More Articles
Khamiis, October, 24, 2024 (HOL) - 164-tahriibayaal Soomaali ah oo ku xayirnaa dalka Liibiya ayaa maanta si nabad gelyo ah dib ugu soo laabtay Muqdisho, taasoo qayb ka ah dadaallo xiriir ah oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya, Midowga Yurub (EU), Ururka Socdaalka Adduunka IOM, iyo hay'adda qaxootiga UNHCR.
Warkii oo dhan
Arbaco, October, 23, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay beesha caalamka in ay Soomaaliya yeelanayso hoggaaminta howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee AUSSOM, iyadoo intaas ku dartay in ay xaq u leedahay inay xulato dalalka ciidamada ku taageeraya howlgalka cusub.
Talaado, October, 22, 2024 (HOL) - Alshabaab ayaa markii ugu horraysay shaacisay muuqaalka Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo kamid ahaa abwaanada reer Somaliland, kaasoo si toos ah ugu biiray kooxda Alshabaab.
Isniin, October, 21, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Raysal wasaare ku xigeen labaad oo ay yeelaneyso Xukuumaddiisa.
Axad, October, 20, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, ayaa lagu eedeeyay inuu sifo sharci darro ah 17 qof oo la-taliyayaal ah ugu qorayay safaaradaha dibbada, kuwaas oo aan kasoo shaqayn wasaaradda arrimaha dibadda.
Sabti, October, 19, 2024 (HOL) - Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaysay saaxiibada caalamka, ayaa sheegtay in hawlgallo ciidan oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Alshabaab ay ka sameysay degaano hoos yimaada Shabeellaha Dhexe, iyo Galgaduud.