More Articles
Jimco, Maarso, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu dhegaha ka furaystay baaqyadii ay u jeediyeen ee ku aaddanaa hannaanka loo marayo dib u eegista dastuurka dalka.
Warkii oo dhan
Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Dowlada Soomaaliya iyo shirkada diyaaradaha ee Emitrates ayaa labadooduba waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay baahisay Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, oo sheegayay in ay isku dhici gaadheen diyaarado ay leeyihiin Emirates iyo Ethiopian Airlines.
Arbaco, Maarso, 27, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 80 Shabaab ah in lagu dilay howlgallo laga fuliyay Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.
Talaado, Maarso, 26, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu si adag uga soo horjeedo, ugana digayo beddalidda Dastuurka KMG ka ah, si aan Soomaali heshiis ku ahayna meesha looga saaro mabaadi'da asaasiga ah iyo qaab dhismeedka Dowladnimada ee ku salaysan hannaanka Federaalka.
Isniin, Maarso, 25, 2024 (HOL) - SSC- Khaatumo ayaa ku eedeeysay dowladda federaalka Soomaaliya in mashaariic loogu talo galay degaanada SSC- Khaatumo loo marsiiyay Somaliland, taasoo ay sheegeen inay muujinayso in dowladda federaalku weli aaminsan tahay in degaanada SSC- Khaatumo ay katirsan yihiin Somaliland.
Axad, Maarso, 24, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sharciga horkeenayso shabakaddii ka dambeysay abaabulka weerarkii dhawaan lagu qaaday hotel SYL ee magaalada Muqdisho.