku, iyagoo sheegay in dowladda federaalka ay sare u qaadeyso howlgallada dhanka cirka iyo dhulka ee lagula dagaallamayo kooxda Shabaab.
Arbaco, Maarso 5, 2025 (HOL) - Shirkaddaha duulimaad ee Turkish Airlines iyo Qatar Airlines ayaa hakiyay duulimaadyadii sida maalin laha ahaa oo ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho kadib markii ay soo baxeen digniino dhinaca amaanka ah oo la xiriira Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade.
Talaado, Maarso 4, 2025 (HOL) - Puntland ayaa soo dhoweeysay dad lasoo xiriiray oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas ka faa’iideystay cafiska uu u fidiyey madaxweyne Siciid Deni, taasoo loogu talagalay cid kasta oo hore ula shaqeynaysay kooxda Daacish, balse ka soo laabatay fikirkaasi.
Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Itoobiya, Janaraal Birhanu Jula, ayaa sheegay in wakhti yar kaliya ay ka harsan tahay in Itoobiya ka mid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas.