More Articles
Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabay cambaaraynta ay dowlada Soomaaliya iyo Shiinuhu u jeedinayaan, xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland anay cidna ku qasbi karin waxayna doonayn, isaga oo xukuumada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal ku hanjabtay.
Warkii oo dhan
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu waqtigiisu dhamaaday iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beileh oo ay wehliyaan Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka IMF, Laura Jaramillo, ayaa shalay ka wada hadlay barnaamijka Miisaaniyadda IMF ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameynayo bisha May 2022. Dib u eegistii hore ayaa dhacday bishii November 18, 2020.
Khamiis, Maarso, 3, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa maanta qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta aqalka hoose ee lagasoo doorto Koonfur Galbeed.
Arbaco, Maarso, 2, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla meel dhigay qorshaha lagu bedelayo howlgalka (AMISOM), iyadoo lagu bedelayo howlgal cusub ee loogu magac daray ATMIS.
Isniin, Febraayo, 28, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qiimeynaya xaalada deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo ah magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.