More Articles
Talaado, December, 26, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in ka badan 80 Alshabaab ah in lagu qaarajiyay dagaallo 48 saac ee ugu dambeeyay ka dhacay degaannada Caad iyo Baraag Sheikh Ismaaciil oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Warkii oo dhan
Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Siyaasiyiin kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland, kuwaas oo wata saxiixyada isimadooda, ayaa warqadahooda u geystay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, sida aan ka xaqiijinay ilo xog ogaal ah oo si dhow ula socda arrimahan.
Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaraaha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay meelo ka mid ah maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
Sabti, December, 23, 2023 (HOL) - Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan wax xildhibaano ah u dirsan doonin maamulka Puntland, sidoo kale, kuwii horey u joogayna aysan u cusboonaysiin doonin inay kusoo laabtaan kuraastooda.
Jimco, December, 22, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo katirsan golaha dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa sheegay in aysan xuli doonin xildhibaanada beesha Dhulbahante uga qeyb gali jiray baarlamaanka maamulka Puntland.
Khamiis, December, 21, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa kasoo horjeestay wararka sheegaya in Laascaanood ay dib ula midoobayso Maamulka Puntland.